Sign in to follow this  
General Duke

Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...

Recommended Posts

Minister MM Guleed Gacmo-dheere a close ally of the President and PM has been visiting the Somali communities of North America... Here are following reports from the Somali media concernining the visits, comments made and the reception he receieved.................................................................................................

 

gacmadheere_toronto2.JPG

WARBIXIN) Kulankii Wasiir Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere ee Minneapolis

Ayadoo ay todobaadyadii lasoo dhaafay safaro ku imaanayeen magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka wafuud ka kala socota dowlada iyo Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa todobaadkii hore soo gaaray magaalada ay degen tahay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu weyn ee Maraykanka, Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere oo ah Horumarinta ree Miyiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Soo dhaweyntii wasiirka Horumarinta ree Miyiga ee dowlada kumeelgaarka ah ee Soomalida mudane Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere, lagu soo dhaweeyey magaalada Minneapolis ayaa aad uga duwanaa soo dhaweyntii xubnihii wafadiga ahaa ee la socday guudmooyiha baarlamaanka Mudane Shariif ee iyaguna soo gaaray gobolka Minnesota.

 

Galabnimadii Talaadada ee laga soo gudbay waxaa xaafada Ceder ee ku taala bartamaha magaalada Minnepolis ahna xaafada ugu Somali badan gobolkaan Minnesota isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan oo daneenayey inay soo dhaweeyaan wasiirka Horumarinta reer Miyiga mudane Gacmo-dheere.

 

Inkastooy ahayd maalin dadku shaqooyin iyo iskuulaba jiraan ayaad haddana la yaabi lahayd khalqiga isugu yimid xarunta weyn ee Brian Cole ee xafiiska u ah ururka ugu balaaran ee matala jaaliyada Somalida ee ku dhaqan Minnesota.

 

Hoolka lagu cayaaro kubada gacanta ee Brian Cole ayaa dadkii buux dhaafiyeen oo weliba laga noqday markuu dadkii qaadi waayey, shirkii galabtaas lagu soo dhaweynayey Mudane Maxamuud Gacmo-dheere waxaa ugu horeyntiiba lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi uu soo jeediyey Sheekh Axmed Cali, kadibna waxaa furay shirka Cali Geele oo isagu ka socday (Confederation Of Somali Community).

 

Cali wuxuu ka hadlay horumarka ugu balaaran ee ay jaaliyada Minneapolis muujisay 10kii sano ee ay gobolkaan degenayd iyo sida ay ugu fiday deegaankaan cusub, wuxuu wasiirka uga warbixiyey guud ahaan nolasha Somalida, kororkeeda, ganacsigeeda, iyo waxbarshadeedaba, Cali faaladiisii iyo soo dhaweyntiisii ka dib wuxuu makarofoonka ku soo dhaweeyey Madaxa Jaaliyada Banaadiriga ee Gobolkaan Minnesota, mudane Maxamed Abuukar oo isagu ku jiray xubnihii ku booqday Madaxweynaha Dowlada ku meelgaarka ah (Cabdulaahi Yusuf) magaalada New-York.

 

Maxamed wuxuu dadweynihii u soo gudbiyey salaan uu ka waday madaxwynaha xiligii ay ku kulmeen New-York.

 

Maxamed wuxuu tilmaamay sida jaaliyada Somalida ahi ay xooga ugu leeyihiin gobolkaan Minnesota wuxuuna sheegay xiliyadii hore inaysan somalidu wax xiriir ah lalahaan jirin madaxda Gobolkaan haddase ay Somalidu awood u leedahay inay danaha Somaalida ka fuliyaan madaxda gobolkaan.

 

Wuxuuse sheegay gudoomiyaha jaaliyada Banaadirigu in xubnaha kala figriga duwan ee Somalidu ay figradahooda mideeyaan si Jaaliyada dibadu waxtarkeeda u muujiso una caawinta wadanka Somaliya.

 

Warbixintii Gudoomiyaha ka dib waxaa hadalkii la wareegay Luul Xassan Lari oo iyadu ku hadlaysey magaca dumarka gobolkaan halkaasna ka muujisay in dumarku ay garab istaagayaan dowlada ayna baahi u qabaan inay wadankoodii oo nabad ah arkaan si ay u suurto gasho in wadankii lagu soo noqdo, waxay sheegtay in dumarku ay ka daaleen aysana u dulqaadan doonin in dowladii la keenaba ay dadka qaarkiis lugaha jiidayaan taasoo dadka jaaliyadu ay aad u dhibsadaan jahawareerka markasta Somalida lagu dhex abuuro.

