Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI oo caddeysay inay si weyn uga cadhootay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee dhanka badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay aragtida dowladda Djibouti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo Muuse Biixi uu ku saxeexay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ayna dooneyn inay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland, balse ay beeninayaan warar been abuur ah oo ku saabsan arrintaas oo khuseeya Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin, balse mowqifka Jabuuti uu cadyahay, markii la joogo wixii dhacay, isagoo muujiyey in sharafta madaxweynaha Jabuuti uu meel uga dhacay Muuse Biixi.

“Mowqifka Madaxweyne Ismaaciil iyo Jabuuti waa cadyahay, sharaftu waa in arrinta miiska saaran runta laga sheego, waxaa la rabay in Muuse sheego haddii aanu dhab ka aheyn heshiiska Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Dawaaleh.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leeyihiin aayahooda inay ka tashadaan, balse Jabuuti ay samadoon ama dhexdhexaadiye ka yihiin arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay dhiig wadaagaan.

“Wax noo qarsoon maleh mowqifkeenu waa cadyahay, Muuse Biixi waxaan ka weynay habeen kale nala hoyo, kadibna waxaan ka war helnay inuu galay heshiis kale oo aad idinkuba aragteen, waan la yaabnay, waana cadeynay mowqifkeena arrinta Itoobiya,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti ayna caqabad u arkin walaalahood Somaliland, “Heelka ay naga taagan tahay walaalnimada Somaliland, waxaan Midowga Yurub uga ololeynay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u dhisan laheyd kaabayaal dhaqaale, maadaama ay nabadooda dhisteen,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay u hayaan galgaceyl walaalnimo, balse tallaabadii Muuse Biixi ay ka xumaatay Jabuuti, “Canaantaas waa u taallaa Muuse Biixi, laakiin isaga ayey u taallaa sidii uu u laab xaaran lahaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil,” ayuu yidhi Wasiir Ilyaas Muuse.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this