Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Laamaha Amniga oo Ka Shiray Dhacdadii Lagu Weeraray Cayaartoyda Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida Amniga Xulalka ka qeybgalaya Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida Amniga Caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

Kulanka su’aalo weydiinta saraakiisha ayaa waxa intiisa badan diiradda lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa badqabka ciyaartooyda ka qeybgalaysa tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana arrintaan ay dabasocotaa kadib markii ciyaartooyda iyo macalimiinta Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeen in ay isaga harayaan tartanka ka socda Muqdisho.

Kooxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weerarka lagu qaaday gaariga ay la socdeen waxa uu noqonayaa markii labaad, iyadoo sidaan oo kale sanadkii 2020 lagu qaaday weerar taas oo keentay caro ay muujiyaan maamulka iyo kooxda, waxaana wasaaradda ciyaaraha lagu dhaliilay in ay ka gaabisay doorkii ay ku laheyd amniga iyo badqabka ciyaartoyda baxaya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this