Sign in to follow this  
me

Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed.

Recommended Posts

me   

Muqdisho Caasimadda Qaranka Iyo Xudunta Ummadda Somaaliyeed.

Warkii 26-Dec-2006 iyo Qormadii: Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

 

Walaalayaasha Somaaliyeed oo xalaasha ah,damiirka,qiirada Iyo Wadaniyada Dal jaceylka leh Waxaan halkan uga soo gudbinaayaa Salaan Qaali ah iyo xurmo badan, qormadeeyda maanta ayaa Ku Sabsan ama ku Saleeysan aragtida aan ka qabo

 

 

 

Mmudh.jpg

 

 

Waraarkii garadadii Cadowgga Itoobiya ku soo Qaadaay Xaranta Dalkeena hooyo,Xudunta Ummadda iyo Qalbigeeyga qaaliga ah(Muqdisho)iyo duqeeynta Garoonka Caalamiga ah oo ka mid ah goobaha Halboowlaha ah. Walaalayaal Waxaa mid taariikhdu qori doonto,xusus dheern reebi doonta in Caasimadii Qarankeena eey Waraar ku soo Qaadeen oo Duqeeyeen Dayuuradaha

 

ncalank.jpg

 

Dagaalka ee Itoobiya,iyagoo ku socda Aamrka

Shakhsiyaad Somaaliyeed oo weliba Sheeganaayaa Madaxdda ugu Sarre ee Dowladda Somaaliyeed(Inkastoo aan aragti kalle ka leedahay Waxa ee Sheegtaan),Madaxweyne iyo Ra'iisal Wasaarre Dalkoodii,Dadkoodii iyo Caasimadii Qarankooda ku soo hogaamiyaan dayuurado duqeeya oo

Baabi,iya, waan arrin la yaabkeeda leh, naxdiinteeda,Dhaawaceeda Qarameed, Somaaliyeed iyo Diineedba leh, Waana Garasho Xumadda iyo Damiir la'aanta kuwaas Madax ku sheega(Khasaaraha ah).

 

 

Ac.JPG?0.5578805701105991

 

Xaqiiqadda dhabta ah ayaa cadaatay, waxaana soo baxay sidda eey u yihiin Khaayimiin waaweyn,Gumeeysi u adeegayaal iyo kuwo ama Kaba-qaadyadda Zinaawi iyo Rajiimkiisa keli -taliyaha ah ee Addis Fadhiya, weli ma dhici lamana sheegiin Masuul Qaran oo Dalkiisaiy

 

tarawe.jpg

 

Dadkiisa cadowgoodii u soo adeegsada, mana garan karaayo wax aan ku tilmaamo oo aan ahayn(Khaayino),Weerarkii Garoonka Muqdisho la la beegsay waxba ma yeeliin, awooda raxmaanka Ayaa ka weyn ama

 

 

 

 

 

 

 

 

Awood badan Codowga Itoobiya iyo kuwa u adeegaayaba,Dadka Muqdisho iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed waxaa ku waajibeey is difaaca oo Xaq ah, maadaama weerar cadaan ah lagu soo qaaday, lana gaareey Heer Caasimadii la duqeeyo Maanta, Jihaadku waa Xaq,Xaq iyo Xaq. Guubaabo - Dhageyso

 

 

 

 

 

Geesiga Madow Walaalayaal, Maanta Dagaalku wuxuu ka Socdaa oo Dhiigii Dadkeena lagu daadinaayaa Goobo badan oo Dalka gudihiisa, Waxaa Weeraro xoogan lagu hayaa Ummada dalkeedii ku sugan oo aan Cidna wax u geeysan, War ma Somaaliya ayaa Weerartay Itoobiya ama

 

Dowlado Kalle yey Dembi ka galaan, yey dhibaato u geeyteen, cidna Waa Dagaal Gardaro iyo Xadgudub ku saleeysan oo Quwado waaweyni ka Dameeyaan, Hadafkuna yahay la dagaalankan Shareecada Islaamka iyo In Somaaliya ama Somaalidu Hanato Hanaanka Dowladeed oo Cadaalad

 

 

Sheikh Hassan Dahir Aweys

 

 

Ku saleeysan, Karaamada, Xurmada iyo xaqa Ummadda soo Nooleeya, Bal eego Hadalada iyo ficilka Zanaawi iyo Raxanta u adeegta oo ku Sugan ama Fadhiidka ku ah Baydhaba, Somaaliyeey Guul ama Geerri ayaa xaalku maraayaa, Somaaliyeed Nolool Karaamo leh ama Dulinimo

Ayaa Xaalku Maraayaa, Somaaliyeed Qaran-nimo ama Gumeeysi Midkee Dooranaa ayaa Xaalku Maraayaa, Somaaliyeed Quursi iyo Xoriyad ayaa Xaalku Maraayaa, Aniga iyo in

 

Damiirka,Dadnimada, Dal Jaceylka iyo Qiiradda Wadaniyadeed leh Waxaanu leenahay-Karaamada, Qaranimada iyo Difaacada Diinta iyo Dalka Hooyo ayaanu Dooranay, Inta kalenaYeelkood, Weligiiba wuu jiray Daba-dhilif iyo Gumeeysi Kal-kaalle.Walaalayaal-Difaaca Dalka hooyo wuxuu u Baahan yahay arrimo Badan oo ahamiyadooda leh, diyaar garoow, niyad samid,Daacadnimo,

 

Midnimo Ummadeed,Qiiro Wadaniyadeed,Qanaacid Diineed iyo Tawakalka Raxmaanka, Qurba Jooga Somaaliyeed ee Sifooyinkaas yeelan karaa waa in uu Doorkiisa Gartaa, Gudaa Masuuliyadda Diineed, Qarameed oo Ka Saaran Dalkiisa Hooyo, Ka Qeyb galka Difaaca, Olollaha ama

Taakuleeynta Dhaqaalle, Abaabulidda Banaan baxyo waaweyn, Wacyi Gelinta Ummadeed iyo Xoojinta Isku Duudnidda Shacabka, Aniga iyo Inta Qalinkooda u Khadeeysaay Gudashada Waajibkooda ma daaleeyno Kana aamuseeyno Sheegidda Xaqiiqadda, Xaqa iyo Baraarujinta

rtyew.jpg

 

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Somaliya

 

 

Dadka Somaaliyeed, waana Masuuliyad Saaran muwaadin kasta oo Somaaliyeed

Gaar ahaan Qurba Jooga Wadanigga ah,Somaalinimadu Ma Dhimaneeyso, Dalkeenu Gumeeysi Gacanta uma gelaayo,Dadkeenuna Quursi iyo DuliniQaadan maayaan, Walee Qaadan Maayaan, Qaadan Maayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this