Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN oo sheegtay inay heegan ugu jirto duulaan kasta oo kaga yimaada Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo xiisada gobolka ay cirka isku sii shareereyso, Iran ayaa Arbacadii shalay soo bandhigtay diyaarado, gantaallo iyo askar si ay u muujiso inay diyaar u tahay jawaab kasta oo kaga timaada Israa’iil ka dib markii ay weerar aan hore loo arag ku qaaday cadawgeeda ugu weyn.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa toddobaadkii hore weerar toos ah ku qaaday Israa’iil, taasoo jawaab u ahayd weerar cirka ah oo 1-dii bishan April lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq.

Hawlgalka loogu magacdaray “Ballanqaadka Run ah”, wuxuu hoos u dhigay sharaftii maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil),” ayuu yidhi Madaxweynaha IRAN, Ebrahim Raisi oo khudbad kasoo jeediyey saldhig millatari oo ku yaal duleedka Tehran.

Raisi ayaa shalay ku celiyay digniino ka dhan ah “daan daansiga iyo gardarrada Israa’iil”, isagoo sheegay inay horseedi doonto “jawaab adag oo qadhaadh.”

Bandhiga arbacadii ayaa lagu arkay ciidamada qalabka sida ee Iran oo soo bandhigay qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada riddada dheer.

Waxaa ka mid ahaa noocyada kala duwan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ababil, Arash iyo Mohajer iyo sidoo kale gantaalada ballistic-ga ee riddada dhexe ee Dezful iyo nidaamka gantaalaha difaaca cirka ee S-300.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this