Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Warlords Dismissed from Cabinet

Recommended Posts

20041115105209geeddi203.jpg

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa laga ceyriyay afar wasiir oo markii hore jagooyinka lagu siiyay in ay madax u ahaaayeen kooxo hubeysan.

Wasiirrada la eryay ayaa waxay kala yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Bootaan Ciise iyo Cumar Maxamed Finish.

 

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadistan ka dib markii ay shir deg deg ah isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ee dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa loo cuskaday qodobbo ay ka mid yihiin in ay ku xad gudbeen dastuurka ka dib markii ay ka mid noqdeen urur siyaasadeed.

 

Dabcan waxaa ururkaas loola jeedaa Golihii aan guddoomiyaha lahayn ee ay sameeyeen una bixiyeen Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada.

 

Isbahaysigaas xubnihiisu intan way ka badan yihiin laakiin inta kale xubno kama aha golayaasha dowladda.

 

Isbahaysigan ayaa dharbaaxooyin xoog lihi ay ka soo gaareen dagaallo ay la galeen malliishiyaadka Maxkamadaha , oo markii taageero badan ka helay shacabka.

 

Dayniile oo ah goobtii horreysay ee dagaalku ka dhaco ah ayaa garoonkeeda dayaarduhu xirmay, Garoonka Cisalley ayaa gacanta Isbahaysiga laga saaray iyo dekedda ceel Cadde.

 

Waxaa lagala wareegay jidgooyo u taallay Galgalato, Nambar Afar iyo Suuqa Xoolaha.

 

Waxaa kale oo lagala wareegay Suuqa Darmaale oo ay canshuur ka qaadan jireen.

 

Axadna waxaa laga qabsaday magaalada Balcad.

 

Caawa oo dowladda laga saarayna waxay u tahay dhibaato hor leh.

 

Saameynta dowladda

 

Inkatsa oo ay awoodda hoggaamiye kooxeedyadani ay aad u wiiqantay, haddana ka saaristoodu ma cadda sida ay u saameyn doonto dowladda.

 

Dowladda oo ah mid wadaag ah, oo laga wada qeyb geliyay hoggaamiyayaasha hubeysan, ayaan weli ku tallaabsan horumar wey oo la taaban karo.

 

In ay tallaabadani dowladda wax u dhinto iyo in kale, waxay ku xirnaan doonta awoodda u hartay Wasiirrada la eryay inta ay le'eg tahay.

 

from bbcsomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this