Sign in to follow this  
General Duke

Horn was right: Col Cabbaas his millitia leave Kismayu...

Recommended Posts

KISMAAYO: Sarkaal dhawaan ku soo biiray Maxkamadaha Midoobay oo xalay ka baxsaday Magaalada Kismaayo

Posted to the Web Nov 04, 14:17

 

 

Kismaayo (PP) - Waxaa xalay ka baxsaday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Col. Cabbaas Ibaarhim Gurey oo isagu dhawaan ciidammo uu hoggaaminayay ay ka soo baxsadeen dhanka Barre ayna ku biireen Malleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

 

Baxsashada Col. Cabbaas oo ahayd mid si kaddis ah ku dhacday ayaa wararka ka imaanaya dhanka Magaalada Kismaayo waxay caddeynayaan inuu u baxsaday dhanka Deegaanka Beerxaani oo uu ka soo baxsaday dhawaan, mana jiraan wax Malleeshiyo ah oo horay u sii raacay.

 

 

Wararka ka imaanaya Deegaanka Beer-xaani oo uu ku sugan yahay Colonel-ka baxsday ayaa waxay sheegayaan in halkaas si wanaagsan loogu soo dhaweeyay uuna haatan ku sugan yahay deegaanka, waxaana uu warbixinno dhanka taleefoonka ah siiyay saxaafadda qaarkeed.

 

 

Col. Cabbaas ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in baxsashada Kismaayo uu ka baxsaday ay timid kaddib markii uu arkay inay falalka Maxkamadaha ay ka sameynayaan gobollada Jubbooyinka ay yihiin kuwo uu ku qanci waayay isla markaana uu iska baxsaday.

 

 

"Waxaan u dul-qaadan waayay falalka guracan ee ay Maxkamadaha ka fulinayaan deegaanno ka tirsan Jubbooyinka sida Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku dileen dad dhaawacyo qabay oo la qabtay, waana taas midda keentay inaan ka baxsado degmada Kismaayo" ayuu yiri Col. Cabbaas Ibaarhim Gurey.

 

 

Sidoo kale Col. Cabbaas wuxuu sheegay inuu ku sugnaanayo deegaanka Beerxaani uuna dagaal la galayo Maxkamadaha haddii ay isku dayaan inay weerar ku soo qaadaan deegaanka uu ku sugan yahay, hadalka ka soo yeeray Col. Cabaas ayaa ah mid meesha ka saaraya inuusan dagaal ah kaga hortagi karin maleeshiyada maxaakiimta ee ku sugan deegaanadaas.

 

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya oo ku saabsan baxsashada Col. Cabaas inay ka danbayso Amaan xumo kula soo daristay magaalada Kismaayo, kaddib markii ay u hanjabeen shacab badan oo uu horay dhibaatooyin uu ugu gaystay magaalada Kismaayo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornel Cabaas Ibraahim Gurey, oo dhawaan ku sii biiray Ciiddamadda Maxkamadaha Islaamka, oo dib ugu laabtay Kooxda Kornel Barre Hiiraale.

 

Mogadishu , Sabti, Nov 04, 2006 Radio Simba

 

Kornel Cabaas Ibraahim Gurey, oo hoggaaminayey Maleeshiyaddii u daacadda ahayd Kornel Barre Hiiraale, ee dhawaan ku soo biiray Ciiddamadda Maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka, ayaa lagu soo waramay inuu xalay ka baxsaday Magaalladda Kismaayo, kuna laabtay Kooxda Kornel Barre Hiiraale ee ku sugan Deegaanka Beer-xaano ee Gobalka J/hoose.

 

Kornel Cabaas, oo maanta u waramayey Idaacadda Simba, isagoo ku sugan Deegaanka Beer-xaano, ayaa ka shanqariyey inuu go'aansaday inuu Kalsoonidda kala soo laabto dhinaca Maxkamadaha Islaamka, waa sida uu hadalka uu u yiri, isagoo sheegay inay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee jooga Magaalladda Kismaayo aysan si wanaagsan ula dhaqmin.

 

"Waxaa igu kallifay inaan ka soo goosto dhinaca Maxkamadaha Islaamka, waa iyadoo aysan Mas'uuliyiinta Maxkamadaha si wanaagsan iila dhaqmin, isla markana ay Ciiddamadda Maxkamadaha ku kaceen falal ka dhan ah Ciiddamadda la kala qabsado, iyo iyadoo ay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha doonayeen inay aniga iyo rag kale u duulliyaan Magaallaadda Muqdishu" ayuu yiri Kornel Cabaas Ibraahim Gureey.

 

Dhinaca kale, Taliyaha ciiddamadda Maxkamadaha ugu qaabilsan Ammaanka Goballadda Jubbooyinka, C/llaahI Axmed Warsame, oo isagoo ku sugan Magaalladda Kismaayo u waramay Idaacadda Simba, ayaa sheegay in loo xaqiijiyey inuu baxsaday Kornel Cabaas Ibraahim Gurey.

 

Taliyaha, waxa uu xusay inau si wanaagsan u soo dhaweeyeen Kornelk Cabas iyo Maleeshiyaddii la socotay, isla markaana aysan garanayn waxa uu qoonsaday iyo sababaha uu u baxsaday.

 

Kornel Cabaas Ibraahim Gureey, oo ay ehel-wadaag yihiin Wasiirka Difaaca ee DFKMGS, Kornel Barre Hiiraale.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Cabaas oo isaga iyo boqol maleeshiyo ah oo dhawaan soo galay magaalada Kismaayo ayaa xalay mar kale dib uga baxay.

 

November -03 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia .

