Sign in to follow this  
Nationalist

Former vice-chairman of Sland UCID party running for Pland presidency

Recommended Posts

Musharrax cusub oo maanta ku soo biiray madaxtinimada Puntland

 

Laas Caanood - 22.December.2004 Nin horay u ahaan jirey guddoomiye kuxigeenkii xisbigii mucaaradka ee UCID maamulka Somaliland ayaa waxaa uu maanta magaalada Laas Caanood kaga dhawaaqay musharrxnimadiisa madaxweynenimada Puntland.

 

Picture: http://www.radiolascaanod.com/demo/ipublish/data/images/1031xasangeerash1.jpg

 

Musharraxu waxaa uu sheegay in uu tallaabadan qaaday kadib markii buu yiri mas'uuliyiin Puntland ah oo magaalada Laas Caanood ku sugan ay isu soo sharraxeen madaxweyne kuxigeenka Puntland.

 

Xasan Geyrash oo ah siyaasi laga yaqaanno gobollada Puntland ayaa inta badan loo tirin jirey in uu u badan yahay dhinaca maamulka Somaliland.

 

Su'aalo ay weydiisey warbaahinta gobolka Sool musharraxa oo ku aaddanaa marba haddii uu la shaqayn jirey maamulka Somaliland xaggoodana uu u badnaa sida ay suurta gal u tahay in uu isu soo taago madaxweynenimada Puntland, waxaa uu kaga jawaabey; Waxaan filayaa in aan ku guulaysan doono madaxweynenimada Puntland sababta oo ah saaxiibbo badan ayaan ku leeyahay baarlamanka Puntland ee dhowaan la dhisayo iyo weliba dadweynaha gobollada kale ee Puntland.

 

Xasan Geyrash ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan dawladdii Soomaaliya isagoo soo qabtay xilalka Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle iyo weliba kusimaha guddoomiyaha degmada Laas Caanood.

 

Musharraxu waxaa uu sheegay in uu iska casiley xilalkii uu ka soo qabtay maamulka Somaliland haddana uu u soo jeestey dhinaca Puntland, muddona uu ku sugnaa magaalada Laas Caanood.

 

Nuux Muuse Birjeeb

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this