Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada oo Kormeeray Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasiirka waxaa ku wehlinayey kormeerka, Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaah Cabdi Cumar Agaasimaha guud ee adeegyada Wasaaradda Xabiiba Cali Maxamed, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo wacyigalinta Abdullahi Adan Muse iyo Agaasimaha guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Mohamed Yusuf Nur.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir, waxa uuna kala hadlay in mudnaanta koowaad ay tahay baahinta iyo tayada waxbarashada si carruurta Soomaliyeed ee ka maqan waxbarashada ay u helaan fursad waxbarasho, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan shaqada ay u hayaan bulshada Gobolka Banaadir si loo hirgeliyo qorshayaasha waxbarashada Qaranka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this