Sign in to follow this  
Jacpher

Murder at the port city of Kismaayo

Recommended Posts

Jacpher   

Kismaayo: Ganacsade Soomaaliyeed oo si bareer ah loogu toogtey Garoonka Kismaayo Xili uu ka soo dagey Diyaarad.

 

Kismaayo(AllPuntland)- Ganacsade Soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Kismaayo ayaa maanta si bareer ah loogu toogtey gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan oo laga helayo dadka halkaasi ku sugnaa.

 

Ganacsadahan ayaa lasheegay in ay dilkiisa ka danbeeyaan Ilaalada Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ,luguna dilay qaab Beeleed ayadoo falkaasina uu gilgilay maanta guud ahaan Magaalada Kismaayo.

 

Marxuumkan ayaa Diyaarada qaadka geysa Kismaayo ka soo raacay Magaalada Muqdisho ,isagoo ku jeeday gobalka Jubada Hoose ,waxa ayna wararku sheegayaan in dilkiisu yahay mid la qorsheeyey.

 

Dilkaan ayaa aheyn kii ugu horeeyey ee ay geystaan Maleeshiyo beeleedyada gacanta ku haya magaalo Madaxda gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo,tan iyo markii ay halkaasi ka baxeen ciidamadii Guutooyinka 3-aad iyo 1aad ee dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayadoo aysana jirin wax wada hadal oo dhexmaray beelahaasi..

 

Shilkaan maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayaan in uu yahay mid laga xumaado ayna muhiim tahay in gacanta lugu soo dhigo cidii ka danbeysayu ,ayadoo horey ay falalkaan oo kale dhaceen aana wax talaabo ah laga qaadin dadkii ka danbeeyey.

 

Falkaan ayaa ku soo beegmaya xili maalmahan ay Magaalada nabadeyn ka wadeen qaar ka mid ah gudigii Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo isku keenayay Beesha gacanta magaalada ku heyso iyo beesha kale ee magaalada sida rayidkaa ku joogta.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this