 

Inkastoo ay xubno faro badani hadalo ka jeediyeen madashii waxaa goordanbe lagu soo dhaweeyey qaar ka mid ahaa hoboladii waaberi abwaanka weyn ee Maxamuud Ciise Singub ayaa halkaas ka qaaday hees wadani ah oo qiiro leh oo uu maalmahaas sameeyey, waxaa kaloo hees cusub oo ka hadlaysa Hooyada halkaas ka qaaday Saado Cali Warsame heestaas oo ay sheegtay inuu samayeey dhowr beri kahor Abwaan Singub looguna talo galay muhiimada iyo qiimaha ay hooyadu leedahay, heestaa oo dadkii xasuusisay in hooyooyinka Soomalidu ay ku jiraan dhibaato aad u balaaran oo ragoodii ay ka caal waayeen inay xal u helaan.

 

Markay dhamaatay maaweelintii Hobolada waaberi waxaa makarofoonka lagu soo dhaweeyey ambaashatoorkii soomaalida u fadhiyey EU-da ambasadoor Maxamed Cumar Jamac (Dhigic dhigic) oo isagu halkaas ka cadeeyey in wasiir Maxamuud Gacmo Dheere uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii xiligii burburka aan ka qaybqaadan dagaaladii ehelka wuxuu cadeeyey inuu wasiirku shirarkii ay Soomaalidu isugu timid 14kii sanoo ee burburka uu isagu la fikir ahaa inta nabada raadinaysa oo uu markasta talada nabadoonimada ku fikir ahaa, Dhigic dhigic wuxuu makarafoonka ku soo dhaweeyey wasiirka bal si uu u soo bandhigo hawlaha Somalidu ka sugayso.

 

Taariikho dheer oo uu wasiirku ka hadalay una badnaa shirkii mudada labada sano ah ka socday Kenya iyo guulihii ka soo baxay ayuu hadalkiisa u wareejiyey sababaha keenay in dowladu degto Jowhar inta Xamar laga nabadaynayo.

 

Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay imaatinkooda New York oo uu ku sheegay inay uga danlahaayeen laba qodob oo muhiim u ahaa dowlada Cusub ee Somalida.

 

1-inay ka qaybgalaan sanadguuradii 60 ee madaxda caalamku ay ugu ku kulamayeen New York si loo cadeeyo oo dunida loo tuso in 14 sano kadib ay somalidu leedahay dowlad.

 

2-In shirarka ka dhacaya New York ay dowlada Somaliyeed uga faa'iidaysato inay kula kulanto madaxda caalamaka ee halkaas isugu imaanaysa si loogu gudbiyo in dowladahaasi ay caawiyaan maamulka cusub ee Somaalida u dhashay.

 

Wuxuu cadeeyey wasiirku in haddii aysan dowladiisu imaan lahayn New York ay adkaan lahayd inay wada arkaan madaxdii ay danaha ka lahaayeen taasoo ay dowlada kumeelgaarka ah ku kelifi lahayd inay madax kasta dalkooda ugu tagaan taasoo kharash badan iyo waqtiba ka qaadan lahayd madaxda DFK hadase ay madaxday rabeen oo dhan ay hal goob (NEW YORK) kuwada arkeen.

 

Hadalka wasiirka oo aad u dheeraa ka dib waxay jaaliyada Minnesota ay wasiirka weydiiyeen su'aalo faro badan waxaanse ka soo qaadaynaa dhowrka ugu muhiimsan.

 

Su'aashii koowaad?

Dowlad kasta waxay ku horumartaa ama ku socotaa aqoonsi caalami ah iyo mid dhaqaale maxaa idinka idiinka hagaagay labadaa arimood.

 

Jawaabtii wasiirka.

Dowlada hadeer Somalia u dhalatay way ka duwan tahay dowladihii hore ee la soo dhisay oo sidaad ogtihiinba somalida waxaa shir uga socday Kenya mudo lab sano ku dhow shiraaks Somalida waxaa labadaas sanoba fadhiyey oo ka qaybgelayey dowladaha caalamka intooda badan Ururka Qaramdida Midoobay, Ururka Afrikaanka, Midka ree Yuurb, jaamacad Carabta, iyo hay'adaha caalamiga oo dhan marka dowladii ka soo baxday shirkii Kenya aduunku horuuba u aqoonsanaa maxaa yeelay iyagaaba daadihinayey oo kharashka bixinayey, sidaas awgeed dowladuba waxay dhalatay iyadoo la aqoonsan yahay, wanan midaanu hadeer ku joogno New York.

