Sign in to follow this  
Xudeedi

Garowe Prosecutes Clan Troops after Refusal to Partake in Galgala War

Recommended Posts

Xudeedi   

Ciidamo maamulka Puntland ka diiday dagaalka Galgala oo la xabisay

 

Aarannews(Garowe) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa Siddeed askari oo maamulka Puntland ka diiday inay ka qeyb qaataan dagaallada maamulkaasi kula jiro ciidamada Sheekh Attam ee ka socda Buuralayda Galgala xabsi la dhigay.

 

Maxkamada ciidamada ee maamulka Puntland ayaa askartaas oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland gaar ahaan ciidamada daraawiishta ku xukuntay min Saddex sanno oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inay diideen ka qeyb qaadashada dagaallada ka socda Galgala, isla markaana ay ka soo dhuunteen deegaanka Galgala, hubkii loo siiyay inay ku dagaalamaana ay kala soo goosteen ciidamada puantland ee ku sugan jiida hore ee deegaanka Galgala.

 

Siddeeda askari oo maanta la xukumay ayaa waxaa lagu magacyadooda soo gaarsiiyay saxaafadda xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qabalka sida ee maamulka puntland Dr. C/kariim Xasan Firdhiye, waxayna kala yihiin.

 

1- Saddex Alifle, Nuuradiin Salaaf Axmed kana tirsan Uruurka 26aad

 

2- Dable, C/llaahi Maxamed Xirse .

 

3- Dable, C/salaam Warsame Xirse

 

4- Dable, Cabdi Axmed Maxamed

 

5- Dable, Rooble Maxamed C/qaadir

 

6- Dable, C/fataax Sheekh Mukhtaar

 

7-Dable, Faarax Maxamed Barre

 

8- Dable, C/qaadir Cali Aadan

 

Ma aha markii ugu horraysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay ka goostaan ciidamada ku sugan jiidda hore ee Galgala, waxaana jira ciidamo hore uga goostay jiidda dagaalka Galgala oo u galay kuwa Sheekh Attam iyo sidoo kale kuwo u galay Jabhadda SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this