Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo ka hadashay dil ka dhacay Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_17144350531327773.jpg?resize=715%

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay labo nin oo shacab ah oo maalin ka hor lagu dilay gobolka Sanaag, dilkaas oo ay geysteen maleeshiyaad ka soo jeeda Somaliland.

Qoraal ka soo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in 28-kii bishan April deegaanka Laymadh ee gobolka Sanaag lagu dilay Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale, dilkaasna ay geysteen maleeshiyaad ka soo jeeda Somaliland.

SSC-Khaatumo waxay xusay in maamulka Somaliland uu maleeshiyo beeleed ku uruuriyay galbeedka gobolka Sanaag, kuwaas oo sida ay sheegeen u jeedkoodu yahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer SSC-Khaatumo ee ku nool gobolka Sanaag.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka u caddeeyay in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo shacabkooda ay mas’uuliyadeeda qaadayso xukuumadda Somaliland.

FB_IMG_17144350435027151.jpg?resize=696%

PUNTLAND POST

The post SSC-Khaatumo oo ka hadashay dil ka dhacay Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this