Sign in to follow this  
Muruqmaal

Puntland oo heshiis la saxiixday mid kamid ah shirkado Australian ah

Recommended Posts

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland oo heshiis la saxiixday mid kamid ah shirkado ay Puntland qorshaysay inay heshiisyo kusaabsan khayraadka dalka la saxiixato.

- Wednesday, August 31, 2005 at 08:52

 

Dubai(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maalintii Isniinta ahayd dalka ka dhoofay una socdaalay magaalada Dubai ee dalka Emaaraadka Carabta ayaa xalay hoosta ka xariiqay mid kamid ah heshiisyo uu doonayay inuu lasoo saxiixdo shirkado ajnabi ah oo ka qayb qaata soo saaridda khayraadka dalka Puntland.

 

Shirkad laga leeyahay dalka Australia , laguna magacaao Consort ayaa heshiis la gashay masuulka ugu sareeya Puntland oo ah madaxwayne Cadde Muuse.

 

Saxiixa heshiiskaasi waxaa goob joog ka ahaa ganacsato caan ah oo ka kala yimid gobollada dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Wafdiga madaxwaynaha Puntland ku weheliyay safarkiisa isla markaana heshiiska wax ka saxiixay waxaa kamid ah wasiirka maaliyadda dawlad goboleedka Puntland Dr: Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

 

Madaxwaynaha Puntland Md: Cadde Muuse ayaa xafladdii heshiiska lagu kala saxiixday ka sheegay in shacabka Puntland ay yihiin kuwo xog ogaal u ah hawlaha heshiiskan ,ee kusaabsan baaridda khayraadka dalka ku jira , waxayna dadku raali ka yihiin in dalku uu noqdo dal ka faa'iidaysta khayraadka ku jira.

 

Masuuuliyiintii u hadashay shirkadda Australianka ah ee heshiiska la saxiixatay Puntland waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay hawlaha ay qabanayaan ay si hufan u qabtaan , ayna aad ugu farax san yihiin inay heshiis la galaan Puntland.

 

Heshiiskan ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaabanayaa todobaad yada soo socda ayadoo shirkadduna ay kusoo diyaar garoobayso una soo guurayso gudaha Puntland.

 

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib mar uu hadal arintaasi looga soo hor jeedo sheegay raysulwasaraha Soomaaliya Prof; Geeddi oo sheegay inuusan ogolayn inuu dhoco heshiis shirkad lala galo , heshiiskaasi oo aysan war u ahayn DFKGS.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this