Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska UK oo Xabsiga Dhiga Sedex Ruux oo Lagu Eedeeyay Dilka 5 ruux oo Tahriib ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska UK ayaa xabsiga u taxaabay saddex qof oo lagu eedeeyay inay shan qof ku dileen dalkaas.xz,

Dadka la diley ayaa qeyb ka ahaa 112 qof oo doon yar oo aad u buux dhaafay saarnaa, kuwasoo isku dayay inay dalka Ingiriiska galaan ayadoo adeegdanaya kanaal biyood yar.

Booliska Britain ayaa sheegay inay qabteen saddex nin oo loo haysto dhimashada shan qof oo uu ku jiro ilmo yar, kuwaa soo isku dayay inay ka gudbaan kanaal biyood yar,kana yimid Faransiiska.

Dhimashada dadkan ayaa timid kadib markii doontii yarayd oo ay saarnaayeeni ay isku dayday ka gudubto mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan caalamka, waxaana baqdin xooggani la soo deristay rakaabkii saarnaa, tasoo keentay dhimashada dadkan oo aan la kala caddayn in si u kala kac ah loo diley iyo ku naf waayay is buurasho ka dhacday gudaha doonta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this