Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Garoonka Aadan Cadde oo Maxkamadda Gobolka Looga Yeeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde Cabdifataax Bashiir Cali ayaa looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir, waxaana lagu eedayay inuu Dhisma sharci daro ah ka wado dhul ku yaalla aagga Garoonka Adan Cadde.

Sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday maxkamada ayaa sarkaalkan ku hore ugu amartay inuu joojiyo dhismaha uu goobtaa ka wado, 16 beri ah gudohood ah, balse arrintaa wuu ka dhega adaygay.

Goobta uu dhismuhu ka socdo ayaa la sheegay inay tahay dhul lagu muransanyahay, waxayna maxkamaddu Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed ka dalbatay inuu soo qabto sarkaalkan maadaama uu diidanyahay inuu ka jawaabo amarka maxkamada.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe ku howlanayd qaadista kiisas la xariira musuqmaasuq iyo boob hanti dadweyne oo ay gaysteen xubno awoodda dowlnimo si qaldan ugu faa’iidaystay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this