Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo xilkii ka qaaday wakiilka Somaliland u joogay Itoobiya magacaabayna mid cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 xilkii kaga qaaday wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Ethiopia isla markaasina u magacaabay wakiil Cusub sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidani hois ku xusan

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade

Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah

Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this