Sign in to follow this  
General Duke

Heavy clashes start in Mudug....

Recommended Posts

 

diiradley: Dagaallo ka dhacay duleedka koonfureed ee Bandiiradley.

Axad, November 12, 2006

 

Bandiiradley(AllPuntland)- Dagaallo xooggan ayaa xalay iyo saakaba ka dhacay duleedka Koonfureed ee deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug.

 

Dagaalladan ayaa xalay fiidkii ka dhex bilowday maxkamadaha iyo ciidamada Puntland iyo ciidanka koonfurta Mudug oo difaac ugu jiray in maxkamaduhu aysan u tallaabin gobolka Mudug .

 

Dagaalka fiidkii xalay dhacay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid ay weerarka lahaayeen maxkamadaha Islaamiga , oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday fariisimada ciidamada ku midoobay difaaca gobolka Mudug.

 

Wararku waxay sheegayaan in khasaarooyin ay jiraan hase ahaatee ma jirto ilo lagu kalsoonaan karo oo si rasmi ah u xaqiijisa dagaalkan khasaraha uu keenay.

 

Warar kale oo isla Bandiiradley naga soo gaaraya waxay sheegayaan in gawaari dagaal lakala qabsaday , mase jirto cid xaqiijisay sida loo kala qabsaday.

 

Maxkamadaha Muqdisho ayaa la sheegay in dib loogu durjiyay deegaannada ay dagaallada kasoo qaadeen , ayadoo iminka la sheegayo inay gurmadyo dalbadeen.

 

Dhinaca ciidamo dheeraad ah oo ka kala socda Puntland iyo kuwa koonfurta Gaalkacyo ayaa diyaar garow ballaaran la galiyay, waxaana muuqata in shacab fara badan oo Mudug ku dhaqan ay aad xun yihiin dagaalladan dhacaya.

 

AllPuntland , waxay ku mashquulsan tahay inay xogtii ugu danbaysay kaasiiso arimahan soo cusboonaaday

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha islaamka oo 19 Km u jirsaday Galkacyo

 

Mogadishu 12, Nov.06 ( Sh.M.Network) Dagaal xoogan ayaa saakay tuulada Bandiiradleey ku dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo ciidamo taageersan Cabdi Qeybdiid oo ay la socdeen sida la sheegay ciidamo reer Puntland ah, iyadoo maxkamadaha islaamka ay sheegteen in dagaalkaasi ay ku adkaadeen.

 

Afhayeenka golaha maxkamadaha islaamka ee gobolada dhexe Max'uud Max'ed Jimcaale Cagoweyne oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii saakay ka qarxay halkaasi uu geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyado dhankooda uu soo gaaray labo dhimasho ah iyo dhaawacyo uusan sheegin tiradooda.

 

Afhayeenka waxa uu sheegtay in ciidamadii Cabdi Qeybdiid oo kaalmo ka helayay kuwa Puntland iyo Ethiopia ay u riixeen dhinaca Tuulada Laan-waaleey ee xuduuda Ethiopia iyo Somalia.

 

Inkastoo aanu jirin warar ka madax banaan sheegashada afhayeenka ayaa hadana warar kale oo laga helay magaalada Galkacyo waxa ay sheegayaan in labo ruux oo dhaawac ah la geeyay magaalada Galkacyo.

 

Cago weyne Waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka Bandiiradleey, Dagaari, sadax-xiglo, xalaal oo 20 km u jira magalaada Galkacyo.

 

" Waxa aynu qabanay wadada dheer ee u dhaxeysa Galkacyo iyo Gelinsoor, Galkacyona waan ku sii siqnay" ayuu yiri afhayeenkaan/

 

Xiriir aanu la sameynay dhinaca kale ayaysan inoo suurto galin in aynu helo, qadadka teleefoonada oo aad u xumaa.

 

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Puntland oo far badan la keenay dhinaca waqooyi ee magaaladaasi, si ay u kaabaan kuwa Cabdi Qeybdiid oo la tilmaamay in loo riixay dhinaca Ethiopia waa sida ay sheegteen Maxkamadaha.

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Which is which? Have they captured it or not?

