Jacpher Posted November 29, 2007 Kismaayo: Ganacsade Soomaaliyeed oo si bareer ah loogu toogtey Garoonka Kismaayo Xili uu ka soo dagey Diyaarad. Kismaayo(AllPuntland)- Ganacsade Soomaaliyeed oo degaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Kismaayo ayaa maanta si bareer ah loogu toogtey gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan oo laga helayo dadka halkaasi ku sugnaa. Ganacsadahan ayaa lasheegay in ay dilkiisa ka danbeeyaan Ilaalada Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ,luguna dilay qaab Beeleed ayadoo falkaasina uu gilgilay maanta guud ahaan Magaalada Kismaayo. Marxuumkan ayaa Diyaarada qaadka geysa Kismaayo ka soo raacay Magaalada Muqdisho ,isagoo ku jeeday gobalka Jubada Hoose ,waxa ayna wararku sheegayaan in dilkiisu yahay mid la qorsheeyey. Dilkaan ayaa aheyn kii ugu horeeyey ee ay geystaan Maleeshiyo beeleedyada gacanta ku haya magaalo Madaxda gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo,tan iyo markii ay halkaasi ka baxeen ciidamadii Guutooyinka 3-aad iyo 1aad ee dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayadoo aysana jirin wax wada hadal oo dhexmaray beelahaasi.. Shilkaan maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayaan in uu yahay mid laga xumaado ayna muhiim tahay in gacanta lugu soo dhigo cidii ka danbeysayu ,ayadoo horey ay falalkaan oo kale dhaceen aana wax talaabo ah laga qaadin dadkii ka danbeeyey. Falkaan ayaa ku soo beegmaya xili maalmahan ay Magaalada nabadeyn ka wadeen qaar ka mid ah gudigii Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo isku keenayay Beesha gacanta magaalada ku heyso iyo beesha kale ee magaalada sida rayidkaa ku joogta. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 30, 2007 And it continues. Quote Share this post Link to post Share on other sites