Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf flies back home after break - PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Yusuf Oo Si fiican Loogu Sagootiyay London Kuna soo Jeeda Dalka Somaliya Gaar ahaan Baydhaba “Carmooyin Exclusive”Daawo Sawirada.

 

Madaxweynaha Somalia Md C/llaahi Yusuf Axmed ayaa caawa ka dhoofey Goroonka Dayuuradaha ee Heathrow airport ee Magaalada London.

 

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu kulamo is daba joog ahi la lahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka ingiriiska iyo siyaasiyiin ajaanib ah oo ay ku jiraan wakiilada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka shisheeye u fadhiya dalka Ingiriiska.

 

Jaaliyada Somaliyeeed Ee Kudhaqan Wadanka U.K Gaar ahaan Magaalada London Aya sifican usii sagootiyay Madaxweyne Cabdilahi Yusuf Axmed isagoo jaaliyada Shirar kala Duwan Laqaatey.

 

Madaxweyne Cabdilahi Yusuf oo ku tagey dalka Ingriiska booqasho Caafimaadkiisa la xiriirta ayaa dadweynihii kusoo boqoday hotelka uu ka daganaa magaalada London oga wamay xaalada guud ahaan ee somalia isaga oo wajikiisa kamuuqatay farxad iyo Caafimad.

 

Magaalada baydhabo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyada ,waxaana madaxweynaha laga dareemayaa fir fircooni dheeraada,iyadoo caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsan yahay.

 

Maxamuud Maxamed Xasan Shire. London Boocame.com

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Yusuf oo ku sii jeeda Magaaladda Nairobi. Kadib markii uu ka soo dhoogay Caawa London.

Sh, M network 28 Dec 07, 14:26

 

Mogadishu 28, Dec. 07 ( Sh.M.Network)Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed oo Muddooyinkii ugu dambeeyay Hawlo Caafimaad u joogay Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa Caawa u soo ambabaxay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Madaxwayne Yusuf ayaa la filayaa in marka uu soo gaaro Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya inuu kulamo la qaato Wakiiladda Beesha Caalamka u jooga halkaasi. Wuxuuna dabeeta uga soo gudbi doonaa Kenya Magaaladda Baydhabo oo Xarun Ku Meel Gaar ah u ah Baarlamaanka Somalia, sida Shabelle ay u xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha. Halkaasoo la filayo in Toddobaadka soo socda looga dhawaaqo Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia oo laga sugayo inuu soo dhiso Ra’iisu Wasaare Nuur Cadde.

 

Madaxwayne Yusuf oo London u tagay Hawlo Caafimaad ayeey qaar ka mida Eheladiisa oo ku sugan London u sheegeen Shabelle inuu ka baxay Isbitaalka Toddobaadkii hore. Wuxuuna wixii waqtigaasi ka damebeeyay Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la lahaa Jaaliyadaha Soomaalidda ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska oo Madaxwaynaha ku soo booqanayay Hoteelkii uu ka daganaa London

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/Yusuf oo ka dhoofay London, UK

 

London, UK (Calanka.com) 28-Desember-2007

 

Madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa qadar daqiiqado ka hor ka dhoofay magaalada London oo uu u joogay safar xaga caafimaadka ah, waxaa uuna safarkiisa iminka ku wajahan yahay sida la sheegay dhinacaas iyo Somaliya.

 

Madaxweynaha ayaa transit ku ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo lagu wado in caawa ku baryo dabadeedna kaga dhoofo halkaa berito oo laga sugayo magaalada Baydhabo.

 

 

C/laahi Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada London horaantii bishan halkaasoo uu ku marayay baaritaan xaga caafimaadka ah oo uu sanad waliba usoo gaaro.

 

Wareysi uu saxaafadda siiyay madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu si toos u abaarayo magaalada Muqdisho oo iminka xarun u ah marka ey u dhamaadaan baaritaanada caafimaad ee uu u yimid Britain.

 

Maxamuud Maxamed Xasan Shire

London Uk

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

 

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

La Xiriir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

IMO(In my opinion): hij is een poeperd

 

teringlijer ik hoop dat hij een hartaanval krijgt en stikt met ongelooflijke pijn!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this