Sign in to follow this  
General Duke

Progress peace in Puntland State of Somalia

Recommended Posts

Dalxiisayaashii ajnabiga ahaa ee ugu horeeyay ee yimaada Boosaaso inta la ogsoonyahay.

By Garoowe,Puntlandpost Posted to the web 23-09-2003, 21:41:58

 

Boosaaso,Puntlandpost:-Koox dalxiisayaal ah oo ka kooban shan ruux ayaa shalay ka soodegay Garoonaka Diyaaradaha ee Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso.

 

Dal-xiisayaashaan oo u dhashay dalka Swedan ayaa waxaa garoonaka duyuuradaha ku soo dhaweeyay C/raxmaan Budul oo isagu ah nin reer Puntland ah balse haysta dhalasho Swedish ah, madaxna u ah urur samafal oo ka diiwaan gashan dalka Swedan lana yiraahdo Sofiha.

 

kooxdaan oo ah dal-xiisayaashii ugu horeeyay ee soo booqda magaalada Boosaaso inta la ogyahay ayaa lagu dejiyay hotel International Village oo ah hotel cusub oo dhawaan laga furay duleedka magaalada Boosaaso.

 

Imaanshaha dal-xiisayaashaan ayaa waxaa keenay xaaladda nabad-gelyo ee ILLAAHAY ku manaystay deegaanada Puntland iyo weliba horumarka ay gaareen ee dhinacwalba saamaynaya, waxaana la filayaa in ay imaanshaha xubnahani ay soo jiidasho u noqoto tiro intaas ka badan oo dalx-xiisayaal ah, sida uu saxaafadda u sheegay Md.Budul .

 

Abuu-Aasiya,puntlandpost.

Puntland,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fishing Boats Factory Established in Bosaso , Somalia

- Sunday, September 14, 2003 at 11:02

 

Bosaso (AllPuntland) – A local factory in Bosaso, the commercial city of the Puntland state of Somalia for the first time lined up a set of new fishing boats manufactured at a local factory which makes fishing boats, small and large sized this week. The factory owned by Somali entrepreneurs is seen as a step forward that will boost the vibrant local economy.

 

 

 

One of our local reporters who visited the establishment spotted a line of newly finished and polished boats lined up outside the factory premises for public display, and hordes of potential customers in observation of the style and inspection of the quality of the boats.

 

 

 

This being the first factory of its kind in the country is said to have the capacity to make over a dozen small boats and a least four large ones every month. “Remarkable and beautiful indeed. I never thought it would live the day when I would walk into a factory here and order a boat made in Somalia, by Somalis” commented an elderly customers onsite who expressed an interest in placing an order for a purchase.

 

 

 

Puntland strategically situated at the far eastern corner of Somalia enjoys the coastal span, girth of the Indian Ocean waters, and the conveniently accessible Red Sea which serves as a gateway to the Arabian Peninsula from where a large portion of trade comes - essential to the local economy.

 

 

 

“Traditionally we used to purchase boats of any kind from overseas, but now all we have to do is to pay a visit to the factory, provide desired specifications, place the order and get the boat of your choice. And on top of that you save quite a bit of money in taxes, shipment, foreign exchange, travel and other business expenditure. More importantly, the money circulates in the local market, and does not leave the country” explained a local businessman who mentioned that he would be ordering a luxury boat for trips especially in the hot summers.

 

 

 

The establishment of small factories meeting the needs of the Bosaso’s sprawling population ranging from water refineries, soft drinks, clothing and fabrics, meat and vegetable processing to name a few has become a new phenomenon in this part of the country.

 

 

 

One observes the logo signature “Made in Bosaso” stamped on the flanks of the boats which strikes quite a feeling to the locals in Puntland, Bosaso in particular.

 

 

 

 

Fishing Boats Factory Established in Bosaso , Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay'adda Norweyjiyaanka ah ee NPA oo ceelal biyo macaan ah ka baadhaysa deegaannada Sool, iyo hawd:-, Monday, Sept 22, 2003

Laascaanood,(Somalicity):-Hay'adda samafalka ah ee dalka Norwey ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (NPA) ayaa shaaca ka qaaday inay haadatan ku hawlantahay baadhitaan ay ku raadinayso ceelal biyo macaan oo cabbitaanka ku haboon, arrintaas oo ay hadda wadaan Injineero ku xeeldheer raadinta biyaha,

 

waxayna intaasi ku dareen inay goobo badan oo ka tirsan Buuhoodle iyo Laascaanood ay baadhitaan ku soo sameeyeen ,rajo fiicanna ka qabaan inay dhawaan ku guulaystaan.

 

Waxa kale oo ay sheegtay hay'adda NPA inay keentay qalab casri ah oo lagu horu marinaya qalabka qallitaanka ee Cusbataalka, Qalabkan ayey hay'adu ugu deeqday Cisbitaalka guud magaallada Laascaanood, laguna qalabayn doono qol dhawaan loo dhisay in lagu sameeyo qalitaanka deg dega ah, waxayna sheegtay hay'addu in uu qolkaasi dhawaan hawl gelidoono.

 

Hay'adda NPA ayaa iyaddu ah hay'adda kaliya ee ka hawl gasha Gobollada Sool iyo Cayn, hasa yeeshee waxqabad la taaban karo kama aysan muujin deegaanka, oo ay ka hawlgalaysay muddo aad u dheer, waxaana lagu qiyaasaa sannad walba inay gobolladan ka fuliso mashaariic lagu qiyaasay malaayiin doollar.

