Sign in to follow this  
Suldaanka

Jawaab: Al-itixaad oo Itoobiya shirka Kenya kaga adkaaday

Recommended Posts

http://www.burtinle.com/rayi/march/kulmiye15.html

 

?Somalida ayaa tiraa neef la gowracay geedkasta ku-rafay?. Waxaan filayaa cidkasta oo aqrisay magaalka aan kor ku xusay in garatay ujeeda aan ka leeyahay mahmaadaan. Waaxa maanta ayaan daraa in Mr. Jagane Dahir iyo ina adeerkiis Cabdullahi Yusuf ay maanta tabar iyo naf bideen in ay qofkasta ku eedeeyaan inuu yahay Muslim. Islaamnimadu ma wax lagu faanaa mise waa wax la dhaleeceeyo? 

 

 Intaasi waa iga horudhicii intaa soo socotana waa iga dulucdii jawaabta aan jecelahay in aan ugu nasteexeeyo ninka maqaalkaan soo qorey oo ah nin aan afka Somaliga wadaagno inkastoo tuhun ballarani iiga jiro inta uu iimaankiisu la eg yahay maadaama, ay cadaawadiisii qabiil dhaaftay oo uu hadda usoo jeestay inuu diintii muqadaska ahayd waxyeeleeyo dadkana ku ceebeeyo.

 

 Waaxaan tuhun iiga jirin in ninka sheegtay Dahir Jagane uu ka mid yahay xubnaha firi fircoon ee la taliya ninka ay dhalashada wadaagaan oo ah Col. Cabdullahi  Yusuf, isla markaana uu ka mid ka yahay raga u adeega cadowga ay Amxaaradu inoogu dhowdahay iyo inta ka siishishaysa.

 

Sanadkii 2003 dhamaadkiisa ayaa waxaa tababer loogu xiray wadanka Itoobiya, rag fara badan oo jinsiyad Somaliyeed haysta, badan kooduna yihiin Taageeroyaasha Cabdullahi Yusuf iyo inkale oo ay ugaysay dhuuni raacnimo, dareen diin iyo dadnimo la aaneed iyo hunguri ay kudheehantahay gaalo jecayl.

 

Tababar kaasi wuxuu ku saabsanayaa sidii maclluumaad looga soo uruurin lahaa xajmiga ay diinta Islamku ku leedahay Somaliya, culumadeeda, dugsi quraankeeda, madaaristooda, iyo sidii Xabashi loogu fududayn lahaa in ay Somaliya gacanta ku dhigta dheera ama ha dhawaatee, islamarkaana Col. Cabdullahi Yusuf looga dhigi lahaa maqaarsaar magac uyaal ah, maadaama uu yahay asaga iyo taageero yaashiisu rag kucaan baxay gumaadka iyo ciribtirka diinta islamka iyo astaamaheeda.  Arrintani maahayn oo kaliya mid ay Axmaaradu kaligeed fulinayso ee waa mid ay gadaal ka soo riixayaan quwado caadaystay la dagaalanka diinta islamka, isla markaana ay ku bixinayaan juhdi adag oo leh mid dhaqaale, militari, tababar dagaal, jaajuusnimo, argagixisnimo iyo qarbudaad kale oo noocyo kala duwan leh. 

 

Ujeeda uu shesheeyuhu iyo Cabdullahi Yufus iyo taageeroyaashiisu ubixinayaan intaas oo juhdi ahi waa in Somaliya laga nabaad guuriyaa lagulana diriro diinta Islamka. Cabdullahi Yusuf ayaa kal hore yiri anagu gabadh timo tidcan waan naqaan waana inoo caado iyo dhaqan laakiin gabadh asturin ama xijaabani waa dhaqan shisheeye iyo Carab inooga yimid.

 

Sababta ay Amxaarada iyo cadowga kale ee Muslimiinta, Carabta iyo inta dulmiga ka soo horjeedaa Cabdulllahi Yusuf iyo taageero yaashiisa ugu doorteen in ay dagaalka diinta horsed ugu noqdaan waa ayada oo uu Cabdullahi Yusuf ku caanbaxay isla markaana ku sifoobay, ladagaalanka diinta Islamka, caadadeeda, dhaqankeeda iyo ciribtirka astaameheeda gobolka uu Cabdullahi Yusuf xooga ku haysto ee bahda ********** .

