Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Presedential candidates thread...

Recommended Posts

With a year or so to go till the elections for Putland presidency[Cade's term has been extended to 4 years]. There are individuals positioning themselves as the alternatives to Cade and his governmet.

 

If you know of any who have declared, or planning to do so or those capable fellows who you belive to be suitable forward them on this post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

mire12.jpg

 

Eng:Maxmed Ali Mire Cawaale Oo Noqday Murashaxa ,,,,, Ee Jagada Madaxweynaha Puntland

Warkii 12-Aug-2007 iyo Qormadii: Abdimalik Askar

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey magaalada Minneapolis, Minnesota maanta 08-11-07, saacadu markey aheyd 3:00PM galabnimo. Xafladaas oo lagu qabtey qolka shirarka ee International Institute.

 

Ujeedada xafladaas ayaa ku saabsaneyd in lasoo bandhigo qofkii ka qayb geli lahaa tartanka Madaxweyne nimada ee dowlad goboleedka Puntland.Dhowr saaacadood ka dib ayaa waxa loo doortey in uu noqdo musharax
Inj, Maxamed Ali Mire Cawaale.

 

Xafladaas ayaa waxa goobjoogayaal ka ahaa in ka badan boqol qofood uuna ku jiro madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi iyo mas’uuliyiin badan oo ka soo jeeda. Inj, Maxamed Ali Mire Cawaale ayaa waxa uu balan qaadey hadii uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha,
in uu Puntland ka badeli doono wax badan oo ay ka mid yihiin: Nabadgalyada, dhaqaalaha (ganacsiga), siyaasada,caafimaadka, waxbarashada, xiriirka dibada, xoojinta xuduudaha, iibgeynta xoolaha, wadooyin isku xidha gobolada Puntland, dekado cusub, airboodho cusub,baadhitaanka shidaalka iyo suuq geyntiisaba, xaq-dhowrka diinta iyo dhaqanka, xuquuqda dumarka, iyo xoojinta dhinaca sportiga.

 

Isagoo ku darey hadalkiisa in uu soo bandhigi doono qoraalo laga akhrisan doono barnaamijyada uu wax ka bedeli doono iyo kuwa cusub ee aan ku soo kordhin doono Puntland. Sababta aan u soo gudbinayo qoraalkuna waa in uu qofkasto akhrisan karo si hadhow la igula xisaabtamo.Musharax, Inj, Maxamed Ali Mire Cawaale, ayaa safaro ku kala bixin doona gobolada America, wadanka Canada,Yurub, Asia, iyo Africa inta u san tegin Puntland.

 

somali Media

Abdimalik Askar

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another article I found on Somaliwyn.com

Caddaawe.jpgMusharaxa doorashadda maamul goboleedka Puntland

Mudane Abdirizaq Xirsi Samatar (CADAAWE)

 

BARNAAMIJKA IYO QORSHAHA WAX QABAD EE MUSHARAXA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLANTA CUSUB

 

Ku: Mamul Goboleedka p.land fadhigooda

Ku: Golaha shacabka p.land fadhigooda

Ku: Dhamaan isimada p .land fadhigooda

Ku:ururada bulshada p.land fadhigooda

Ku:aqoonyahanada iyo waxgaradka p.land fadhigooda

 

Uj:- BARNAAMIJKA IYO QORSHAHA WAX QABAD EE MUSHARAXA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLANTA CUSUB.( NEW PUNTLAND)

 

Aalaamucalaykum w..w

 

Waxaan halkan dadweynaha Maamul goboleedka puntland ugu soo gudbinayaa si kooban qorshahayga wax qabad ee mudadda aan xilka hayo,hadaad ii doorataan.anigoo si faahfaahsanuga hadli doonna wakhtiga doorashadu soo dhawaato,islamarkaana dalka aan ku suganahay insha allah.

 

Walaalayaal Waxaan marka hore si toos ah u cadaynayaa in aanan anigu ahayn mid raba inuu ka taajiro cashuurta,taasi oo aan halkeeda ka dhigi doono middalka iyo dadka ku noqota,oo si cad loo dareemo,anigoo danaynaya inaan kordhiyo xaqa ay bulshadu u leedahay inay ogaato,oo dabo gasho cashuurta iyaga laga qaadaa.

 

 

Walaalayaal qorshayga waxaan u kalaqaadayaa sedan:-

 

1.SIXITAANKA D.G.PUNTLAND DHINACA WALBA,anigoo u ogolaanaya dhamaanba 3da tiir ee dawladi ku dhisanto,mid walba shaqadeeda oo aan lagu fara galin, oo ay u gudato sidii laagu xilsaartay kuwaasoo kala ah.

a.Xukuumadda

b.Garsoorka

c.Sharci dejinta

 

2.MUDADDA JIRITAANKA XUKUUMADDA PUNTLAND.

 

3.HOGAANKA GOBOLADA IYO MAAMULKABA.

 

4. ABUURITAANKA XAFIISKA ISKU XIRA MAAMULKA IYO ISIMADDA.

 

 

Hadaan qodobadan mid mid u sii gudo galo:-

 

 

1.SIXITAANKA D.G.PUNTLAND.

 

Sidaad wada ogsoontihiin D.G.Puntland maamul iyo wax qabad ahaanba waa jiran tahay,waxaanay u baahan tahay dhaqtar baadhitaan qoto dheer ku sameeya dhinac walba sida.

