Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo u Istaagay Xalinta Khilaafka Dhulka Dabdamiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor ayaa xallinta khilaaf ku saabsan dhulka dab-damiska oo ay dad danyar ihi degganyihiin,islamarkaana ay Booliiska Soomaaliya amar ku bixiyeen in degdeg looga guuro.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay khilaaf halkaa ka jiraahi uu is faham ku dhammaan doono, islamarkaana wuxuu dadka dhulkaa deggan ka codsaday inay is dejiyaan asagoo u ballan qaaday wax walba si fudud loo xallin doono.

Wuxuu intaa ku daray in ay dhulka dowladdu leedahay, dowladdana ay dadku leeyihiin aan loo baahnayn in dad dhibaato gaarto, dowladduna aanay sidii damacsanayn.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu arrintaa madaxda qaranka iyo taliska Booliska Soomaaliyeed kala hadli doono, islamarkaana aanay dhici doonin in dadka halkaa deggan xoog looga raro.

Muranka dhulkan ayaa muddo soo jiitamaysay, ayadoo Booliska Soomaaliyana ay dhowr soo saareen amarro ku saabsan la banneeyo si looga dhiso xarun dab-dhis oo bulshada looga adeego, balse dadka halkaa deggan ayaa sheegay inaanay garanayn meel kale oo ay u guuraan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this