 

Maxkamadaha Muqdisho ayaa la sheegay in dib loogu durjiyay deegaannada ay dagaallada kasoo qaadeen

-AllPuntland

 

Afhayeenka waxa uu sheegtay in ciidamadii Cabdi Qeybdiid oo kaalmo ka helayay kuwa Puntland iyo Ethiopia ay u riixeen dhinaca Tuulada Laan-waaleey ee xuduuda Ethiopia iyo Somalia.

-Shabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradley: Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Bandiiradley.

Axad, November 12, 2006

 

Bandiradley (AllPuntland)- Dagaalo aad u kharaar ayaa waxa ay wali ka soconayaan jidda hore ee deegmada Bandiiradle.

 

Ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho oo saaka soo qaaday dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dib loo riixay, iyada oo haatan dagaalku uu ka soconayo meel 7 KM dhanka Koonfureed ka xigta degmada Bandiiradley.

 

Saraakiil ku sugan jiidda dagaalka ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu jiro khasaare labada dhinac ah iyada oo dagaalladii ugu danbeeyay ciidamada maxkamadaha looga qabsaday gawaari dagaal oo aad u fara badan.

 

Waxaa soconayo gurmadyo aad u fara badan oo ka baxaya magaalada Gaalkacyo, iyada oo haatan xaaladda magaaladu ay dagan tahay.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada maxkamdaha oo diiday in magacooda la soo xigto ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu jiro khasaare aad u ballaaran oo soo gaaray ciidamadooda, dagaaladii ugu danbeyay.

 

Wali waxaa soconaya dagaal aad u wayn iyado oo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaraha dhabta ah.

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo fool leh magaalada Gaalkacyo.

Axad, November 12, 2006

 

 

Garoowe (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlada goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen.Cade) ayaa waxa uu saacadaha soo socda ku soo fool leeyahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Madaxwayne Cadde oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo saraakiil dhanka amaanka ah ayaa waxa ay magaalada u imaanayaan arrimo ku aadan dhanka amaanka.

 

Mudane. Cadde ayaa waxa uu socaalkiisu ku soo aadayaa iyada oo meelo ka mid ah gobolka Mudug uu ka soconayo dagaallo ay isaga hor imaanayaan ciidamo taageersan maxakmadaha magaalada Muqdisho iyo ciidamado isku dhaf ah oo ka kala socda Puntland iyo Koonfurta gobolka Mudug.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa dhowaanahaan waxa uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo isaga oo wada hadallo la yeeshay qaar ka mid ah wax garadka gobolka.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha oo dagaal kaga adkaadey Qaybdiid

12 Nov 12, 2006, 01:47

 

 

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Col. Cabdiqaybiid oo tageero ka helaya kuwa Puntland iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Bandiiradlay.

 

Dagaalkan oo aan ilaa iyo hada la hayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ciidamadii Cabdiqaybiid iyo Kuwa Puntland looga Xoog roonaaday lagana qabsaday Magaaladda Bandiiradlay.

 

Afhayeen u hadley Maxaakiimta oo lagu magcaabo Max'uud Max'ed Jimcaale Cagoweyne ayaa sheegey in Ciidamada Cabdi Qaybdiid oo kaalmo ka helaya kuwa Puntland ay u riixeen tuulada Laan Waaleey ee ku taal xuduuda dalaka Somaliya la leeyahay Itoobiya.

 

Cago weyne ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka Bandiiradleey, Dagaari, sadax-Higlo iyo xalaal oo 20 km u jira magalaada Galkacyo.

 

Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa hadda ka baxay Ciidamo gurmad ah oo ku sii jeeda Jiida hore.

 

Magalada Galkacyo ayaa khalkhal weyn ku jirta waxaana si weyn looga dareemayaa saaka Dagaalka Bandiiradlay , Mar aan khadka taleefoonka kula xiriiray dad ku sugan Magaaladda Galkacyo waxay noo sheegeen in ayna jirin wax cid ah oo ka baxday Magaalada balse si weyn ay cabsi uga jirto.

