Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Togdheer: The Voters Registration

Recommended Posts

Hargeysa (Qarannews) Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Komishanka Qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in diiwaan-gelintii Gobolka Togdheer ay ka bilaabmayso maalinta Sabtida ah ee ay bishu tahay 13/12/2008, taas oo uu sheegay in dadweynaha ku dhaqan Gobolka Togdheer ay si weyn ugu diyaargaroobeen Diiwaangelinta.

 

Sidaa waxa uu ku sheegay Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur waraysi ay la yeelatay Radio Horyaal, isagoo intaa ku daray in Khamiista berri ay baxayaan kooxdii ugu horeysay ee hawlaha Diiwaangelinta, Jimcahana ay baxayaan qaybta Labaad, Sabtidana Haddii Illaahay ogolaado ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto.

 

Waxa uu intaa ku daray in Guddoomiye ku Xigeenka Doorashooyinka Qaranka Cali Maxamed C/llaahi (Biikalo) iyo Xasan Looshade oo ka mid ah Guddiga Komishanka Doorashooyinka oo Gobolka Togdheer safar shaqo ku tagay ay soo diyaariyeen Goobihii ay ka dhici lahayd diiwaangelintu.

 

Mr. Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in uu jiro qorshe ah in wakhti isku mid ah la wada qabto Diiwaangelinta labada Gobol ee Sool iyo Sanaag, qorshahaasna xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Komishanka ay taageersan yihiin isaguna shakhsiyan uu aaminsan yahay, si aanay hakadkii ku yimid markii Qaraxyadu ka dhaceen 29, October magaalada Hargeysa Hawlihii diiwaangelinta oo dhammayd muddo Bil ah aanay dib u dhac ugu keenin Doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto Bisha March 2009.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ooh shit burco loo yaba waleh 70.000 wax ka badan iska diwaan gelin mayaan burco waan hubba burco waan taggey 2007 cidii maba joogto.

hargeysadii ba may dhameys tiriin diwaangelinti.

40% is may diiwaan geliyaan laakin horta gabiley baan aad ugu farxay

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I think togdheer voters are more motivated this time than marodi jeex . they feel the obligation to vote for siilaanyo, the hero of togdheer.

 

 

If togdheer could top Hargiesa's 60% turn out, then look the number of registration to be right around a half mill.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I expect a high number from Togdheer ..... It is going to be a milestone haday is dejiyaan. I'm afraid there will be a bit sort of chaos ,,,, reer togdheer waa qiiro miidhan ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Allow iidaa rer togdheer! fariidnimo iyo karti ayey la fudud yihiin ee waali kama aha.

 

I am sure they can top Hargeisa no problem at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Naah you can't tell rer burco to calm down. It's their nature to be energetic and outspoken. Just make sure you stay out of their way. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Waar hoy, reer Togdheer maxaad u sheegateen maanta?

 

I hope there is a huge turn out and the machines don't stop working for some strange reason soo maaha JB? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this