Sign in to follow this  
General Duke

Buurtinle + Garowe: Turkish Doctors recieve a huge welcome in Nugaal..PICS

Recommended Posts

DSC00108.jpgWefdiga Dhaqaatirta Turkeyga Oo Maanta Gaarey Degmada Buurtinle(Sawiro)

 

October 27, 20101 comment| leave your own!

Share Wafti dhaqaatiir ah oo kasocda Turkiga ayaa soo gaarey saaka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal iyagoo ka yimid magaalada Gaalkacyo oo ay maalmahaan ku sugnayeen waxaana hogaaminaaya Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame iyo rag kale.

 

Waftiga ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada iyadoo dadkuna lulayeen calanka wadanka Turkiga,waxaana ay booqdeen isbitaalka degmada kaas oo wali qabyo ah.

 

Wasiirka caafimaadka ayaa ku sharfey inuu xariga kajaro isbitaalka madaxa dhaqaatiirta Turkey-ga ah oo lagu magacaabo Dr.Osdel Atlich,waxaana kadib waxey indho indheyn kusameeyeen qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo hada gacanta lagu hayo qeybtii bukaan jiifka.

 

Waxaa halkaas kahadley Wasiirka caafimaadka oo dadka Burtinle uga mahadceliyey soo dhaweyntii kuna ammaaney dhismaha isbitaalka.

 

Wasiirka ayaa sheegey iney lagarab taagan yihiin dhismaha isbitaalka wax walba oo karaankooda ah.

 

 

Dr.Osdel atlich oo ah madaxa dhaqaatiirta Turkeyga waxuuna yiri “waan kufaraxsanahey imaatinka degmada waana idinka mahadcelinaynaa soo dhaweyntiina qaaliga ah”.

 

Qunsulka Turkiga ee Soomaalida Sermet Cetin oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu u hambalyeynaayo dadka reer Buurtinle ee dhistay Isbitaalka.

 

Gudoomiyaha degmada Buurtinle Axmed Khaliif Faarax ayaa isna uga mahadceliyey weftiga booqashadooda una muujiyey iney aad ugu faraxsanyihin imaatinkooda degmada.

 

Dhaqaatiirta kasocda Turkiga ee yimid degmada Buurtinle saaka ayaa Isbitaalka degmadaas ugu deeqeen lacag dhan $800-doolarka Maraykanka,waxaana ka gadoomey Nabadoon Nuur Maxamed Axmed.

 

Wefdiga Turkiga ee dhowaan soo gaaray degaanada Puntland kana kooban 23-xubnood ayaa howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Gaalkacyo,waxaana sidoo kale lagu wadaa in ay booqdaan magaalooyin iyo degmooyin badan oo ku yaalla Puntland.

 

Mursal Maxamuud Cismaan

 

Horseed Media

 

Buurtinle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

 

Guul baan u rajeeynayaa shacabka Puntland.

Wasaarada cafimaadku runtii award baay mudan yihiin, Dr Cabdulaahi oo kale in uu wadanka hogaamiyo weeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhakhaatiirtii Turkiga oo uu horkacayo Wasiirka caafimaadka oo u kicitimey Garowe

Posted by admin on October 27th, 2010

 

Garowe(Puntlandi.com) Isbitaalka Guud ee Garowe ayaa waxaa laga sugayaa maanta iney ka howlgalaan Dhakhaatiirtii turkiga aheyd, inkastoo Qorshuhu marii hore uu ahaa Bosaso iney ku hormaraan balse waxaa hada ay u kici timeen Garowe, Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Cali Cabdullaahi oo hor kacaya dhakhaatiirta ayaa maanta ka ambabaxey Gaalkacyo, waxeyna kusi hakanayeen buurtinle, iayagoo galabta tagaya magaalada Garowe.

 

boqolaal Bukaan ah ayaa Isbitaalka Guud ee Garowe ku sugaya Dhakhaatiirta, waxyna maalmaha soo socda Dhakhaatiirtu ka howlgalayaan Isbitaalka Garowe, ka dibna waxey aadayaan Bosaso.

 

Dadka lagu daweyn doono Garowe ayaa waxaa ka mid ah bukaan badan oo laga keeney Isbitaalka Buuhoodle, kuwasoo Dowlada Puntland ay u dirtey gaadiid gaara oo lagusoo qaado.

