Sign in to follow this  
Siciid1986

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Daabacanaysa Lacag Cusub....

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Daabacanaysa Lacag Cusub Oo Shiling Somaliland Ah Wakhti Loo Diyaar Garoobayo Doorashada Madaxtooyada

 

 

Lacagtani shilinka Somaliland ah ee ay xukuumadda Somaliland hadda soo daabacanayso ayaan qiimaha cadadkeeda la garanaynin wallow tilmaamo soo baxaya ay muujinayaan inay ku dhawdahay 2 bilyan oo shilinka Somaliland ah oo ah lacag ka badan 30 malyuun oo dollarka maraykanka ah.

 

 

Xukuumadda ayaa looga bartay in badanka soo dabacato lacagaha shilinka Somaliland wakhtiyada ay danaha gaarka ah leedahay sida xilliyada doorashooyinku dalka ka dhacayaan, waxaana khubarada arrimaha dhaqaalaha ku xeel dheeri ay Golisnews u sheegeen in lacagtani haddii lagu sii daayo suuqyada Somaliland ay khal khalin doonto qiimaha sarifka lacagaha isla markaana ay sababi karto sicir barar dhinaca maceeshadda iyo qiimaha wax kala iibsiga ah.

 

Sidani oo kale ayey Xukuumadda Somaliland lacag usoo dabaacatay sannadahii 2002-dii markii ay u diyaar garoobaysay doorashadii sannadkii 2003-dii iyo sannadkii 2005-tii oo ay u diyaar garoobaysay doorashadii golaha wakiiladda, waxaana qandaraaska samaynta lacagtani la siiyey wershad laga leeyahay dalka Malesia.

 

Golisnews, Xafiiska Wararka Hargeysa

 

11310.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this