Sign in to follow this  
Emperor

Not even hours have passed since the cabinet's announcement Dayniile have started

Recommended Posts

Emperor   

Ina Cabdirshiid haddii cadaaladda aad wax u qeybiso ay sidaan tahay dadka aad bustaha u soo huwatay ee aanan ku aqoon ha arkeen qofka aad tahay(Waxgarad ka hadlay xukuumadda cusub)

 

 

Waxaa si is-daba joog ah inoo soo gaarayey qoraalo cambaareyn & dhaliil loogu jeedinayo Raisul wasaaraha xukuumadda federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma?rke waxaana dhaliilahaasi ay ka kala imaanayaan waxgarad isugu jira ganacsato, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano & shaqsiyaad ama kooxo ka kala tirsan qeybaha bulshada.

Xubno ku hadlayey magaca Jaaliyada beesha Murusade ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay markii ay akhriyeen liiska golaha cusub ee wasiirada.

 

"Markii aan aragnay liiska golaha cusub ee wasiirada ee uu soo dhisay Raisul wasaaraha waxey nagu noqotay anfariir, waxeyna tallaabadaasi qar iska xoornimada ah ay haadaan ku riday kalsoonidii ay shacabka u hayeen Ina Cabdirashiid, ujeeda looga horyimidna ma ahan oo keliya sida aqool xumada ah ee uu wax u maamulay, ee dowladda uu soo dhisay waxaa ku jira shaqsiyaad dhagarqabayaal ah oo wadanka burburiyey, waxeyna ahaayeen shaqsiyaadkii raaliga ka ahaa ama baraarun jiray in dadka la laayo, qeyb weynna ku lahaa xasuuqii Xamar ka dhacay 2007 iyo 2008, waxeyna aheyd wax aan la qaadan karin in dadkaasi lagu abaalmariyo xilal dowladeed, wadankaan waxaa xorreeyey muqaawimo, iyaga ayaana wadanka ka kiciyey gumeysigii Xabashida, in marka muqaawimada cadceeda lagu waro oo shaqsiyaadkii gumeysiga garabka u ahaana xilal lagu taxo waxey la mid tahay GEEL CALOOSHA LAGA RARAY OO TUURTA LAGA CEYNSHAY" ayuu yiri Cabdullaahi Warsame Siciid oo ka mid ahaa ganacsatada beesha Murusade ee Imaaraadka.

 

 

Mar kale wuxuu yiri Cabdullaahi "Sheekh C/qaadir Cumar & Cabdiraxmaan Janaqow waxey ku jiraan dadka bulshada dhexdooda sumcada ku leh ee ka soo qeybqaatay sidii wadanka shareecada islaamka loogu xukumi lahaa, waxaa loo qaataa in aaney ku kadsoomin xil beenaadkaas, waana in ay ogaadaan ujeedada laga leeyahay keliya waa in sumcadaada lagu lumiyo

 

Ibraahim Saalaxudiin oo ka mid qurba jooga ku nool wadanka Ingiriiska oo Rayigiisa ku cabirayey dowladda cusub wuxuu yiri.

Sheekh Shariif waxaan leeyahay Haddii ba aad raali ka nqootay in xukuumad sidaas ah la dhiso, Cabdullaahi Yuusuf waxba kama duwanide, u yeero ciidamo shisheeye ama Xabashi si ay kuu ilaaliyaan. Dagaalkii uu isagu iclaamiyey ee uu doorka ka qaatay ee shacabkii lagu xasuuqay, dadkii taageeray, iyo kuwii uu dhiigooda heerkaa ku gaaray inuu ku tunto xuquuqdooda waa wax aanan la qaadan karin, waana nasiib darro in dadkii cadowga nagu soo hogaamiyey loogu abaal gudo wasiiro sida Jurile, Maareeye, Ciro, iyo shaqsiyaad kale oo xukuumadda cusub ku jira "

 

Wixii Rayigaaga ah ee ku saabsan xukuumadda cusub ku soo hagaaji dayniilenews@hotmail.com, adigoo aanan u gafeyn cidna.

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this