Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee dagaal 2024 Dhexmara SSC-Khaatumo iyo Somaliland Uga Duwanaan Karaa Dagaalkii 2004?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20240418-WA0007.jpg?resize=719%2C405Goojacadde duhurnimadii 25/8/2023.

Sanadkii 2004 dagaal ayaa ciidammada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Adhicaddeeye. Dagaalkaas wuu joogsaday kaddib markii labada dhinac la dhexdhexaadiyay. Dagaalkii Kalshaale sidoo kale wuxuu ahaa mid Somaliland u sahlay inay ciidankeeda iskugu geyso Kalshaale iyadoo aan innaba ka cabsanaynin in dagaal uu kaga furmo Laascaanood ama duleedkeeda Bari iyo Galbeed. Kala qeybsanaantu waxay ahayd awood ay Somaliland ku joogtay Laascaanood, laakiin markii Janaayo 2023 dadka Laascaanood kacdoon sameeyeen Somaliland si fudud ayaa looga saaray Laascaanood, kaddibna waxay ciidammadeeda ka guratay Tukaraq iyadoo ka cabsatay in weerar uu kaga yimaado Puntland.

Talada ugu badan uu Muuse Biixi helayay waxay ka imanaysay caaglayaal markii dambe is dhiibay. Cabsida ugu weyn soo foodsaartay ciidanka Somaliland waa iska caabbinta ay kala kulmeen dadka Laascaanood oo diyaar u ahaa inay ku dhex dagaallamaan magaalada. Somaliland waxay dooratay istaraajiyad duqeyn ah.

Muuse Biixi intii uu dagaalkii Laascaanood socday wuxuu qaatay mowqifyo kala duduwan oo ku salaysanaa xogo qaldan oo uu ka kala helayay dad aan xaaladda dagaalka si dhab ah ula soconin. Nin Muuse Biixi ugu tagay hoygiisa kana mid ahaa raggii ka soo qaxay Muqdisho 1991 ayaa ku yiri: “USC dhowr degmo oo keliya ma qabsanin markay Muqdisho soo galeen Diseembar 30, 1990. Waxay haysteen Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduuud iyo qeyb ka mid ah Mudug. Sidaas darteed dib u gurasho iyo xal siyaasadeed baa u bannaan Somaliland haddii kale colaad sokeeye oo aan la mahadinin baa dhici doonta.” Biixi wuxuu taladaas kaga jawaabay mowqifkisii caanbaxay : “Furaha nabadda aniga ayaa haya”. Intaas waxaa dheereyd inuu dunida u sheegay in Al-shabaab ay Laascaanood ku sugan tahay.

Dagaalkii Goojacadde kaddib Muuse Biixi wuxuu si cad u taageeray in ciidan beeleed Togdheer laga abaabulo isaga oo og in tallaabadaasi tahay hurin colaadeed ka sii daran mowqifkii uu beesha caalamka u sheegay markii diblomaasiyiintu ka codsadeen inuu joojiyo duqeynta Laascaanood: “Xal laba dal uun baa keeni kara in Somaliland ay joojiso duqeynta Laascaanood.”

Dagaal cusub oo Muuse Biixi ku soo qaado dhulka SSC-Khaatumo wuu ka duwanaan doonaa kii 2004 iyo kii 2023. Labadaas dagaal hal furin bay ka socden. Dagaal gardarro oo Muuse Biixi iyo ciidan beeleedkiisu soo qaadaan wuxuu si ballaaran uga dhici doonaa Togdher, Sool, iyo Sanaag. Ciidammada SSC-Khaatumo may weerarin dhulka beelaha maamulka Somaliland taageera markii uu dagaalkii Laascaanood socday. Waajib saaran ayuu ahaaa oo ay guteen inay colaaddu heerkaas gaarin. Haddii ciidammada Somaliland iyo kuwa u abaabulan hab beeleed ay dagaal soo qaadaan waa inay Somaliland u caddahay in dhabbahaasi yahay mid ay dhiigga iyo hantida dad Soomaaliyeed ku bannaysanayaan. Wuu ka duwanaan doonaa dagaalladii hore waayo dadka la soo weeraro ayaa xaqa ku taagan oo naftooda iyo hantidooda difaacaya.

W.Q. Siciid M. Sheekh Cali, Laascaanood

The post Sidee dagaal 2024 Dhexmara SSC-Khaatumo iyo Somaliland Uga Duwanaan Karaa Dagaalkii 2004? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this