Sign in to follow this  
Deeq A.

Allaylee Gobolka Togdheer fartiisa Ayuu Eeday!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240424_224554_Chrome.jpg

Gobolka Togdheerwaa gobol ka mid ah gobolada ugu mihiimsan Somaliland marka laga hadlaayo taariikh ahaan waa gobol ay ka soo jeedaan 3 madaxweyne oo soo maray Somaliland sida Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo muj. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, waxa sidoo kale ay codkii ugu badnaa doorashadii madaxweynaha ee hore siiyeen oo soo saareen madaxweynaha hada Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Muuse Biixi codkii ugu badnaa ee uu ku guulaystay waxa uu ka helay gobolka Togdheer marka laga reebo gobolka Maroodijeex, nasiib daro se markii uu guulaystay intii aan la dhaarin Muuse waxa uu markiiba furtay afka waxana uu ku hanjabay in dadkii soo doortay ay fartooda eedi doonaan taasi oo af kala qaad ku noqotay dadkiinu codeeyay.

Hadaba tan iyo todobadii sanadood ee uu Muuse Biixi uu dalka ka talinaayay waxa hoos u sii dhacaysay maalinba maalinta ka danbaysa nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland inaga oo gobol gobol uga hadli doona qoraaladeena danbe waxa aynu hada ku eekaanaynaa gobolka Togdheer.

Waxa gobolka Togdheer ay 7 sanadood ee ina soo dhaafayba la tacaalayeen dhaqaalo xumo, iyada oo ay istaageen dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga, waxa taas u sii dheer iyada oo adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshadu uu noqday mid gaadha heerkii ugu hooseeyay. Waxa laga dayriyay cisbatalka magaalada Burco oo xataa dhakhaatiir laga waayay siiba qaybta gurmadka deg deg, iyada oo arintaasi ay ugub ku tahay cisbtalka magaalada Burco oo ayna xaaladani oo kale hore u soo marin

Waxa xidhmay oo hawda ka baxay goobo badan oo ay dadku ku ganacsan jireen taasi oo timid intii uu Muuse xilka hayay, waxa haawanaaya Hotel-adii camirnaan jiray ee la saxeexan jiray ee magaalada Burco iwm.

Gobolka waxa saamayn ku yeelatay colaadii ka dhacday bariga Sool, deegaan ahaanana gobolka Togdheer waxa uu noqday ka khasaaraha nafeed ee ugu badani uu soo gaadho iyada oo laga dareemay dagmo kasta oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Hadaba dhankasta oo aad eegto gobolka Togdheer uu eeday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi.

Maanta waxa loo baahanyahay in uu gobolku isku tashado oo aanunmar danbe fartiisa eedin lalana xisaabtamo madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa maanta loo baahanyahay isku duubni iyo in la muujiyo muwaadnimo lana iloobo wixii tagay lagana shaqeeyo mustaqbalka dalka oo dhan iyo ta gobolkaba, taasina waxa kali ah ee ay ku iman kartaa in cod lagu keeno isbadal dhab ah si loo nasiyo xukuumadda hada oo gabtay shaqadeedii

Aan mar kale Togdheer ka dhigno mid tusaale u noqota Somaliland iyo dhamaan wadamada Geeska Africa.

La soco qaybaha kale ee barnaamijkeenani.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this