Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Isbitaalka Ex Digfeer Ku Booqday Dhaawacyo Laga Keenay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyo waxyeelo ka soo gaartay shaqaaqo ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu booqashada ku jiray waxaa uu warbixin la xiriirta xaaladda dhaawacyada ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Xog-waran kadib, wasiirka ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada oo xaaladooda caafimaad dhakhaatiirtu la tacaashay, sidoo kole wasiirka ayaa maamulka Isbitaalka faray in loo dhameystiro daryeelka ay u baahanyihiin bukaanada, wuxuuna Alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this