Sign in to follow this  
General Duke

Puntland leadrs continue their historic visit to Sool Cayn regions ...

Recommended Posts

GAROOWE: Cadde Muuse oo la sheegayo inuu ku sii jeedo Deegaanka Buuhoodle

Posted to the Web Sep 16, 20:37

 

 

Garoowe: (pp) - Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya jiida hore ee Gobalka Sool ayaa xaqiijinaya in Madaxwayne Cadde Muuse uu maanta gaaray tuulada Dharkayngeenyo oo 110 Km ka xigta dhanka waqooyiga Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.

 

Sida laga wada warqabo Madaxwayne Cadde Muuse ayaa maalmihii ugu danbaysey booqasho ku marayey Gobolada Sool iyo Cayn, halkaasi oo uu ku doonayo Madaxwaynuhu in uu soo taabto Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn.

 

Wafdi balaaran oo u badan Wasiirada puntlnad iyo Saraakiisha Ciidamada, Agaasimayaal iyo xubno ka tirsan ururada bulshada siyaasiyiin iyo Ismio miisaan wayn ku leh hogaanka sare ee dhaqanka puntland ayaa maal mihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool halkaasi oo uu ka waday hawlo shaqo oo la xiriirta sidii xukunka loo baahin lahaa isla maraakana loo turxaan bixin lahaa waxyaabha la kala tabanayo.

 

Cadde Muuse ayaa sheegay in safarkiisu uu ku wajahan yahay Gobolka Hawdka ee Cayn xarruntiisa Buuhoodle, isaga oo uu Madaxwayne Cadde uu Balan ku qaaday in ay ka go'an tahay in uu tagayo dhulalka *****ga oo aan nina ka xigin.

 

Sidoo kale Cadde ayaa balan ku qaaday in Puntland aysan dagaal diyaar u hayn balse hadii la soo weeraro ay is difaacayso.

 

Madaxweynaha DGPL ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Laascaanood isaga oo hada sida la xaqiijinayo jooga Tuulada Dhargayngeenyo oo 110 KM dhanka waqooyiga ka xigta magaaladaasi Laascaanood.Wararka ka imaanaya dhanka madaxtooyada oo aan sugnayn ayaa sheegaya In Maalinta Axada oo ku beegan Beri , uu Madaxwaynuha iyo wafdigiisuba ay tegi doonaan Gudaha magaalada Buuhoodle.

 

A/rizak koronto

Puntlandpost, Garoowe, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
zamatar   

Maalinta Axada oo ku beegan Beri , uu Madaxwaynuha iyo wafdigiisuba ay tegi doonaan Gudaha magaalada Buuhoodle.

:rolleyes: odaygu wuu raagee maxaa ku dhacay..maanta axad baan moodayee..mise aniga maalin ka horeeya dadka..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this