Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xfiiskiisa Ku Qaabilay Taliya Hey’adda Sirdoonka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MİT) Ibraahim Kalin, Waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, sida amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe), oo dhiggiisa Turkiga ku soo dhaweeyay muqdisho.

Booqashada Taliyahan sare ayaa muujinaysa sida uu Turkigu u danaynayo Soomaaliya, islamarkaana ay uga go’antahay inuu sii xoojiyo taageerada uu siiyo dowladda ah iyo dadka soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this