Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xisbullah Oo Madaafiic Ku Garaacay Waqooyiga Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa madaafiic ku garaacay xarun ciidan oo ciidammada Israa’iil ku lahaayeen Waqooyiga halkaas oo ay ku dhaawacmeen 18 askari, iyadoo sheegtay inay aargoosi u ahayd duqeymo ay Israa’iil ku dishay xubno ka tirsan Xisbullah.

Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerar isugu jira gantaalo la hagayay iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarun cusub oo sahan ciidan ah oo ku taalla Arab al-Aramshe, oo ah tuulo ay ku badan yihiin Carabta oo ku taalla waqooyiga Israa’iil una dhaw xadka Lubnaan.

Milatariga Israa’iil ayaa qirtay in 18 ka mid ah askartooda ay ku dhaawacmeen weerarka iyadoo lix ka mid ah askartaana ay xaaladoodu halis tahay.Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyada Xisbullah ee bariga Lubnaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka fulisay koonfurta Lubnaan ay ku dishay saddex qof oo uu ku jiro taliye ka tirsan Xisbullah oo ay ciidamada Israa’iil ku sheegeen magaciisa Ismail Yusaf Baz.

Maamulka maxalliga ah ee Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen weerar ka yimid Lubnaan Talaadadii.

Isniintii, dhowr askari oo Israe’iliyiin ah oo u tallaabay dhulka Lubnaan ayaa ku dhaawacmay kaddib markii Xisbullah ay miino ku qarxiyeen, waana weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah oo ay socdeen dagaallo.

War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Xamaas ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay walxaha qarxa ku xidheen deegaanka Tel Ismaaciil ee koonfurta Lubnaan.

Hezbollah iyo Israa’iil ayaa in ka badan lix bilood is weydaarsanayay xabado barbar socda dagaalka Qaza oo ah colaadii ugu darneyd tan iyo sannadkii 2006-dii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this