Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Faallooyinka Caddadka 8-aad ee Wargeyska Dalka

Recommended Posts

Wargeyska todobaadlaha ah ee lagu magacaabo: Wargeyska Dalka, caddadkiisii 8aad, ayaa daabacay laba Faallo, waana sidan:

 

 

 

_______________

 

 

 

SOO DHOWOOW MADAXWEYNE, OO SAMATA-BIXI DALKAAGA

 

 

 

Guul shacbi weynaha Soomaaliyeed u soo hoyatey ayeey ahayd imaatinkii geesinimada iyo wadaninimada ku dhisnaa ee uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kmg ahi ku yimid magaalada Jawhar ee xarunta ku meel gaadhka ah u ah Dawladda Soomaaliyeed inta ay caasimadda dalka nabadaynayso.

 

 

 

Sidoo kale, Dawladda Federaalka, oo ilaa iyo muddadii ay waddankii lagu soo dhisay ee Kenya ka soo guurtey ku kala maqnayd gobolada dalka ayeey imaatinka madaxweynaha ee Jawhar ka dhigtay mid ay awoodeeda waxqabad, iyo haykalkeeda dawladnimo isu muujiyeen sida kayn cagaaran oo xilli jillaal ah lagu soo hayaamay oo runtii u muuqda mid ummaddan daashay ka haqab-tiri kara nabad gelyo, iyo maamul ay hogaankiisa toosan iyo wax qabadkiisa u aayi karaan. Imaatinka Madaxweynuhu wuxu soo af jaray dacaayado aan sal iyo raad midna lahayn, oo kuwo dusha Soomaali uga eg, laakiin dhaqankoodu uusan Soomaalinimo waafaqsanayn la guura bahalaynayeen. Taas oo aysan marnaba bulsha weynta Soomaaliyeed dheg jalaq u siin, maadaama ay si wanaagsan muddadii bur-burka u barteen bilaash xaytayaasha ummadda dhibay ee inay Soomaaliya dawladnimadeeda hir geliso gambadhka gaaban assii aan xoogga badan lahayn ugu yuurursaday.

 

 

 

Safarka Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf, uu ku yimid magaalada Jawhar oo uu horay Raysal Wasaaruhu u joogey, waxay dadweynaha Soomaaliyeed madaxweynaha u soo dhoweeyeen si laga dhadhansan karo taageerada ay ummadda Soomaaliyeed dawladdooda u hayaan. Markii uu cagaha soo dhigayba wuxuu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu Jawhar u yimid inuu waajibaadyadiisa qaran ku guto, oo uu ummaddiisa ula socdo nabad, dib u heshiisiin, waalnimo iyo inuu dhibaatada dadkiisa ku gaamurtey deg-deg wax uga qabto. Taas oo ka mid ah waxyaabihii markii la dooranayeyba ay xildhibaanadii madaxweynaha doortay ku raceen. Waxaa la aaminsanaa, haddana ay astaamaheedii muuqdaan inuu Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf daacad ka yahay soo noqoshada qaranimada iyo dawladnimada Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweyne, waxaad haysataa kalsoonida ummadda Soomaaliyeed, oo dhawraysa maalinba hawl maalmeedkaagu halka uu ku wajahan yahay. Waxay kaa sugayaan inaad horseed ka noqoto gaadhitaanka Soomaaliya oo nabad ah, kalsoonidii iyo is aaminkii oo soo noqday, nidaam iyo kala dambayn wadankeena ka hir gala, iyo in si la taaban karo looga bugsoodo haarihii nidaam-darradu keentay ee ay bulsho weynta Soomaaliyeed muddada dheer ku soo jireen.

 

 

 

Ummaddani, maanta, wax fursad ah uma hayso faataa dhuglayaasha, nidaam la’aanta dalkeena ka jirta ku mamay. Waxay sheegayaan oo dhan horay, ayeey u soo isticmaaleen, oo wax laga rumaysan karaa ma jiraan, dadweynaha Soomaaliyeedna taas makhrati iyagaa ka ah, oo marka ay soo jeediyaan inay arrin ku dhaqaaqayaan dadku danta ay ka leeyihiin iyo halka ay ku dambaynayso way sheega-sheegaan. Waayo Soomaaliyi isuma cusba, shan iyo toban sano oo bur-bur iyo xal raadin lagu jireyna waa la is wada bartay, nin baa Isbaaro iyo kharibaadda nabadda inuu ku caan baxay bulshadu u taqaan, oo inuusan garadakiisu Isbaaro dadkaaga u dhigo mooyee, wax kale higaadin loo og yahay. Mid baa inuu halkeeyaha bulshada daba socdo mooyee aan wax hindise siyaasadeed dadkiisa u roon aan marnaba laga filayn. Mid baa nabad jire ah, oo wakhtigiisa iyo kartidiisaba geliyey inuu mar kasta ka shaqeeyo inuu nidaam iyo kala dambayn dalkeena ka dhacda, had iyo goor u suxul doobo.

