Sign in to follow this  
Member-sol-

Maamulka Sh/hoose oo qisaas fuliyay

Recommended Posts

Maamulka Islaamiga G/Sh/Hoose oo maanta fal qisaas ah ku fuliyay Nin hooyadii iyo haweeney kale ku dilay Buulo Mareer.

 

Maamulka Islaamiga Gobolka Shabellaha Hoose, ee uu dhowaan Ururka Alshabaab halkaas ka yegleelay ayaa maanta xukun qisaas ah ku fuliyay Nin hooyadii iyo haween kale ku dilay Degmada Buulo Mareer.

 

Xukunkan qisaasta ayaa waxaa uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta fagaare ku yaal degmada Buulo Mareer, halkaasoo ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan iyo saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo goob joog u ahaa falkan qisaasta ah.

 

Qofka gacan ku dhiiglaha ah ee maanta xukunka qisaasta ah lagu fuliyay waxaa lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Cali kaasi oo la sheegay in uu maalmo ka hor deegaanka Buula Mareer uu ku dilay hooyadiis oo lagu magacaabayay Xaliimo Maxmuud Caday iyo haweenay kale.

 

Maamulka Islaamiga Gobolkaas ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha maanta la qisaasay uu qirtay dambigiisa, kaasoo laga qaaday cajalad maqal iyo muuqaalba leh, waxaana la marsiiyay Maxkamad Islaami ah oo xukunkiisa dilka ah ku fulisay shareecada islaamka waxa ay qabtay qofka qof dila in isna la dilo.

 

Wariyeyaal ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay xukunkii qisaasta, kuwaasoo sida la sheegay looga yeeray halka lagu fulinayay xukunka, waxaana wariyeyaashaas oo aan la xiriiray ay sheegeen in fagaaraha lagu qisaasayo ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan oo ka kala yimid deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Waa Mushkilad aad u fool xun waxayna ka mid tahay musiibada Ilaahay gacanta u geliyay dadka Soomaaliyed in la arko Wiil hooyadiisa dilay, waana dhacdadii Labaad oo aan arko ama aan maqlo iyadoo dhowr sano ka hor aan ku arkay Garoonkii Kooxdii Kubadda Cagta ee Dowladda Hoose ee Degmada Wardhiigley iyadoo lagu tooganayay Wiil sidan oo kale hooyadiisa u dilay.

 

Wiilkan ayaa markii uu hooyadiisa dilay kadib waxaa ku soo baxday Haweeney kale ee iyadana la dilay markii uu ogaaday in la arkay ayuu dilay Haweeneydii soo baxday isagoo is lahaa yey ku sheegin.

 

Falkan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisu uu fuliyo Maamulka Islaamiga Gobolka Shabellaha Hoose, tan iyo markii Xoogaga Alshabaab ay la wareegeen deegaanada gobolkaas oo ka jiray maamulo aan ku dhisneyn ku dhaqanka shareecada islaamka

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this