 

Dhinaca dhaqaalaha sidaad la socotaanba dowlad kasta oo Somali loo sameeyey 14kii sano waxay dowladaasi aduunyada u doonanaysey dhaqaale, dhaqaalihii Soomaaliya la siiyeyna waxba laguma qaban oo dowladi kuma hagaagin, oo lacagahaas intoodii badnayd jeebka shaqsiyaad ayey gashay, marka xiligaan hadda ah dowladihii lacagaha ku kaalmayn jirey Somalida way ka niyad jabsanyihiin inay lacago kale bixiyaan oo Soomaalida horaa looga aamin baxay.

 

Waxaad ku garanaysaa xiligii Dowlada Somalida lagu dhawaaqay ayey dowlada ku meelgaarka ahi dhaqaale weydiisatay Princes Cabdallah Sucuudiga aad bay xiligaas dowlada Sucuudigu uga caga jiiday inay kharsh siiso dowlada Federaalka ah, 10 bilood kadib ayuu madaxweyne Cabdulaahi u yeeray oo uu uga cudurdaartay inaan sidii larabay aysan dowlada Sucuudigu uga qaybqaadan dhaqaalaynta dowlada Federaalka ah,

 

Xiligaas Cabdalle wuxuu arkay in dowlada Somalidu ay soconayso ama sucuudigu ha taageero ama hayska daayaane, alxamdu lilaahi hadeer dowlado badan oo ka shaki sanaa dowlada Somaliya ayaa xiriiro la soo sameeyey ay ku iclaaminayaan inay xagga dhaqaalaha ka gacan qabanayaan, xiligaana haba lajiitamo laakiin dhaqaale ahaan loo xayirnaan mayo oo waa la soconkaraa.

 

Su'aashii Labaad.

Maxay Qaramada Midoobay uga baxeen magaalada Jowhar?

 

Jawaabtii Wasiirka

Waad ogtihiinoo baryahaan waxaa la uruurinayey ciidankii Qaranka waxaa ciidamo laga keenay Gobolada Puntland la isku yiraahdo, Gobolka Hiiraan, Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Gobolka Bakool si loo meelmariyo hawlihii dowlada u yaalay loona helo ciidan qaran oo tababar iyo aqoonba isku filan, taasoo ka caraysiisay xubnaha aan iyagu marna doonayn inay arkaan haykal dowladeed xubnahaas oo idaacadah iyo joornaalada ku qoray erey micnihiisu yahay (haddii aan dowlad noqono oo ciidamo qaran lagu sameeyo Jowhar waan ka dagaalamaynaa ee colaad baanu soo wadnaaye hay'adha ummada wax u qabta ee Jowhar joogaa ha iska daayaan waxtarka ay Jowhar ka wadaan oo amaankoodaanu khal khal gelinaynaaye haka baxaan wadanka).

 

Iyo xubnaha jowhar jooga oo leh anagu dowlad baanu noqonaynaa ee hay'aduhu ha joogeen gobolka oo dadka wax ha u qabtaan waxaanan jowhar ku dhisaynaa ciidamo kala qabiil ah oo qaran loo tabab baray oo isku meel la isaugu geeyey ilaalina doona hay'adaha wax kaalmeeya, Dowlada iyo shicibkaba.

 

Labadaas figradood oo iska soo horjeeda ayey ururadii UN-ku ka shakiyeen oo waxay iskood u go'aansadeen inay Jowhar isaga baxaan inta ay wax u kala cadaanayaan maxaa yeely iyagu cid u dhaaranaysa wadankooda inay sii joogaan ma rabaan, nasiib wanaagse dhowr beri ka dib waxay arkeen in kuwa dowlad diidka ahi aysan waxba ummada u soo wadin kadibna dib ayey ugu soo noqdeen Jowhar oo haddeer way shaqo bilaabeen.

 

Su'aashii sadexaad.

Ciidamada Puntland ka yimid ee soo gaaray Jowhar maxaa baabuurtooda saaray calanka Ethopia.

 

jawaabtii Wasiirka.

Wasiirka oo su'aashii ku celiyey ninkii su;aasha soo weydiiyey ayaa yiri.

 

Adigu ma aaminsan tahay hadalkaas oo ma u malaynaysaa in Ciidamadaasi ay wateen calanka Ethopia (ninkii ayaa ku jawaabay ma naqaan anaggu laakiin saxaafada Muqdisho ayaanu ka maqalnay in Calanka Ethopia ay dulsurnaayeen baabuurta ay wateen Ciidamada Puntland).