 

Dadku sidaasay kala yihiin, ummadduna waa og tahay, iyagaana kan dantooda wada iyo midka inuu nabadda samada ku laalo kabaha u illan u kala gar sooraya.

 

 

 

Dadka Soomaaliyeed, ma aha dad xun, ee waxaa haleeshay masiibo ragaadisey hab dhaqankoodii wadaninimo ee ay caanka ku ahayaeen, hadda ka horna ma helin madax daacad ka ah inay dhibaatada shan iyo tobanka sano jirta, dadkooda sidii ay uga bixi lahaayeen ka arrimisa. Haddii ayiminka heleena, laga fili maayo inay fidmawalayaal dadkooda ku sii cariigsanaya sii eegtaan, ee dawladooda u adeegaysa ayeey garab iyo gaashaanba u noqonayaan.

 

 

 

Dawladdani, waa xukuumad dib u heshiisiineed, oo xoogeeda oo dhan isugu geeynaysa sidii dalkeena looga hir gelin lahaa nidaam iyo kala dambayn, si qof kasta oo Soomaali ahi cabsi la’aan iyo nabad gelyo buuxda ugu noolaado. Waxay leedahay barnaamij qaydan iyo shax degsan oo loogu talo galay in lagu nabadeeyo gebi ahaanba waddanka oo dhan. Kaabayaasha nabadda marka dhidibada loo taago, ee hayadaha nabadgelyadu waajibaadyadooda si joogta ah u qabsadaan, dalka oo dhanna ay hawlihiisa dawladdu isku duba-riddo, oo nidaam iyo kala dambayn la helo, dadkuna ka nastaan baqdinta iyo jaahwareerka ay shan iyo tobanka sano ku noolaayeen, dalkana dib loo dhiso, waxaa loo gudbayaa horumarka dalka. Miyeeynan tiigsan karin ummadaha inaga hor maray intii aynu isku jeednay ee muranka iyo colaadaha aan xigmadda ku dhisnayn isku warjeefayney. Haa, weli fursad dahabiya ayaa ina hor taal, haddii gacmaha la is qabsado, oo dawladda inoo dhalatay gudashada waajibaadyadeeda lagu garab is taago, waxaa hubaal ah inaynu ka baxayno dhibka inagu raagey ee muddada dheer inagu laba raadleynayey. Waxaa kaloo muhiim ah, inay ummaddu iska qabato, oo ku gacan sayrto kuwa weli u sii hunguri qaba inay nabaddan dhalatay ee ay dawladdu hogaanka u hayso carqaladeeyaan. Ha ka yeelina, ha maqlina, ku gaca saryra, diida, oo dantiinu kuma jirtee ka hadha, oo weliba la xisaabtama si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed ee shan iyo toban sano ka dib mar kale Illaahay (SW) dib u dhaliyey. Shacabka Soomaaliyeed waa inay la yimaaddaan ficillo ay dhiiranaan iyo geesinimo ka muuqato oo ay wax kaga qabanayaan bur-burka iyo dac-darrada magac xumo ee wakhtiga dheer dalkooda ka aloosnayd. Aynu hogaamiyaasheena ku raacno, oo kala shaqayno waajibaadyada qaran ee ay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegayaan.

 

 

 

Wargeyska Dalka

 

Warsidaha_dalka@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere: “Tusaalihii Nabaddaâ€

 

 

 

Waxa la yiri taariikhdu iyaadaa is qorta, waa haddii la waayo qalinleey had iyo goor u dabran inay diiwaan geliyaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee dunida guudkeeda ka dhacaya. Haddii aynu Soomaali nahayna si baad mooddaa inaynu u xaqiro qofkii ummadda uu ka tirsan yahay wax wanaagsan oo muuqda u qabta. Laakiin si kasta oo is riixriix iyo loollan la isugu sabaaxadeeyo masuulkii wax wanaagsan dadka u abuura, samafalkiisa lama dedi karo, ee sida dayax shan iyo tobnaad ayuu hal abuurkiisu ugu daa’imayaa dunida guudkeeda.