 

a.Siyaasadda

b.Arrimaha Bulshadda

c.Dhaqaalaha

d.Nabadgelyadda

e.Xuduudaha D.G.Puntland

 

Siyaasadda.

Waa in la cadeeyaa mawqifka siyaasadeedn ee puntland inuu yahay ka ay dantu ugu jirto muwaadiniinteeda,kaasoo lagu jaangoynayo xaaladda guud iyo mid gaar ahba,ka dib la tashiga isimmadda reer puntland.

 

Arimaha Bulshadda.

Waxaan dadaalkayga saarayaa in muwaadiniinta reer puntland ay dalkooda ka helaan dhamaanba adeegyadda asaasiga u ah nolosha,sida waxbarasho heerkeedu sareeyo,Dhakhaatiir iyo dawooyin tayo leh oo lagaga tanaasulo dalalka dibadda.

 

Dhaqaalaha.

Abuuritaanka ilo dhaqaale oo madax banaan iyo suug ganacsi oo xor,tayaynta wax soo saarka,daryeelka xoolaha iyo maydiga ,dhiirigelinta maalgashiga iyo abuuritaanka fursado shaqo,si muwaadiniintu ay u helaan dhamaanba xuquuqdooda daryeel dhinac walba.

 

Nabad gelyadda.

Sideedaba maxaa keena nabad gelyo xumo?.

Waxaa keena cadaalad la'aan,iyo maarayn xumo ka dhalata maamulka iyo dadweynaha dhexdooda.Waxaan ku dadaali doonaa in qof waliba gobolkiisa,degmadiisa,tuuladiisa,amase degaankiisa uu ku helo xuquuqdiisa.

Tiirarka nabad gelyada sida Boliiska,Daraawiishta,iyo xabsiyadaba inaan tayeyno insha allah.

 

Xuduudaha D.G.Puntland.

Waxay ka mid yihiin nabad gelyadda waana muqadas in la sugaa.

Puntland waxay can ku tahay nabad gelyo jacayl,sidaa darted waxaan khilaafyadda ka jiraxuduudaha ku xalinanaynaa qaab nabad gelyo,hadda kuwa ciidamadoodu joogaan dhulka D.G.Puntlandna waxaan ku qancinaynaa inay kala noqdaan.iyadoo colaad iyo dagaal noqon doonno xalka ugu dambeeya insha allah.

Xiriirka Puntland iyo dawlada federaalka ah,waanu wanaajin doonaa,ilaa federaalku ka qaalib noqdo dawlad diidka,si buuxdana u hanto dhamaan dalka soomaaliyeed.iyadoo xaqiiqdu tahay daciifnimada federaalku waa mid saamayn weyn ku yeelanaysa D.G.Puntland iyo hadafkeenii ahaa Soomaali weyn.

 

2. MUDADDA MAAMULKA.

Sidaan ognahay waxaa si cad u qeexaya Axdiga puntland,taasi oo ah 3 sanadood,waxaa la kordhin karaa iyadoo ogolaansho laga helo kaliya parlamaanka,cidna iskama kordhisan karto,waana in la dhawraa sidaan aaminsanahay.

 

3.HOGAANKA IYO GOBOLADDA.

Waxay ahaandoonaan kuwo loo xullo dad karti iyo aqoon u leh xilka ay qabanayaan,oo aanay dib u dhicin yaad taqaan,ee ay noqoto maxaad taqaan,tiradana lagu soo koobo inyaroo tayo wanaagsan leh.

Maadaama aanu jirin hab xisbiyeed wax lagu soo doortaa ilaa hadda oo aynu hayno habkii doorashadda beelaha waa in laga foojignaadaa inaan gobolna gobol kale xaquuqdiisa dulmin ama damaaciyin taasoo haday dhacdo khatarteedda leh sidaa darted waa in cadaaladda loon sugaa.

 

Hadafkayaga ugu weyn waa Abuuritaanka hayad dastuuri ah oo kmadax banaan oo awood u leh sixitaanka iyo turxaan bixinta D.G.Puntland.

Waxaa kaloo noo qorshaysan Abuuritaanka Xafiiska xiriirka maamulka iyo isimadda D.G.Puntlan anagoo dhiiri gelinayna qorshihii uu ku dhawaaqay Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa Kulanka guud ee isiimadda Soomaaliweyn.

 

Walaalayaal kani waa warbixin hordhac ah,si faahfaahsan ayaan warbaahinta dalka iyo dibaddaba uga sheegi doonaa qorshayga musharaxnimo.

Hadaad kalsoonidiina I siisaan anigoo ilaahay weheshanaya waan fullin doonaa dhamaan ballan qaadyadaa,Puntlandna dad iyo dal ahaanba waxay ku talaabsan doontaa horumar taariikhda gasha laguna farxo

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Musharaxa doorashadda maamul goboleedka ountland

Mudane Abdirizaq Xirsi Samatar (CADAAWE)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

Duke, have read the state’s constitution? What are the criteria for becoming an official presidential candidate? Are we, Ngonge and I, qualified to run?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Anyone can run for Presidential office as lon as he gets the support of the people or the resps.

 

Yep I have not seen anything barring any Somali from Puntland's top job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this