Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Former somaliland Sports minister sh Attam is not a terrorist but faroole is

Recommended Posts

Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Difaacay Dagaalka Uu Atam Kula Jiro Puntland, Sheegayna In Aanu Argagixiso Ahayn

 

“Faroole Qorshihiisu Waa In Uu Isir Tiro Beesha Sanaag Bari” Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid

 

Hargeysa, November 10, 2010 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed ayaa difaacay Maxamed Siciid Atam oo dagaal kula jira maamul goboleedka Puntland, kaas oo tilmaamay in dagaalka uu wadaadka Atom uu kula jiro Puntland uu yahay mid xaq ah.

 

Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari.

 

Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv.

 

Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).”

 

“Shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba waxaanu u sheegayaa in aanu ninkaasi ahayn Argagixiso, waa nin u dagaalamaya xoriyada dadkiisa, waxa la Kufsaday hablahoodii, waxaanu xaq u leeyahay inuu la dagaalamo maamul goboleedkaas raba inuu cidhib tiro ummada ku dhaqan deegaanka Sanaag Bari”.

 

Hadalkan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee ciyaaraha ee uu ku sheegay in ninkaasi aanu ahayn Argagixiso, balse lagu soo duulay dhulkiisii oo uu isdifaacayo ayaa ku soo beegmay hadal uu habeen hore Wasiiyey Wargeyska Haatuf wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan, kaas oo sheegay inay wadaadka Atom ay u aqoonsan yihiin Argagixiso, isla markaana ay la dagaalamayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari.

 

Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv.

 

Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).”

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Dee waa sax, Xaaji. Wasiir walba mid ay isku qiyaas yiheen ayaa ka jawaabaya. PL's current wasiir of Xanaanada Xoolaha must listen to the wise words of our former sports minister. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

Dee waa sax, Xaaji. Wasiir walba mid ay isku qiyaas yiheen ayaa ka jawaabaya. PL's current wasiir of Xanaanada Xoolaha must listen to the wise words of our former sports minister.
:D

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

 

“ waxa la Kufsaday hablahoodii, waxaanu xaq u leeyahay inuu la dagaalamo maamul goboleedkaas raba inuu cidhib tiro ummada ku dhaqan deegaanka Sanaag Bari”.

 

Hoga he shouldn't have mention that at all !!! :D ceeb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa 10, November 2010 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland mr. Maxamuud Siciid Maxamed, haatana ka tirsan guddiga siyaasadda ee xisbiga UDUB, ayaa baaq u jeediyay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa.

 

 