 

 

 

Gobolka Shabeelada Dhexe, oo deris la ah caasimadda Soomaaliya, waxaa la isku raacsan yahay inuu amni iyo kala dambayn joogtaysan oo saxar tiran ka abuuray Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

 

 

Haddii aad meel barwaaqo ah ka beerto geed midhood, oo uu si wanaagsan u qaan gaaro, waxaa dheefsada dad tiro badan oo laga yaabo inaysan hawshii geedkaas laga soo maray waxba ku darsan. Mudane Maxamed Dheere wuxu Shabeellada Dhexe ka hir geliyey nabad iyo kala dambayn kaliftey in ay dawladdii Soomaaliyeed ee Kenya lagu soo dhisay xarun ku meel gaar ah ka dhigato. Waa astaan iyo wax qabad lagu xusuusan doono dareenka caafimaadka qaba ee Mudane Maxamed Dheere uu ugu adeegay qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay hadda Soomaali oo dhani u ayday. Sooyaalka taariikhda ayeey da’yarta Soomaaliyeed ka heli doonaan hawsha biyo kama dhibcaanka ah ee uu Maxamed Dheere dalkiiisa iyo dadkiisa u qabtay.

 

 

 

Dadku waa inay abaal gudaan, oo ugu yaraan qofkii wanaag sameeya loo aqoonsadaa, maxaa yeelay haddii nidaam kharibaha iyo samafalaha danta guud heeganka u ah isku meel la qotomiyo, waxaynu noqonaynaa ummad aan jirin oo uusan damiirkeedu caafimaad qabin. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la helayaa oo jecel inay wanaagga u go’doomaan, laakiin adduunku wuxu dhashay isagoo leh: “Ma Dhami†oo dadku isku karti iyo isku garasho midna maaha. Mudane Maxamed Dheere waxaan odhan karaa wuxu isku darsaday garashadii wanaagga iyo kartidii uu ku fulin lahaa. Taas oo qof kulansaday, oo weliba meel marinteeda ku dhiirani uu waayahan Soomaali ku yaraaday.

 

 

 

Iyagoo Wasiiro ah ayeey Isbaarooyin iyo guri fawdo dhex gawdiidaan, oo aanay weliba inay sii kharibaan mooyee, ka soo reeya garashadooda iyo maankooda ku jirin, halka uu Maxamed Dheere isagoo aan Wasiir ahayn, heeganka u yahay hirgelinta dawladnimada iyo qaranimada dalkeena. Qabqablayaasha dawlad la’aanta Soomaaliya la jecel ee magaalada nabadda badan ee Jawhar deriska la ah iyo Mudane Maxamed Dheere waxay isu jiraan cirka iyo dhulku inata ay isu jiraan.

 

 

 

Guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, waa inay aqoonsadaan oo tilmaamaan qofka danta guud wax ka qabta, oo weliba ku maamuusaan wax qabadkiisa iyo natiijada aayatiinka dadkoo dhan u leh ee kartidiisa iyo garashadiisa laga dhaxlo. Waana in gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan Mudane Maxamed Dheere looga aqoonsadaa qof ixtiraan, iyo tixgelin qaranimo bulshada Soomaaliyeed ku dhex leh. Waxaana fiican in loogu yeedho: “Tusaalihii Nabaddaâ€.

 

 

 

Waxaynu u baahanhaya halyeeyo sida Maxamed Dheere dalkeena u kaca oo nabadda iyo amniga gacan bir ah ku qabata, si ay dadkeena iyo dalkeenu u noqdaan kuwo la tartama bulshada caalamka. Si ay caruurteena colaadaha iyo qabyaaladda ku ababtay u badbaadaan oo u noqdaan kuwo berito asaagood la jaan qaadi kara.

 

 

 

Mudane Maxamed Dheere Wargeyska Dalku wuxu leeyahay Hambalyo wanaagaga aad umadda Soomaaliyeed u samaysay, ogoowna inaadan dadkaaga ku hungoobi doonin ee ay kuugu abaal gudi doonaan magac iyo mansab midkii ay dadka Soomaaliyeed kuu gartaan.

 

 

 

Wargeyska Dalka

 

Warsidaha_dalka@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this