Sign in to follow this  
Gabbal

Fighting in Kalabayr, Hiiraan: Pro-Ethiopian forces vs. Somali patriots.

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaal ka dhacay deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

 

(Mogadishu, January 24 , 2008 Hornafrik Media)

 

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaankooda Somalia ayaa ka dhacay saaka inta u dhexaysa buundada Jiracle iyo isgoyska Kala bayrka oo 30 KM dhanka waqooyi-galbeed ka xiga Magaalada B/wayne.

 

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay guud ahaan saaka Magaalada B/wayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada itoobiya ay saaka weerar ku qaadeen deegaanka kalabayr oo haatan fariisin ay ka dhigteen ciidamo itoobiyaan ah.

 

Lama soo sheegin qasaaraha soo kala gaaray labadda dhinac,balse warar ku dhaw dhaw dagaalka ayaa sheegaya in qasaare uu kala gaaray dhinacayda dagaalamay.

 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Yusuf Dabadeed ayaa sheegay in kooxihii soo weeraray saaka ciidamada itoobiya iyo kuwa maamulka ay iska difaaceen waxaana la xaqiijiyay in ciidamada itoobiya ay hub culus ku garaaceen buuraha jiirta qabno iyo goobo kale oo ku xeeran,iyadoo la soo sheegayo in qasaare uu soo gaaray dad reer guura ah.

 

waa markii ugu horeysay oo kooxaha hubeysan ay weerar ku qaadaan maalin cad ciidamada itoobiya ee saldhigyada ku leh qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

 

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay in kooxda Al shabaab ay sheegteen in dhaqdhaqaaqyo milatari ay ka wadaan deegaano katirsan gobolada Hiiraan iyo G/gaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this