 

Wasiirku wuxuu yiri waxaasi waa iska sheeko malo awaal ah wax caqligu qaadan karana maahan maxaa yeelay meeshuna waa jawhar ciidamaduna waa kuwo Soomaaliyeed sabab keeni karta in ay qaataan Calanka Ethopia ma ay jirto,

 

midaada kale ma u malaynaysaa in Ethopia ay ogoshahay in calankeeda lala dhexwareego Soomaaliya, wararkaasi waa been, ciidamada Puntland kuwa Hiiraan kuwa Shabeelada dhexe, iyo kuwa Bakool waa ciidamo Soomaaliyeed waxaan xumaantaas ka qoraya mid aan xataa maleeshiyadiisa aan ku darsan karin kuwa walaalkiisa la dhashay kuna aamin qabin.

 

Waxayna ka xunyihiin qaarkood sideebaa loo helay in ciidamo ka socda gobolo kala duwan ay hal meel isugu yimaadeen oo weliba loogu aaminay taliye aan qoyska ciidamadaasi ka kooban yihiin aan kaba dhalan taasoo ah astaanta lagu yaqaan dowlad, kuwa wararkaas beenta ah qoraya waxaad weydiisan idinku bal ciidama qaran waxuun isagu taga oo dhisa, si aad dadka Somalida sharaf uga heshaan.

 

Shirkii maalintaas lagu casumay wasiirka Horumarinta reer Miyiga( Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere) wuxuu ku dhamaaday jawi farxad leh ismaqal iyo dadkoo u balan qaaday inay dowlada la shaqaynayaan.

 

Waxaa aakhirkii shirka makarofoonka la wareegay Somali American Media Asso. oo canbaaraysey shirkii ay qabteen wafdigii la socday Gudoomiyaha ee iyaguna yimid gobolkaan Minnesota kuna cambaaraysay in shirkaas loo diiday saxafiyiintii ka socotay Somali American Media iyo Somali Show Tv, oo labadoodaba loo diiday inay soo tebiyaan shirkii uu hogaaminayey mudane Sifir ee lagu qabtay Inver Groov Heigts.

 

Taasoo uu wasiirku uga jawaabay cambaarayntaas oo uu u sheegay inay bulshadu isu dulqaadato oo ay si wanaagsan saxaafadu u hawlgasho oo muranka la iska saaro, wartabintana laga runsheego cidii iyadu markaas dhib doonaysaa ummada ayaaba arkaysa.

 

Wasiirka ayaa hada asagu u gudbay dalka Canada, asagoo hada ku sugan magaalada Toronto.

 

Md.M M Gacmodheere ayaa sidoo kale kulan dheer la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee Canada, waxaana haduu Alle idmo halkaan idiinku soo gudbin doonaa warbixin la xariirta shirkaasi.

 

Abdi Mohamed

Minneapolis

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

canada.jpg

 

Toronto: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa oo la Hadlay jaaliyada Soomaalida ee Canada

Posted to the Web Sep 26, 21:31

 

Waxaa Toronto Canada ka dhacday xafladii ugu balaarnayd ee ka dhacda Toronto inta la xasuusanyahay, taasoo lagu Martigeliyey Wasiirka Horumarinta reer miyiga iyo daaqa oo booqasho ku jooga wadanka Canada.

 

Jaaliyada Canada oo isugu jira Culimaudiin, Odayaal, Hooyooyin, Aqoonyahan, dhalinyaro iyo fanaaniin ayaa buuxiyey Hall-ka shirarka ee Marriot Hotel.

Dhamaan jaaliyada intii u hadashay waxay wasiirka u sheegeen sida ay u saamaysay dhibka dowlad la,aanta, qiima jabka qaxootimadu leedahay, iyo qurbaha dhaqan xumadiisa, sidaa daraadeed jaaliyadu waxay u balan qaadeen Wasiiraka inay garab iyo gaashaanba u noqonayaan dalka.

 

Jaaliyadu waxay Wasiirka u soo bandhigeen murti isugu jirta Geeraar,Buraanbur,iyo Heeso kuwaasoo mar walba kicinayey xamaasada wadaninimo. Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Wasiirka Horumarinta reer miyiga iyo daaqa Mudane Mohamed Mohamud Guled oo halkaa uga mahadceliyey jaaliyada sida sharafta leh ee loogu soo dhoweeyey Toronto, wuxuuna u soo gudbiyey jaaliyada Salaan uu uga waday Madaxwayne Mudane Abdulahi yusuf Ahmed.

 

Wasiirku uxuu si tafatiran uga hadlay barnaamijka dowlada waxuuna jaaliyada u cadeeyey in dowladu inta badan wadanka maamusho, inta hartayna ay si dhakhsa ah uga howlgeli doonto.

