Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo shaacisay cidda fulisay dilkii Cismaan Colgondood iyo Ducaale 

Recommended Posts

Deeq A.   
SSC-Khaatumo-Khatumo.jpeg?fit=1600%2C160

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyey dil 28-kii April ka dhacay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag oo loo gaystay Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale.  

War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in dilkaas ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan maamulka Somaliland, ujeedkuna uu ahaa in gobolka laga huriyo colaad beeleed, sida hadalka loo dhigay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. 

War-saxaafadeedka

Taariikhdu markay ahayd 28.04.2024 waxaa lagu dilay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag. Alle ha unaxariistee Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood & Maxamed Axmed Aadan Ducaale.  

Dilkaas waxaa gaystay maleeshiyaadka Somaliland, kuwaas oo muddaba wadey in ay colaad ka huriyaan deegaannada gobolka Sanaag. Sida la ogyahay Somaliland waxay ciidammo maleeshiyaad ah ku uruurisay Galbeedka Gobolka Sanaag. Ciidammadaas oo u jeedkoodu yahay inay mar kale dhibaato u geystaan shacabka reer SSC-khaatumo ee ku dhaqan gobolka Sanaag, iyagoo baahinaya colaadda iyo amni darrada uu ku fooggan yahay maamulka Soomaali-diidka ah iyo horjoogahooda danbiile muuse Biixi.  

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ummadda Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u caddaynayaa in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo geysanayo shacabka SSC-Khaatumo uu masuuliyaddeeda qaadayo taliska ka arrimiya Hargeysa oo weli u oomman inuu daadiyo dhiig hor leh.  

Ugu dambayn, maamulka SSC-khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran deegaankiisa iyo shacabkiisaba wuxuu caddaynayaa in uusan marna aqbali doonin duullaanka gardarrada ah ee ay Somaliland ku waddo guud ahaan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

440962064_385782604449155_27646407551916

The post SSC-Khaatumo oo shaacisay cidda fulisay dilkii Cismaan Colgondood iyo Ducaale  appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this