 

Assad Caddaani (Somalicity), Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koox Dalxiisayaal ah oo shalay Boosaaso soo gaaray

- Wednesday, September 24, 2003 at 06:56

 

Bosaaso, (MOL) - Waxaa shalay markii u horaysay soo gaaray magaalada boosaaso dalxiisayaal reer Sweden ah oo ka koobnaa shan qof oo ka socday xarumo dalxiis oo ku yaal dalkaasi, waxyna ku soo degeen huteelka ugu bilicda wacan magaalada boosaaso international village oo ku yaal meel wax yar ka baxsan magaalada.

 

Waxaa kooxdaasi dalxiisayaasha ah kaga hortegay garoonka diyaardaha boosaaso C/raxmaan budul oo ah agaasimaha hay'ada Sofiha oo ah NGO sweden ah oo inta badan u ololeeya arimaha nabada.

 

Kooxdaasi dalxiisayaasha ah ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee uyimaada dalka soomaaliya arimo la xiriira dalxiis intii ay dhacday dawladii kali taliska ahayd ee Siyaad Barre waxayna shegeen inay imaan doonaan degaanka puntland dalxiisayaal kala jinsiyado ah asbuucyadaan soo socda madaama ay ku caanbaxeen dal nabad ah.

 

Aagaasimha haya'da Sofiha Mr Budul ayaa isina sheegay in imaatinka ragaani ay ka danbaysey war bixino ay siisay haya'adu wadanka ay dadkaasi ka yimadeen una sheegeen in dalkaani yahay nabad, waxuu kaloo sheegay in ay hada qoraalo badan oo ka hadlaya nabada goboladaan Puntland u dirtay haya'adiisu meelo badan oo caalamka ah. waxuu intaasi ku daray in waftigaan dalxiisayaasha ah ay mari doonan meelo badan oo dalka ah arinkaan imaatinka dalxiisayaasha ayaa waa cusub u ah dadka reer punland madaama nabadii ay u guntadeen inta badan ay maantay noqoto meel loo soo hirto, waxaa kaloo iyana jira wafuud la filaayo in ay soo garaan asbuucaan boosaaso kana kala socda dalalka reer yurub iyo Ameerika. Waftiga dalxiisayaasha ayaa iminka waxuu ku nasanayaa Huteelka quruxda badan ee international village oo ah goob ay u soo hiloobayaan dadka u dhashay degaandaan iyo ajanabiguba wax weyna ka geysan doona soo jeedashada dad dalxiisayaal badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qiimaha Isgaadhsiinta ee Magaalada Laascaanood oo Markale aad hoos ugu dhacay , Friday, Sept 19, 2003

Laascaanood, (Somalicity):-Magaalada Laascaanood ayaa waxa haatan aad ugu soo badanaya adeegsiga qalabka internetka , kadib markii laga furay goobo badan oo laga dheegto ama laga isticmaalo internetka ,ee loo yaqaano internet cafe.

 

Waxaadna arkaysaa dadweynaha magaalada gaar ahaan dhalinyarada oo aad u adeegsanay internetka , isaga oo u fududeeyey sidii ay ula xidhiidhilahaayeen eheladooda daafaha aduunka ku kala nool, waxa kale oo qayb weyn ka qaatay qiimaha internetka Laascaanood oo aad u jaban marka loo eego Gobolada kale ee Soomaaliya, saacadiin waxaa lagu kireeyaa hal doolar.

 

Waxaana arrintan aad u hir gelisay in ay dadku ku soo jabaan adeegsiga qalabka internetka tartanka u dhexeeya shirkadaha isgaadhsiinta ee Gobolka oo gaadhaya afar shirka dood, tartakan shirkadaha ayaa waxa kale oo ka dhashay in uu jabo telefoonada dibada lagula xidhiidho oo haatan gaadhay daqiiqadii 0.50$ oo u dhiganta toban kun oo sh.s ah.

 

Waxa kale oo qiimahoodu hoos u dhacay gelinta telefoonada guryaha oo markii hore lagu gelin jirayy 50$, oo hada maraya in ay lacag la'aan guryaha ku geliyaan shirkaduhu(bilaash) , bishiina kiro ahaan 5$, markii horena waxay kiradu ahaan jirtay bishii 10$.

Assad Caddaani (Somalicity), Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay'adda Norweyjiyaanka ah ee NPA oo ceelal biyo macaan ah ka baadhaysa deegaannada Sool, iyo Cayn :-, Monday, Sept 22, 2003

Laascaanood,(Somalicity):-Hay'adda samafalka ah ee dalka Norwey ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (NPA) ayaa shaaca ka qaaday inay haadatan ku hawlantahay baadhitaan ay ku raadinayso ceelal biyo macaan oo cabbitaanka ku haboon, arrintaas oo ay hadda wadaan Injineero ku xeeldheer raadinta biyaha,

 

waxayna intaasi ku dareen inay goobo badan oo ka tirsan Buuhoodle iyo Laascaanood ay baadhitaan ku soo sameeyeen ,rajo fiicanna ka qabaan inay dhawaan ku guulaystaan.

 

Waxa kale oo ay sheegtay hay'adda NPA inay keentay qalab casri ah oo lagu horu marinaya qalabka qallitaanka ee Cusbataalka, Qalabkan ayey hay'adu ugu deeqday Cisbitaalka guud magaallada Laascaanood, laguna qalabayn doono qol dhawaan loo dhisay in lagu sameeyo qalitaanka deg dega ah, waxayna sheegtay hay'addu in uu qolkaasi dhawaan hawl gelidoono.

 

Hay'adda NPA ayaa iyaddu ah hay'adda kaliya ee ka hawl gasha Gobollada Sool iyo Cayn, hasa yeeshee waxqabad la taaban karo kama aysan muujin deegaanka, oo ay ka hawlgalaysay muddo aad u dheer, waxaana lagu qiyaasaa sannad walba inay gobolladan ka fuliso mashaariic lagu qiyaasay malaayiin doollar.

 

Assad Caddaani (Somalicity), Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this