Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo soo saartay digniino horleh – Maxaa dhacaya asbuucan?

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA, xarunteeda ka digista halis-wadareedka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.”

Hoos ka aqriso digniinta SODMA

➤ Todobadda casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeya bisha Abriil 2024-ka waxa aad u sareeysa suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka sida; 𝗝𝗼𝘄𝗵𝗮𝗿, 𝗕𝗮𝗹𝗲𝘁𝘄𝗲𝘆𝗻, 𝗕𝘂𝗹𝗮𝗯𝘂𝗿𝗱𝗲, 𝗟𝘂𝘂𝗾, 𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗯𝗶𝗴𝘂 𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻.

➤ Degmooyin ka mid ah gobolada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗚𝗲𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲 ayaa waxaa aad u sareeysa suurta-galnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

➤ Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka iman karta fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba, taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Hay’adda SODMA oo horay u soo saartay xarunteeda ka digista halis wada-reedka saadaasha roobab ka iyo digniino sanadkii tagay ee 2023 roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay, kuwaas oo geeystay daadad iyo fatahaada El-Niño, ayaa markale bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin, si loogu feejignaado saameynta roobabka guga ku yeelan karo nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

The post DF oo soo saartay digniino horleh – Maxaa dhacaya asbuucan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this