Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan oo Si Adag Uga Hadlay Diidmada Mareykanka Codsiga Dowladnimada Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay diidmada qayaxan ee Maraykanku ku hor istaagay codsigii Falastiin ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay in Mareykanka uu garab taagan yahay Israa’iil.

Erdogan oo ka jawaabayay su’aalo ay warfiyeenku weydiiyeen salaaddii jimcaha ka dib ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inuu Mareykanku la safto Israa’iil, asagoo indha ka dadbanaya xasuuqa maalin laha ah ee ku socda dadka reer falastiin.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa imaanaya xilli ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii ka doodeen ajande ah in Falastiin laga dhigo xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay, islamarkaana uu Maraykanku diidmada qayaxan ku hor istaagay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this