Cabdullahi Yusuf wuxuu sheegay mar uu la hadlayay koox ka socota wardoonka reer galbeedka ?adinku hadda iyo wixii ka danbeeyay burburkii Itixaadka Soofiyeedka ayaad bilowdeen la dagaalanka diinta Islamka laakiin anigu waligay ayaan la dagaalamayay? arintaa oo aad u farax galisay qubaradii shisheeyahay, saaxiibtinimadoodiina sii wanaajisay, maadaama ay ka yara gaabsanayeen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen in uu ku kaalmeeyo ladagaalanka diinta Islamka maadaama uu yahay nin ay ku tuhmayaan in uu yahay Muslim.

 

Waxaa maanta la wada ogyahay in dhulka uu ka taliyo  Cabdullahi Yusuf, laga suuliyo culumada, luuqada Carabiga, Axaadiista, xoriyada fikriga ah, warbaahinta xortaa, schoolada khaaska looleeyayay (private schools), madaarasta iyo mawlacyada aan ahayn Timowaynta(Suufiyiinta). Run ahaantii dadka ku nool goboladaasi waxay ku jiraa cadaasi siyaasadeed, caburis diineed, cuno qabatayn dhaqaale, amar kutaaglayn ay masuul katahay jufada Cabdulllahi Yusuf iyo shaqsiyaad ay wadaagaan aragti iyo xulufaysi dhaqaale.

 

Waxay maalinkasta u roobtoontaan in rabi ka qaado culayska, dhibka, fisqiga, aafada uu Cabdullahi iyo taageeroyaashiisa sida Dahir Jagane, Omer Sheego, M.A. Gaas, Abdirizaq Dalmar iyo in badan oo kale ay isku culufaysteen.  Waxaa in badan oo ay ka mid yihiin qoraaga Jagane iyo inkale oo ay isku jufu ama aragtiyihiin isla markaana dacaayada ugu qaabishahan Cabdullahi Yusuf oo ay gadaal ka riixayso Amxaaro iyo qowmiyado ka sii xag jiraa ay dib udhac ku keentay dadkoodii una diideen in ay dhexgalaan bulshada inteedii kale, isla markaana ay colaad joogtaa dhexdhigeen mujtamaca Somaliyeed intiisa kale.

 

Midda kale waa wax lagu faano haddii Muslimiinta ay Cabdullahi iyo taageeroyaashiisu ay cadaawaysanayaan ay diintoodii ku dhagan yihiin ilaa iyo inta laga (oofsanayo) ama ay rabul cisa nafta ka qaadayo taasina waa waajibsaaran Muslimiinta khaaliska ah ee aaminsan geeri iyo nolol, ee aam aaminsanayn in Amxaaro iyo cidkale ay waxyeeli karto, wixii ku dhacaana ay yihiin qadar rabaani ah.

 

 Shirka Kenya maahan shir Amxaaro ee waa shir Somaliyeed, haddii Al-itixaad Amxaaro ka cayrisay waa wax lagu faano, laakiin waxaa shalayto utaal dadka Amxaaro INJIRAY MICIIN BIDAY. Waxaan kula talin lahaa Jagane iyo ina adeeerkiis Cabdullahi Yusuf iyo inta kale ee wali aaminsan in ay Amxaaro xukun siinayso in aysan aakhirona khaatumo seegin adduunkana ku idlaysan sharaf dhac, baroon diiq iyo hami raqiis ah.

 

Rag iska dhiga oo rag wax la qaybsada, oo hanoqonina dumar Asay loosaaray (grieving widows). Rag wax laqaybsada oo waligiin ha ku jirinina jaajuusnimo, gaalo raacnimo, diin ladagaalan, been abuur iyo culumada oo laga beensheego, xiliyadu waa isbadalaan, waqtiguna waa gurmaa, ummaduna waa horukacdaa. Taariikhda dib umilicsada, ayaamo wanaagsan ayaa idin soomary, ee maad ilaah ku mahdisaan, MIYAYDNAN AAMINSANAYN IN ABAARI DHACDO ROOBNA KA DANBEEYO, IYO IN CIRKU MAALINBA MEEL KA CURTO.

 

Miyaydanan caro Alle ka baqayn mise horey ayay idinkugu dhacday maa diinta iyo culumada idinku imtixaanay? Mashaydaan baa idiin been guuray, mise waad quusateen, mise aragtidiina iyo hungurigiina ayaa idin garqaada? 

 

Noloshu waa xaq, geeriduna waa xaq, dadka aad kuceebaynaysaan diinta ama aad magacyada ubixinaysaan sida Al-itixaad, Al-Islaax wixii Ilaah uqoray ayay aaminsan yihiin, haddii aad adinku Amxaaro gaashaan ka dhigateen.

Omar Kulmiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this