Wasiirku wuxuu xiligii hore kulano kala duwan la galay madax ka tirsan dowlada Canada oo ay ku jiraan wasiiro iyo mudanayaal baarlamaan.

 

Waxaa iyana xusid mudan in jaaliyada Canada ay si gaar ah wasiirka hortiisa u Xuseen sharafta iyo karaamada ay u hayaan gudoomiyaha shabeelaha dhexe Mohamed dheere oo ay ku tilmaameen geesi ay tariikhdu qori doonto.

 

Waxaa kaloo xafladaas qudbad gaaban ka soo jeediyey Mudane, Hon. Ali Mohamed Mohamud (AliHareed) oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo isagana dhinaciisa kacadeeyey sida loogu baahan yahay in la helo dowlad Soomaaliyeed oo nabad gelyo ka islaaxisa wadanka Soomaaliya.

 

 

Waxaana Martisharafkaas ka mid ahaa oo kale Wasiirka Sportiga iyo shaqaalaha ee DGPL Mudane Siciid Qoorsheel oo cadeeyey tageerad ay u hayan dowlada dhexe ee soomaliya.

 

Ma soo koobi karno dadkii faraha badanaa ee gacanta ka gaystey xafladan laakiin waxaa xusid gaar ah muadan Abdirahman Xoosh oo isagu daadihinayey xaflada iyo dhamaan media-ha Toronto iyo fanaaniinta.

 

Farah Abdi Hussein

guudcad@yahoo.com

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Toronto: Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga iyo Daaqa ee Dawladda FKG oola Kulmay Madax ka tirsan Dowlada Canada

- Wednesday, September 28, 2005 at 05:34

 

Toronto - Waxaa kulan aan rasmi ahyn ku yeehay Magaalada Toronto wasiirka Hormarinta Reer Miyiga iyo Daaqa ee dawladda FKG ah ee Somaliya Md. Maxamed Maxamuud Guled “Gacmodheere†iyo wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyada ee Canada Md. Joe volpe.

 

 

Md. Gacmadheere ayaa warbixin dheer halkaas ka soo jeediyey, kanagana waramay shirkii dib u heshiisinta Somaliya, dhismihii dowlada federalka ku meelgaarka ah, iyo hawlaha dawladdu ay ka wado Somaliya, iyo sidii ay u hanan lahayd ammaanka dalka, ayna u sugi lahayd nolol-bulsheedka ummadda. Md. Gacmadheere waxaa uu tibaaxay in dowladu ay ka hawlgashay gudaha Somalia ayna wado dhamaystirka iyo dib u soo noleynta hayadaha dawliga ah.

 

Waxaa wasiirku mahad balaaran usoo jeediyey Dowlada Canada oo si hagrasho la aan usoo dhaweysay Shacbi badan oo somali ah.wasiirka socdaalka ayaa warbixintaas kadib sheegay in dawlada canada ay la shaqeyn doonto dowlada Somaliya.

 

Waxaa kulanaas goob joog ka ahaa Mudane Wajid Khan oo ah mudane ka tirsan Baarlamaakna Canada lagana soo doorta xaafada missisauaga.

 

Dhinaca Somalida waxaa asna goob joog ahaa Wasiir u Dawlaha Gaashandhiga Somalia Md. Cali Maxamuud Ali “Xarreedâ€, Md. Axmed Maxamed Aden, xoghayaha Boostada iyo Isgaarsiinta Dawlada FKG-ka ah, waxaana kulankaan soo qaban qabiyey Faisal Hassan Jama (Jabdhurwaa).

 

Farah A Hussein

Toronto, Canada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Gacmadheere wonderfull as ever, hardworking man, the guy has rosen above the clan idea, deserves to lead the country, I admire such men for being part of a system with enough defects yet stands firm for the better of all and not few of his kinsmen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sareeye Guute, I thought Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan was in Ontario, too; I thought that a full warbixin ayaa naga soo gaarsiin lahayd, since you cared about Dowlada and its vital existence to us. See camal, saan fair ma'aha nooh.

 

photo14.jpg

Sareeye Guute, ileen waxaan aa socday aa diideysay. Micno maleh, dowladii ee ku wada jiraan ee ku faraxsanoow, see waaye. Laakiin ha nixin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ MMA, I must admit that was funny, however I was monitoring the situationand and in no way wanted to step on the toes of brothers like Juma and Olol[same p[erson I tell ya ;) ] with regards to their hero of the hour Sharif, however I am dismayed at their lack of reporting on this matter.. I give notice if they don not report..soon I will.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this