Sign in to follow this  
me

SSC elders speak out against the war in Xamar

Recommended Posts

me   

Baaq Ku Wajahan Dagaalada Iyo Xasuuqa Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Ay Soo Saareen Waxgaradka Beesh

Warkii 24-Apr-2007 iyo Qormadii: faytin

 

Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka, aqoonyahannada, Ganacsatada, Culimaa’udiinka iyo dhalinyarad beesha SSC ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa manta ka dhacay magalada Muqdisho.

 

Kulankaas oo lagu lafa guray xaladda dalka Soomaliya, gaar ahaan xiisadda coladeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib waxay xubnaha shirkasi yeeshay ay kulankooda ka soo saareen baaq ay kaga hadlayaan daagaallada iyo barakaca ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kulankaa ayaa waxay beeshu ku sheegtay ugu horreyn inay aad uga xun tahay xasuuqa iyo barakaca loo geysanayo dadka Muqdisho, waxayna tacsi u direen dhammaan ehelada dadkii ku geeriyooday xasuuqa iyo dagaallada Muqdisho, waxayna Ilaah uga baryeen kuwa dhaawaca ah in Alle uu bogsiiyo.

 

 

 

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay Xuseen Axmed Xuseen (Fanax) oo ka mid ah odayaasha beesha SSC ee shirkaas ka qeyb gashay wuxuuna sheegay in ay beeshu weligeedba masiirkeeda ummadeed iyo siyaasadeedba ay halgamo dhaadheer u soo martay xoriyadda ummadda Soomaliyeed isagoo tusaale ahaan u soo qaatay halgankii Daraawiishta ee 21-ka sano socday.

 

 

 

Sidoo kale Xuseen Fanax ayaa xusay in halganka Daraawiisheed ee beesha SSC ay ahayd mid tariikhiyan oo lama iloobaan ah, isla markaana carabka ku dhuftay in magaaladii ugu horreysay ee Afrika oo diyaarad lagu duqeeyo ay ahayd magaalada qadiimka ah ee Taleex.

 

 

 

Waxa kale oo odayaashii kulankaa ka hadlay ka mid ah Axmed Naasir Bidde oo isna sheegay in beeshu ka xun tahay xasuuqa ka soconaya magaalada Muqdisho ee ay geysanayaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ciidamadaasi shuruud la’aan dalka Soomaaliya isaga baxaan, isagoo xusay in loo madax banneeyo ummadda Soomaaliyeed inay aayahooda iyaga ka tashadan.

 

 

 

Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxay odayashaasi kulankooda ka soo saareen bayaankan:-

 

 

 

1. In xabbada si degdeg ah loo joojiyo.

 

2. In Ciidamada Itoobiya dalka si shuruud la’aan ah uga baxan.

 

3. In ummadda Soomaaliyeed arrimaheeda loo madax banneeyo, lagana daayo faragelinta, si ay masiirkooda siyaasadeed uga tashadaan.

 

4. In gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadkii ka barakacay Muqdisho, waxayna si gaar ah ugu baaqeen hay’adaha samafalka, ganacsatada, jaaliyadaha dibadda iyo dadka kale ee waxtari kara dadkaas barakacay inay gargaar dhinacyo kala duwan leh la soo gaaraan.

 

 

 

Bayaankan waxaa ku saxiixnaa xubnaha kala ah:-

 

 

 

1. Xuseen Axmed Xuseen (Fanax)

 

2. Axmed-naasir Bidde

 

3. Yuusuf Cumar Geelle

 

4. Jaamac Maxamuud Maxamed

 

5. Cali Xasan C/lle (Boobe)

 

6. Jaamac Suudi Farax

 

Iyo xubno kale oo fara badan.

 

 

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)

 

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this