Mr. Maxamuud Siciid oo u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu si wayn u difaacay nin lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam oo lagu daray liiska shaqsiyaadka ay indhaha ku hayaan golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland ee Xukuumaddii dhowaan xilka wareejisay, waxa uu sheegay in ninkaas oo muddooyinkii u dambeeyay maleeshiyo uu hogaamiyo Puntland dagaal kula jirtay uu yahay mid aan dambi lahayn, isla markaana Puntland kula dagaalamayso difaaca khayraadka degaankiisa. “Ilaa muddadii maamulku isbedelay ee dawladii UDUB ay xilka wareejisay ee ay ku wareejisay dawlada KULMIYE, dagaalo ayaa ka socday bariga Sanaag, dagaaladaa waxa ka waday oo si gaar ah u waday maamulka Puntland ee uu madaxda ka yahay Faroole. Marmarsiiyaha koowaad ee ay dagaalkaa ku soo galeen wuxuu ahaa, ‘waxaanu la dagaalamaynaa Argagixiso, gaar ahaan nin la yidhaahdo Maxamed Siciid Atam oo ka soo jeeda tuulada la yidhaahdo Galgala oo iyadu maamul ahaan ka tirsan Puntland, balse ku taalla Somaliland ee buuralayda ah ee bariga Sanaag ee degmada Dhahar, xadka Somaliland-na uu laba kiilo mitir oo dusheeda ah saaran. Ninkaa Maxamed Siciid Atam oo ah nin ka soo jeeda bariga Sanaag, wuxuu ahaa inan yar oo ah wadaadadii barigii hore la odhan jiray Itixaadka, inankaasi wuxuu ahaa nin caadiya oo deegaankaa ka tirsan oo jooga buurtaa Galgala. Nasiib-darro inankaa waxa falaagada ka dhigay waxa weeye maamulkaa Puntland, ka dib markii ay xadhig, dhibaato iyo cadaadis faraha badan u gaysteen oo ay Argagixiso ku tilmaameen. Laakiin, dadkii deegaankaa degaanaa oo uu hayb ahaan iyo dhalasho ahaa ka soo jeeday, dadkaas waa la dhibaateeyay, dhulkoodii waa laga qixiyay, waa la laayay, waa la kufsaday dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadaminimada ka baxsan baa lagu sameeyay. Haddii ay xadka Puntland ku ekaan lahaayeen dhibaato kumay noqoteen, laakiin waxay ka dagaalamayeen saddexdii bilood ee u dambaysay dhinaca buuraha ilaa meesha Karin-Xa******e meesha la yidhaahdo Madarshoon iyo buuraha Calmadow ilaa meel Laasqoray dusheeda ah ayey soo gaadheen (ciidanka Puntland), dhulkaasina ilaa 68 km oo ka mid ahi waa gudaha Somaliland. Atam iyo dadkii ay lahaayeen waanu la dagaalamaynaa Galgala ayey ku soo weerareen, Galagala way uga baxeen buuraha ayey soo galeen, buurihii ayey kaga daba yimaadeen 68 km oo gudaheena ayaa waxay ka dagaalamayeen muddo saddex bilood, dadkii dhibaatooyin badan ayey u gaysteen, sidii afkiisa ka qiranayey ninka la yidhaahdo Faroole ee uu lahaa sagaashan ayaanu dilay,” ayuu yidhi. “Ilaa maantadaa aynu joogmo, Atam wuxuu fadhiyaa oo joogaa buurtii Calmadow oo meeshii ay lahaayeen waanu ka saarnay ayuu joogaa, waxaa lagu sheegayna waxa kama jiraan, dhamaan iyaguna way ka soo huleeleen. Maamulkaa Puntland u kala dambeeyey oo Faroole uu yahay kii ugu xumaa ee ina soo mara, dadkaa dhibaatooyin aad u badan ayaa loo gaystay, dhacbaa loo gaystay, kufsi baa loo gaystay, barakicin baa loo gaystay, beerahoodii oo la gubay ayaa loo gaystay, marmarsiiyaha loo soo marmarsiiyooday oo ah argagixiso la dagaalan waxba kama jiraan, laakiin u jeedada rasmiga ee loo socdaa waxa weeye dhulkaasi waa dhul Illaahay ku manaystay khayraad badan, khayraadkaa waxa mar walba ka hortaagnaa Puntland waxay ahaayeen dhalinyarada deegaanka u dhashay, Atam-na wuxuu ka mid ahaa dadkii deegaankaa difaacayay, sidaa ayuu ku soo caan baxay oo dadkana kalsooni kaga helay, wax argagiso ah ama dhibaato ah oo uu maanta ku joogaana ma jirto, adduunkana waxay u sheegaan argagixiso ayaanu la dagaalamaynaa. Ninkaa Atam la yidhaahdo muuqaalkiisu waa inan yar oo gaaban oo miskiin ah oo Madaafiic, Taangiyo iyo qalab qarxa oo waawayn mid aanu jirin. Runtii beeshu uma hiilin, Somaliland-na gurmad uma samayn, cid kalena uma samayn, arrintaasi waxay sababtay in dadkii deegaanka u dhashay ay noqdaan wax la laayay, wax barakacay, wax la kufsaday dhamaantood iyagoo qaxoontiya ayey dadkaasi waxay joogaan degmada Dhahar. Maanta waxaa nasiib darro wayn ah, iyadoo intaasoo dhibaato ah uu dadkaa u gaystay inuu haddana farogalin toos ku soo sameeyo Somaliland oo u ogolaatay in gudaheeda saddex bilood ka dagaalamo oo aan maalin keliya laga hadlin,” ayuu raaciyay.

 

Maxamuud Siciid Maxamed, waxa uu sheegay in dhibaatooyin uu xusay inay ka taagan yihiin bariga gobolka Sanaag ay sabab u tahay Xukuumadda Somaliland oo uu sheegay in aanay saamigoodii siinin bulshada degaankaas. “Anaga xisbigayagii UDUB maamulkaa lagala wareegay, waxaanu is nidhi nimankaa curdinka ah ee dawlada cusub ah 100 maalmood ayey qabsadeene 100-kaa maalmood afkiina ka xidha ummadu ha aragtee, hase yeeshee waxa nasiib-darro in maanta ay marayaan inay saraakiishii bariga Sanaag u dhashay inay leeyihiin waa argagixiso oo magacdoodii soo sheegayaan, raggaa argagixisada lagu sheegayaa waa raggii Somaliland u dagaalamayey, ilaalinaayey midnimada Somaliland ee gaadhsiiyay dhulkii xadkeena ahaa ee Somaliland ka taliso. Waxa kale oo aan xusayaa, dhibaatooyinka maanta dhacaya sababta ugu wayni inay tahay dawladan Somaliland ee uu maanta madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo gabi ahaan way ka saartay meesha beesha bariga Sanaag, cid uga wakiil ah oo dawlada kaga jirtaana ma jirto hadda tahay golaha wasiirada, hadday tahay qaybaha kale ee balaadhan ee ay dawladnimadu leedahay, hadday tahay dhinac ciidamada, haba yaraatee waxay kaga soo dareen ma jirto, taasi oo muujinaysa in halkaa lagaga maarmay midnimadii Somaliland. Dhinaca kale markaad eegto Sool habka ay wax u socdaan waxaan u arkaa inay tahay hab ah qawda maqashii, waxna ha u qaban…Nin dalkaagii badh ku doodaya oo isagu googoyanaya oo dadkii qixinaya ee dadkii kufsanaya illaahay masuuliyadooda dusha kaa saaray, marka aad u hiilin waydo ee aad ka celin waydo, waliba inuu deegaanka saraakiishii joogtay yidhaahdo waa budhcad oo dawladiina ay ka aamusan tahay, markaa dawlada ayaa la qabta ayay ka dhigan tahay,” ayuu yidhi.

