Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay xaalada caafimaad ee wariye Raage Omaar?

Recommended Posts

Deeq A.   
Weriyaha ITV News Raage Omaar ayaa hadda ka soo kabanaya xaaladdii caafimaad ee ku timid isaga oo si toosa u tabinaya wararka. Sida laga soo warbaahinta ITV Raage ayaa hadda ku sugan gurigiisa ka dib markii laga soo saaray isbitaalka oo lagu soo dabiibiyay. Wuxuuna qof walba uga mahad celiyay “naxariista iyo caafimaadka uu u rajeeyay”.

Afhayeen u hadlay ITV News ayaa yiri: “Waxaan daawadayaashii warkii xalay ugu mahadcelineynaa sida ay uga walaacsanaayeen xaaladda caafimaad ee Raage Omaar.

“Kadib daawaynta isbitaalka, wuxuu hadda ku jiraa xaalad soo kabasho ah isaga oo gurigiisa ku sugan”.

“Waxaan Raage u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah waxaanan rajaynaynaa inuu dib ugu soo laabto shaashada marka uu soo caafimaado.”

War qoraal ah oo uu la wadaagay ITV News, ayuu Raage Omaar ku sheegay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qof kasta ugu mahadceliyo naxariistiisa iyo caafimaadka ay rajeeyeen, gaar ahaan dhammaan shaqaalaha caafimaadka, dhammaan saaxibadeyda cajiibka ah ee ITV News, iyo daawadayaashayada oo muujiyay walaac.

“Waqtigaas, waxaan go’aansaday inaan dhameeyo barnaamijka, waxaan ka mahadcelinayaa dhammaan taageerada la i siiyay.”

Raage, ayaa markii ay la soo daristay xaaladda caafimaad tabinayey warka tobanka fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ahayd xilliga London, waxaana la arkayey muuqaalka isagoo u muuqda qof gariiraya oo ku dhibtoonaya in uu soo saaro ereyadiisa marka uu ka hadlayo qayb maalmaha fasaxa ah intii uu ku guda jiray akhrinta warka.

Daawadeyaasha ayaa si degdeg ah dareenkooda ugu soo bandhigay baraha bulshada iyagoo ay walaac ka abuurtay baraha bulshada.

Wariye Raage Oomaar oo hadda 56 sano jir ah , ayaa waxa uu yahay tafatiraha arrimaha caalamiga ee telefishinka ITV News, wuxuuna hore u ahaan jiray weriye ka tirsan BBC-da.

Ma jiro faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay xaaladda Raage iyo waxa ku dhacay intii uu socday war akhrintiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ITV ayaa ka saartay barnaamijka dib u socodsiintiisa ITV+1, iyadoo fariinta taa beddelkeeda u sheegaysa daawadayaasha in ITV “uusan si ku meel gaar ah u awoodin inuu kuu keeno adeeggayaga +1”.

“Waxaan dib u bilaabi doonaa muddo gaaban,” ayaa lagu yiri.

Wariye Raage Omaar, oo ah saxafi asalkiisu Soomaali yahay, balse heysta dhalashada dalka Ingiriiska, waxa uu sidoo kale u soo shaqeeyey BBC-da, intii uu socday duullaankii Ciraaq iyo burburkii Baqdaad sanadkii 2003-dii

Wuxuu helay abaalmarino caalami ah oo ku mutaystay shaqadiisii, taa soo ay ku jirto Peabody Award oo uu ku mutaystay warbixintii uu BBC-da uga soo diray Suudaan iyo BAFTA oo uu BBC-da ka siiyay duullaankii Afgaanistaan oo uu ahaa weriyaha keliya ee TV-ga reer galbeedka ah ee ka soo warrama gudaha Daalibaan.

Intaas k adib waxaa uu ku biiray telefishinta Al Jazeera sanadkii 2006-2010, halkaas oo uu ku soo bandhigay taxane dokumenti ah oo habeen walba ah oo la yiraahdo Witness, isagoo sidoo kale ka shaqaynayey Bariga Dhexe.

Hadda waxa uu ITV News uga tebiyaa sheekooyinka waaweyn ee adduunka oo uu sidoo kale u soo bandhigaa barnaamijka arrimaha taagan ee ‘On Assignment.’ Sidoo kale waxa uu soo saaray warbixino qotodheer oo gaar ah oo ku saabsan UK iyo dibaddaba.

Raage, ayaa 2014-kii loo dallacsiiyay Tafatiraha Arrimaha Caalamiga ah ee ITV News.
01946420-047d-11ef-b9d8-4f52aebe147d.png
Waa kuma Raage Oomaar?
Raage Oomar
Raage Cabdilaahi Oomaar, wuxuu sanadkii 1967-dii ku dhashay Muqdisho, waxaa ka soo jeedaa qoys caan ka ah Soomaliyeed, aabbihiis wuxuu ahaa ganacsade caan ah.

Raage, waxaa qoyskiisu u guuray Boqortooyada Ingiriiska isagoo labo jir ah. Waxa uu leeyahay dhawr walaalo ah, oo uu ka mid yahay walaalkiis ka weyn, Maxamed Cabdullaahi Oomaar, oo soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda dawladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

Febraayo 2009 ayaa waxaa markii ugu horreysay xilkaas u magacaabay Cumar Cabdirashiid cali Sharma’arke, ka dibna waxaa mar kale Nofembar 2010 – Febraayo 2012 xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxbarashadisa, Raage, waxaa uu ku qaatay dalka UK, isagoo ka baxay Dugsiga Dragon, Oxford, iyo Cheltenham College ee Gloucestershire, waxaana uu bartay taariikhda casriga.

Omaar waxa uu shaqadiisa saxafinnimo ka bilaabay tababaridda wargeyska Codka, sannadkii 1991-kii, waxa uu u wareegay dalka Itoobiya halkaas oo uu si madax-banaan uga shaqeeyay weriye ajnebi ah, isaga oo inta badan la shaqaynayay BBC-da laanteeda la hadasha caalamka.

Sanad ka dib, Omaar waxa uu ku laabtay London oo uu ka soo shaqeeyay soo saare iyo baahinta weriyaha BBC-da. Waxa uu u wareegay Koonfur Afrika ka dib markii loo magacaabay wariyaha BBC-da ee Afrika., halkaas oo ay xaaskiisa iyo carruurtiisu ula guureen ilaa sanadkii 2004-tii

Abaalmarino kala duwan ayuu Raage helay intii uu ku jiray safarka saxaafada ee caalamiga.

Sannadkii 2003, Omaar waxa uu helay abaalmarinta akadeemiyada dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha ee weriyaha TV-ga ugu wanaagsan.

Sannadkii 2008dii, waxa sidoo kale la guddoonsiiyey Abaalmarinta Daawashada Warbaahinta Carabta oo uu ku mutaystay wacnaanta saxaafadda

Bishii Janaayo 2014 iyo 2015, Omaar waxaa loo magacaabay abaalmarinta adeegga warbaahinta ee Abaalmarinta Muslimiinta ee dalka Ingiriiska.
2d065eb0-047d-11ef-b9d8-4f52aebe147d.jpg
Raage, ayaa sidoo kale warbixinno dareen leh ka soo wariyey Soomaaliya muddadii uu ka shaqaynayey warbaahinta Calaamiga.

Wuxuu mar hormuud ka ahaa aqoonyahano doonayey in Hargeysa laga dhiso maktabad weyn oo oo sare u qaadda aqoonta jiilka soo koraya ee Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this