Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran Oo Uga Digtey Israa’il Weerar Aargoosi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Iran ayaa uga digtay Israa’iil in ay ku soo qaado dalkeeda weerar aargoosi ah,kadib weerarkii ay Iran ku qaaday Isra’iil.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in haddii taliska Sahyuuniyadda [Israa’iil] ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsasho lahayn, inay heli doonaan jawaab adag oo deg-deg ah.

Hadalka Raisi ayaa daba socda digniin la mid ah taliyaha ciidamada Iran, Major-General Mohammad Bagheri, oo u sheegay TV-ga qaranka in jawaab aad u weyn ay sugeyso Israel haddii ay isku daydo inay weerarto dalka Iran.

Bagheri waxa uu sheegay in weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil laga gaaray ujeedadii laga lahaa,uuna soo gabagaboobay howlgalkaas.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa waxa ay sheegeen in in weerarka lagu qaaday Israa’il uu ahaa mid loogaga jawaabayay weeraro badan oo Isra’il ku qaaday Iran,weerarkii uu dambeeyayna uu ahaa mid ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Syria ayna ku dhintgeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iran.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Iran Maj Gen Mohammad Bagheri ayaa sheegay inay u mariyeen fariin digniin ah dowlada Maraykanka safaarada Switzerland taasoo la xiriirta taageerada Mareykanka ee weerar aargoosiga ah oo ay Israel qaado,ay keeni doonto in la bartilmaameedsado saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dunida.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon oo Israa’iil ka tirsan, ayaa daabacay in bartilmaameedyada ugu waaweyn ee Iiraan ay u muuqdeen inay ahaayeen kuwo millatari gaar ahaan buuraha Golan Heights ee la haysto.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ku dhawaad ​​360 xabo la soo riday – oo ay ku jiraan 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, 30 gantaalaha nooca cruise-ka ah iyo 120 gantaalaha ballistic-ga ah – balse Israa’iil waxa ay sheegtay in khasaaruhu aad u yar yahay.

Afhayeenka ciidamada difaaca Israel Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaalada Iran ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, kuwaas oo khasaare yar u gaystay saldhig milatari balse aan wax waxyeelo ka soo gaarin ciidamada Isra’il .

Waxa uu sheegay in gabar 10 jir ah oo reer Baadiyaha ah ay si xun ugu dhaawacantay firir ka soo dhacay burburka ku soo dhacay koonfurta gobolka Arad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this