Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Kormeeray Taliska Ciidanka Kumaandooska Gorgor

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa Muqdisho kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka milateriga Soomaaliya, gaar ahaan ururka 1aad Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ciidamada ku dhiira-galiyay in looga baahanyahay in ay Qaranka Soomaaliyeed difaacaan kana xureeyaan cadawga dhibaateeyay dadka Soomaaliyeed, waxuuna faray inay ku biiraan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Taliska Ciidanka XDS waxaa ka go’an la dagaallanka kooxda Alshabaab, waxayna ciidamadan qeyb ka noqonayaan ciidamada loo diyaariyay Howlgallada dagaalka ee ka dhanka ah Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa wajiga labaad ee gulufka xooggan ee lagu dagaalamayo ururka Alshabaab, waxaana la filayaa inuu dhowaan bilowdo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this