 

Axmad Maxamad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

BANDIIRADLEEY :Dagaal kharaar oo ka socda agagaarka Bandiiradleey

Posted to the Web Nov 12, 08:00

 

 

Bandiiradleey:-Dagaal Culus ayaa iminka ka socda agagaarka magaalada Bandiiradleey ka soo dhexmaraya Ciidanka Puntland iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho , saaka waabarigii ayaa dagaal ay soo qaadeen Ciidanka Maxkamadaha waxaana la sheegayaa in uu dagaalku labada dhinacba uu khasaar u gaystay oo ay dad ku dhinteen baabuurta dagaalkana lagu kala qabsaday.

 

C/raxmaan Maxamed (Bankax) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay soo weerareen Ciidamo ka kala yimid gobolad Banaadir iyo Shabeelooyinka ku waa soo cadow ku ah jiritaanka Puntland.

 

Bankax wuxuu ballan ku qaaday in Ciidanka Puntland uu isdaafici doono islamarkaasna ay cawaaqibxumo ay la kulmi doonaan.

 

Wixii war dheeraad ah kala soco Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : Cadde Muuse iyo Ciidan aad u xoogan oo iminka u ambabaxaya Gaalkacyo

Posted to the Web Nov 12, 08:06

 

 

Garoowe:-Cadde Muuse Xirsi M/waynaha DG Puntland iyo Ciidan aad u badan oo wata baabuur aad u badan oo kuwa dagaalka ah ayaa iminka u ambabaxaya magaalada Gaalkacayo si ay uga qayb qaataan difaaba magaaladaasi oo ay saaka weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka kala yimid Koonfurta dalka.

 

Saaka waabarigii ayaa Ciidanka Maxaakiimta ay dagaal ku soo qaadeen magaalada Bandiiradleey wuxuuna halkaasi dagaal aad u culus ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa Cabdi Qaybdiid.

 

Lama xaqiijinkaro khasaaraha halkaasi ka dhacay laakiin waxaa la sheegayaa in uu dagaalku uu wali iminka socdo ayna jirto dhimasho iyo dhawaac iyo baabuur la kala qabsaday oo labada dhinacba ah.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

According to Garowe online:

 

Warar hada soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in dagaalka uu socda isla markaana ciidamada Puntland oo gurmadka u baxey ay dib u riixeen kuwa Maxaakiimta

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Garow-Online have become anti Puntland, they broke with the Shabbele news and have been hyping the courts the past days.

A big story no doubt, but the courts will lose all the sympathy they "might" have had in Mudug, its like the Hiiraale episode, the clans of Puntland as a whole will fight like never before..

 

The clan courts have had time to bring their foreign fighters to the area..

 

Allpuntland, puntland post are reporting troop movements from Galkacyu and Garowe...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke, Garoweonlin is saying Puntland forced the Court back after they had defeated Abdi Qeybdiid.

 

 

MGPL oo sheegey in ay dib u cesheen Maxaakimta

12 Nov 12, 2006, 02:17

 

Wararka Garowe Online ka soo gaarya magaalada Galkacayo ayaa shegaya in dagaal qaraar ka socda agagaagrka goobihii Ciidanka Maxaakimta ay ka qabsadeen xaley iyo saaka kuwa Malishiyaadka Cabdi Qaybdiid oo tageero ka helaya ciidanka Puntland.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in afhayeen u hadley ciidanka Puntland uu sheegey in dib u waabiyeen ciidamadii Maxakiimta ayna dib uga qabsadeen qaar ka mid ah goobihii ay saakey ka qabsadeen Cabdi Qaybdiid iyo kuwa Puntland, halka warar madax banaan ay sheegayaan in dagaalka uu socda isla markaana ay ciidamada Maxaakiimta weli gacanta ku hayaan Bandiiradley.

 

Afhayen saakey u hadley Ciidamada Maxakiimta ayaa sheegatay in ay wadada Galkacayo soo aada afka saareen ciidankiisa isla markaana ay gareen tuulooyinka ku dhow Bandiiradley.ka akhri halkan wararka dagaalka

 

Garowe Online kala soco wararka soo kordha.

 

Axmad Maxamad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
murefu   

waa muslimiim isku ba'aya ilaah hakala joojiye, laakiin maxakiimta lagu xanto in ay u badan yihiin ama wetaan ka danbeeyaan qolada uu ka dhashay cabdiqaasim maxey ka dooneen meshaas...waa ila qaldanyihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this