Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa sheegtay in jacaylka iyo rabitaanka niyadeed ee ku xiriira marka laga hadlayo dhanka guurka ay noqonayso sabab ku filnaan karta in uu furriin dhaco.

Xaakim Samuel Mohochi ayaa xukunkan gaaray, mar uu dhegeysanayey kiis furriin ah oo ay ku lug lahaayeen lamaane Hindi ah, kuwaasoo uu yaraaday wixii jacayl ahaa ee ay isku hayeen, ayagoo ku dhawaaqay marba haddii jacaylkii u dhaxeeyey uu meesha ka baxay uusan jirin xarig sharci ah ama mid diimeed oo isku haya.

“Ma jiro nin ama haweney uu sharci ama diin ku xirayo kan kale haddii uusan jirin jacayl ama xiriir guurka isku haya” ayuu xukunka ku yiri xaakim Mohochi.

Xaakimku wuxu kaloo sheegay in guurka aan ku shaqaynayn jacayl ama dareen labada qof u dhaxeeya loo arki karo mid burburay, bacdamaa aysan jirin wax labadaas qof isku haya.

Wuxuu halkaa ku xukmiyey in ninkaas iyo xaaskiisa oo 20 sano is qabay ay iminka kala tageen. Ninka ayaa xaaskiisa ku eedeyay inay ku xadgudbi jirtay, ayna aad u caajis badnayd, sidaasoo ay tahayna ay dalbanaysay nolol qaali ah.

Wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa ay tahay qof istus-tus badan, aad u aflagaadeysa, si xoog ahna u dhaqanta marka ay wax ka doonayso.

Maxkamaddu waxay dhegeysatay in haweeneydaas ay qaadatay dahabki reerka, ayna ku ciyaartay (si israaf ah) ugu yaraan 25 malyan oo shililnka Kenya ah hanti gaaraysa, ayadoo deyn fara badanna qaadatay, sidaaso ay tahayna ay jirdil maskaxeed u gaysatay odageeda.

“Taa waxaa ka sii daran in ay sii waddo inay weerarto soo dacwoodaha, ayadoo dabagasha marka uu shaqada aado, aflagaaddana ugu gaysata macaamiishiisi iyo shaqaalihiisa hortooda, ayadoo sharaftiisa meel uga dhacaysa, sababaysana welwel maskaxeed” ayuu ninkeed a u sheegay maxkamadda.

Wuxuu kaloo u sheegay in xaaskiisu ay diidday inay shaqayso ama ay ganacsi samayso si ay kharashka iyo wanaagga reerka wax ugu soo kordhiso, kaliyana ay doonayso inay guriga joogto, ayadoo sugaysa inta uu guriga dib ugu so laabanayo si ay buuq iyo dagaal ugu kiciso.

Waxay kaloo maxkamaddu dhegeysatay inmuddo seddex sano ah oo ninku uusan la noolayn haweeneyda aysan iyadana qaadin wax talaabo ah taasoo lagu xallinayo khilaafka dhex yaalla si guurka loo badbaadiyo.

Haweeneydu dhamaanba eedeymahaas uu ninkeedu u soo jeediyey waa ay beenisay, waxayna ku eedeysay inuu guurkooda khiyaanay. Waxay maxkamadda u sheegtay in ninkeedu uu si ikhtiyaarkiis ah uga baxay guurkooda, uuna raacay haweeney kale oo la qabo, ka hor intii uusan kiraysan guriga kooda u dhow.

Waxay kaloo ku eedeysay ninkeeda inuusan siin lacag ku filan, kaliyana uu bixiyo kirada, iyo 30,000 oo shilinka Kenya ah bil kasta.

Waxay sheegtay in ay ka tagtay shaqadeeda si ay u hayso islamaha ay isu dhaleen, una qabato shaqada guriga, una xanaanayso soddogeed oo xanuunsanaya. Waxay intaa ku dartay in markii uu aabihii geeriyooday uu ku bilaabay cadaadis badan oo ah inay shaqo raadsato, isagoo diiday fikradihii ay u soo bandhigtay.

Lamaanahaas ayaa isku guursaday bishii Luulyo 2002 si waafaqsan sharciga guurka iyo furriinka ee Hinduuga (Haddase aan la isticmaalin), waxayna isku dhaleen gabar dhalatay Febraayo 2006. 2020 ayey kala dudeen.

Xaakim Muhochio wuxuu xukmiyey in la baabi’iyo guurki ay isku guursadeen diinta Hinduuga, isagoo hosta ka xarriiqay in guurkooda uu burburay, uuna gaaray heer aan waxba laga qaban karin.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this