 

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu naqdiyay xidhiidh ay labadoodu qireen oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland.”Waxa iswaydiin leh Cadami ma wuxuu shaqeeyaa Somaliland mise Puntland? goorma ayey isaga iyo Cabdiraxmaan Faroole saaxiib noqon karaan, Soomaaliya waa la soo wada maray Xamar waa la isku yaqaanay dadku waa kala dan, kii shalay aanu Xamar saaxiibka ku ahayn maanta laba dawladood ayaanu kala nahay, markaa dawlada Somaliland la bililiqaysanayo ee la dhibaataynayo ee dadkeediina argagixiso lagu sheegayo, marka uu ka hadli waa nasiib darro waanan ka xumahay, sidaana kamaan filayn, waxa ku kalifayna isaga ayaa sheegi doona,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, in dawladda Somaliland bulshada degaanka bariga Sanaag baylihisay, isla markaana Puntland fursad loo siiyay in siday ay doonto ula dhaqanto, wuxuuna ka waramay xadgudubyo uu sheegay in ciidanka maamu-gobolleedkaasi u gaysteen bulshada degaankiisa.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu shaqsiyan kulmin doono dawladda Itoobiya iyo kuwa kale ee sida uu xusay beenta looga sheegay Sheekh Atam oo uu xusay in aanu Argagixiso ahayn. ”Xataa hadday maalin keliya yidhaahdaan dadkaa dhibta halaga daayo wax wayn ayay noo qaban lahayd, laakiin waxay leeyihiin Puntland anaga isku mid baanu nahay, waanu wada shaqaynaa. Waxaan ugu baaqayaa dawladaha aanu saaxiibka nahay ee Itoobiya ugu horeyso yaan la idin marin-habaabin, buurahaa iyo deegaanka la leeyahay Argagixiso ayaa laga baadhayaa, argagixiso kuma noola, waxaanu diyaar u nahay dawlada Itoobiya iyo dawladaha aanu saaxiibka nahayba aniga Maxamed Siciid ah shaqsiyan Atam ninka la yidhaahdaa inaanu waxba wadin, inuu miskiin yahay inuu buurihiisaa ku jiro, in waxa uu difaacayaa yahay deegaankiisa, taasna anigaa caddaynaya, anigaana la kulminaya dawlada Itoobiya oo diyaar ula ah,” ayuu raaciyay.

 

Ugu dambayn, waxa uu baaq u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidhi; “Dawlada Somaliland waxaan ugu baaqayaa oo uu ugu horeeyo madaxweyne Siilaanyo, Cigaal ka dib Somaliland maanta odayga ugu wayn baa tahay, waxaanan kuu soo jeedinayaa shacabkaasi waxay ka mid yihiin shacabka aad madaxda u tahay, haddaad ugu cadhaysan tahay cod kuma siin, ninkii cod ku siiyey iyo kii kaleba maanta madaxweyne ayaad u wada tahay. UDUB bay ahaayeen dadkaasi waanay aaminsanaayeen, laakiin maanta adiga ayuu Illaahay madaxweyne kaaga dhigay oo xilbaa kaa saaran, xilkaaga ka qaado, taariikh xumo yaanay kuu galin, iyagu diyaar bay kuu yihiin inay kula shaqeeyaan, anaguna waanu kuugu dhaaranaynaa wallaahi adigaa dalka madaxweyne u ah ee wax ka qabo.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

somaliland should help beesha sanaag bari, as faroole is clearly robbing this community of their resources, we know the rest of pirate estate is a dessert and he is desparate to get his hands on the regions resources.

 

this is big break through just like there was big break through in sool few years back.

 

somaliland must mobalise beesha sanaag bari and built their millitary capabilities so they can defend themselves against pirate enclave.

 

the ministere of defense who hails from the region must start building the defence mechanism in badhan and dhahar.

 

there is advance talk at the moment and this is just the begining.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is that why they're screaming "Somaliland baa Atam caawinaysa"?? ,,,,

 

U think they've just realized dhiiqaday dhex galeen ?? :D

 

 

(I'm not saying anything yaa ?? ,, just asking) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this