Sign in to follow this  
Som@li

Sheikh Cumar Faruuq: “Heshiil lala gali karaa ma jirto Dadka haysta dad, dal iyo duun

Recommended Posts

Som@li   

;“ONLF waa Urur xaq u dirir ah, waa in naf & maalba lagu taageero”

Sheikh Cumar Faruuq oo Muxaadaro khadka Telefoonka ah laga waydiiyay Su’aalo ku saabsan Jabhadda ONLF & Halganka ********ya

 

Sheekh Cumar Faaruuq ayaa Muxaadaro dhinacyo badan taabanaysa maanta khadka Telefoonka ugu jeediyay Jaaliyada Soomaalida ********ya ee ku dhaqan Magaaladda Perth ee Galbeedka Australia, Maxaadarada diiniga ah ee uu Sheikhu u jeediyay umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Perth ayay ahayd mid dareenka dadka kicisay waxaa goob joog ahaa wariye ka tirsan Shabkada Wararka ee Qorahay Online oo sahashay isku dubaridka & soo bandhigida Muxaarada uu sheekhu kaga hadlayay dadka Soomaaliyeed in ay dhaqankooda & diintoobada ku taagnadaan oo ay wali ka dhigtaan Allaah (SW) oo kali ah.

 

Sheikh Cumar Faruuq waa Caalim Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo jiray fidinta diinta Islaamka isaga oo caan ka ah dhamaan gayiga Soomaaliyeed inbadana ay umadda Soomaaliyeed ka faa’iidaysteen, wuxuu Sheikhu in badan Maxaadarooyin & nadwo diina ah u soo jeediyay dhamaan umadda Soomaaliyeed wuxuuna kamid yahay Culimada sida weyn loo qadariyo. Wuxuu Sheikh Cumaf Faruuq wakhtigiiisa in badan u huray fidinta diinta Islaamka isaga oo kutub badan Akhriyay oo dad badan oo Soomaaliyeed ka faa’iidysteen sida Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo dad badan ka faa’iidaysteen.

 

Maxaadaradii uu maanta umadda Soomaaliyeed Sheekhu u jeediyay kadib ayaa la waydiiyay Su’aalo ku saabsan Halganka ********ya ka socda ee ay maanta majaraha u hayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta ********ya, Halgankaas oo lagu tilmaamo in uu yahay kuwa ugu taariikhda dheer Afrika.

 

Waa kuwan su’aalihii Sheikha la weydiiyay

 

Su’aal: Ururka ONLF ee Dagaalka kula jira Itoobiya ma banaan tahay in lagu taageero naf, maal, & Maskaxba?

 

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu Ururkaasi waa Urur wanaagsan oo xaq u dirir ah oo la dulmay oo ay gaalo dul dagtay oo dadkoodii & dalkoodiiba adoonsatay duunyadoodiina dhacday iyaguna u dul qaadan waayay oo ka dhiidhigay, sidaas darteedna u dagaalamaya. Hadaba Ururkaas waa in naf & maalba lagu taageero oo la ayido oo la gar-gaaro siduu Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Haday diinta idinka gar-gaar dalbaan u gar-gaara oo aad hiil & hooba lagarab istaagtaan oo wixii aad heli kartaan ama aad haaban kartaan aydaan ka hagranin. Marka Ururkaasi (ONLF) Waa urur xaq udirir ah, gaalana la dagaalamaya, Dalkodiina gobanimo u doonaya mudo badana soo halgamaayay hadana halgankii ku jira marka ururkaas waa in lataagero. Wabilahi Tuwfiiq”.

 

Su’aal: Dad Soomali ah oo Muslim sheeganaya ayaa la safan Itoobiya oo la dagaalamaya dadka Xoreynaya dalkaas xukunkoodu muxuu yahay ?

 

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Gaalo wixii soo raaca oo gaalo gacansada iyagii buu la xugum noqonayaa kolka waa la waanin oo waa loo caqli celin haday waansabaan ooy wacdigii & waanadii qataan oo ay gaaladii ka hadhaan oy hagaa-gaan waa sidaynu doonaynay lakiin haday gaaladii ku mar-maan kana hadi wayaan oona hogaamiyaan raacaana waa la-layn sida kuwa gaalada ah loo laayay ayaa iyagana loo layn Wabilahi Tuwfiiq”.

 

Su’aal: Talis gaalo ah oo haysta dad & dal Muslim ah xoogna ku haysta dagaalna ka dhexeeyo, Heshiis noocee ah ayaa dhexmari kara?

 

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Dadkaas Muslimka haysta oo dad, dal & duunyo muslim leeyihiin haysta, quwad & xoogna ku haysta in ay inaga adkaadaan ama aynu ka adkaano ma ahee heshiil lala gali karaa ma jirto, oo in ay Muslimiintii dulaystaan dad & dalbana gumaystaan duunyadoodiina ka dhacaan loona dulqaato taas suurta gal maha kolkaas waa lala dagaalami, waana layska dhicin sidaasayna diintu ina faraysaa Wabilahi Tuwfiiq”.

 

Su’aal: Umadda Soomaaliyeed ee allaah ku abuuray Geeska Afrika & Dhamaan uamadda Muslimiinta ah maxaa xil ah oo ka saarayn garabsiinta walaalahooda la gumaysto ee u dagaalamaya in ay duliga saaran iska dulqadaan?

 

Jawaab: “Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Hadii dal Muslim ah oo la dulmay oo la dul-dagay oo la gumaystay oo dad & duunyaba la dulaystay oo intay ka dhii-dhiyaan kacaan in ay waxaas iska dulqadaana u kacaan in allaale inta Muslimiinta ah idaylkood waxaa ku waajib ah in ay u gar-gaaraan oo ay hiil & hooba la garab istaagan ilaa ay dadkaas Muslimiinta ah ay duliga iska dulqadaan sidaasaana waajib ku ah Wabilahi Tuwfiiq”.

 

Su’aalaha Halkan ka dhagayso | Muxaadaradana Halkan ka dhagayso

 

La xiriir: qorahay99@yahoo.com

 

 

Sheikh Cumar Faruuq: “Heshiil lala gali karaa ma jirto Dadka haysta dad, dal iyo duunyo muslim leeyihiin… “

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Som@li:

Marka Ururkaasi (ONLF) waa urur xaq udirir ah, gaalana la dagaalamaya, dalkodiina gobanimo u doonaya mudo badana soo halgamaayay hadana halgankii ku jira marka ururkaas waa in lataagero. Wabilahi Tuwfiiq.

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this