 

Sahra Cabdi Axmed “Kismaayo”

 

Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo Todobaadkii la soo dhaafay isaga iyo boqol maleeshiyadii Beerxaani ay soo galeen magaalada Kismaayo ayaa xalay mar kale dib uga baxay magaalada Kismaayo.

 

Col Cabaas oo HornAfrik la soo xiriiray ayaa sheegay in sababaha uu uga baxay magaalada Kismaayo uu ku sheegay Saddax arrimood oo kala ah.

 

Dhidibtirita dhaawacyadii Bu'aale, gaadiid laga heyso Haween ganacsato ah, iyo ammaan daro.

 

Col. Cabaas waxa uu sheegay in wadahadal ay u socdeen isaga iyo mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha kuwaas oo uu shegay inay ka soo baxeen martiqaad loogu fidinya magaalada Muqdisho arrintaas oo uu sheegay in aaney aheyn mid u cuntameysa.

 

Deegaanka Beexaani oo hore uu ugu sugnaa Col. Cabaas imminkana la filayo inuu aaday ayaa sheegay inay halkaas ku sugan yihiin qaar ka mid ah maleeshiyaad uu talin jiray waxa uuna sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo aadista deegaankaas.

 

Dhinaca kale, taliyaha ammaanka gobolka C/laahi Axmed Warsame ayaa sheegay tegista Cabaas uu ka tagay magaalada Kismaayo aaney ka war heyn balse waxa uu sheegay in intii uu joogay ay sugayeen ammaankiisa, sidoo kale wadahadallo lala yeeshay uu ku soo galay magaalada Kismaayo.

 

Col. Cabaas ayaa waxa uu joogay deegaanka Beerxaani tan iyo intii maamulka Barre Hiiraale ay kala wareegeen maxkamadaha Islaamka isagoo magaalada Kismaayo ku soo galay wadahadalo ay yeesheen odayaal dhaqmeedyo iyo waxgarad ka soo jeeda beeshiisa iyo midowga maxkamadaha Islaamka.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabaas is lucky.

 

He is solely responsible for recruiting Siyads men during 88-90 and were responsible in raping, looting and displacing 100000's of Jubaland residence and its a black history.

 

So i dont think its worthy for one to praise that kalbis departure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

His defection earlier was welcomed though?

General,some hypocrisies go deeper than the word itself.Yesterday they were welcoming him and now ,well now we are witnessing their reaction.Let it burn them..its good. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I remember saying this when his "surrender" was the cause of much jubilation.

 

Cabaas was in Beerxaani (20 km to Kismaayo) and it was strategic for him to surrender after Barre's temporary setback and return to Gedo.

 

Cabaas has only one loyalty (alle ka sakow'e) and that is to ina Aden Shire. I have no doubt what
kaalin
he would take were Barre to remarch this second back to Kismaayo.

MADAXII AMMAANKA COL.BARRE HIIRAALE IYO CIIDAMO UU WATAY OO MAXKAMADAHA ISU DHIIBAY

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col. Cabaas Iyo Ciidankiisii Oo Kismaayo Isaga Baxay Kismaayo

Nov 04,2006

by Kismaayo-Gedo-NN

 

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo waxay sheegayaan in xalay saqdii dhexe uu isaga baxay Col. Cabaas iIbraahim Gureey iyo ciidan uu hogaaminayay kuwasoo markii hore isku soo dhiibay maxaakiimta qabsaday Magaalada kismaayo.

 

Sida uu iisheegay wariye ku sugan magaalada kismaayo oo aan la xiriiray codsadayna inaan magaciisa la shaacin ayaa ii sheegay in kornaylku uu afka saaray dhanka Beer-Xaani waxaana waraysi ay idaacada HornAfrik qaybteeda kismaayo ay waraysatay kornaylka uu ku sheegay sababaha uu uga huleelay kismaayo.

 

Kuwaasoo kala ah buu yiri wariyuhu amaankii kornaylka iyo ciidamadiisa oo la sugi waayay kasoo marar badan la kulmay hadalo hanjabaad ah sida uu kornaylku ku yiri waraysigiisaasi.

 

Sidoo kale, waxaa ii muuqatay ayuu yiri kornaylka oo waraysigaas sii wata in uu arkay Maxaakiimta oo wata hanti ay lahaayeen dadkii reer kismaayo, taasoo uu garan waayay sababta loo haysto iyo arinta layaabka noqotay ee ahayd in dhaawac isbitaal ku jira la laayo taasoo iyana nagu ahayd mid halisteeda leh.

 

Kornayl Cabaas ayaa waraysigiisaas ku daray in maamulka maxaakiimtu ay u sheegeen in isaga iyo ciidamdiisa la gayn doono magaalada Muqdisho taasoo iyana layaab ku noqotay, uuna diiday inuu aado Muqdisho.

 

Sida uu wariyahaasi ii sheegayna waxaa Kornaylka socodkiisa ku weheliyay ciidamo aan hub fiican wadan hase yeeshee uu wariyehaasi ku qiyaasay 140 nin iyo 120 ciidan oo habeenkii ka sii horeeyey ay ayaguna isaga huleelay magaalada Kismaayo. Wariyuhu wuxuu intaas ku darayaa in hubkii uu markii hore kismaayo la yimid Col. Cabaas uu intoodii badneyd uu dib ula noqday asaga iyo ciidankiisaba.

 

Dhanka kale ,warar aan la xiijin ayaa sheegaya in dumar isaga huleelay kismaayo oo aaday magaalada Dhoobley iyagoo raadinayay haweenkaasi nabadgalyo dhaanta mida kismaayo ka jirta lagu faraxumeeyay inta u dhexaysa Kismaayo iyo Dhoobley.

 

M J Faarax-Gedo New Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this