 

Qado sharaf uu ka soo qayb galayo Madaxweyne faroole ayaa Dhakhaatiirta loogu sameeyey garowe, ineysan ka howl bilaabin Isbitaalka Guud ee Garowe

 

sawirada dhowaan baan idiin soo gudbineynaa, puntlandi.com kala soco akhbaarta,wareysiyo, sawirop Video ku saabsan howlaha caafimaad ee wasaarada caafimaadka Puntland(Dhakhaatiirta Turkiga) ka wadaan Isbitaalada Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Caafimaadka Iyo Dhakhaatiirti Turkiga Oo Garoowe lagusoo Dhaweeyay.

Posted by Ali on October 27th, 2010

 

Garowe(Puntlandi.com);-Wafti dhaqaatiir ah oo kasocda Turkiga ayaa gaarey Maanta Duhurnimadii Magaalada garowe ee Caasimada Dowlada Puntland iyagoo ka yimid magaalada Gaalkacyo Waxaana ay kusii hakadeen magaalada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

 

Waftiga ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey maamulka, Odayaasha ,Waxgaradka Culimada dhalinyarada ururada Haweenka iyadoo dadka lulayeen calanka wadanka Turkiga,waxaana qado Sharaf loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Ee Dowlada Puntland.

 

Dhakhaatiirtan ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ay Howlo Caafimaad oo Balaaran ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame Iyo Dr.Osdel atlich oo ah madaxa dhaqaatiirta Turkiga ayaa Shir Saxaafadeed Xalay ay si wadajir ugu qabteen Magaalada Gaalkacyo Waxaa ay kusoo bandhigeen Howlihii Caafimaad Ee Magaalada Gaalkacyo laga fuliyay.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay In 1205 ruux ay la kulmeen dhakhaatiirta Turkiga ah Isaga oo uga mahad celiyay Waxqabadka dhakhaatiirtan Gaalkacyo ka fuliyeen oo Noqonaya Howlihi Caafimaad Ee ugu balaarnaa Tabarucaad ah Oo Gaalkacyo laga fuliyay.

 

Ali Ahmed Abdi

 

Ali@puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdiga Dhakhaatirta Turkiga Oo Gaarey Magaalada Garoowe(Sawiro)

 

October 27, 20100 comments| leave your own!

Share Wefdiga Dhakhaatirta Turkiga ee dhowaan soo gaarey degaanada Puntland ayaa galabnimada maanta gaarey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

 

Wefdiga oo uu hogaaminaayo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa kasoo ambabaxay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal oo ay maanta joogeen mudo saacado ah isla markaana booqdeen Isbitaalka degmadaas oo dhismo kusocdo.

 

Masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland iyo maamulka degmada Garoowe ayaa meel dhowr kilomitir u jirta Garoowe kaga hortagay oo ay kusoo dhoweyeen,waxaana loo galbiyey halka loo qorsheeyey in ay deganaadan.

 

Dhakhaatirta oo ka kooban 23-xubnood ayaa degaanada Puntland waxaa ay ka fulinayaan howlo caafimaad,waxaana ay kasoo fuliyaan wejigii kowaad magaalada Gaalkacyo.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaakhaatiir Turki ah oo soo gaartey magaalada Garowe

27 Oct 27, 2010 - 7:33:09 AM

 

Dhakhaatiirta Turkiga oo lagu soo djoweeyey Garowe

18 dhakhtar oo u dhashey wadanka Turkiga ayaa maanta 27.10.2010 soo gaarey xarunta magaalo madaxda Dowlada Puntland ee Garowe kadib markii muddo saddex maalmood ah ay ku suganaayeen magaalada Gaalkacyo .

 

23 bishan October 2010 ayey dhakhaatiirtan oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame kasoo degeen garoonka magaalada Gaalkacyo.

 

 

Ardada Skuulada Garowe ka dhigata caafimaadka

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada caafimaadka Dowlada Puntland oo ka waramey socdaalka dhakhaatiirtan ayaa sheegey in magaalo kasta oo ku taal Puntland ay joogi doonaan muddo 3 maalmood ah ayna ka qaban doonaan baaritaano caafimaad iyo qaliin.

 

Dhakhaatiirtaan ayaa isugu jirta kuwa ku takhasusey daaweeynta cudurada caruurta ku dhaca, dumarka, qaliinka lafaha, Indhaha, Ilkaha iyo daaweynta cudarada guud.

 

 

Shaqaalaha Isbitaalka Garowe

Imaanshaha dhakhatiirtaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Puntland booqasho ku uu tagey dalka Turkiga casumaad ugu fidiyey ururkaan dhakhaatiirta ah kuwasoo la yraahdo UHDER " Association of Doctors Hope."

 

Dhinaca kale agaasime ku xigeenka Isbitaalka guud ee magaalada Garowe Cismaan Yusuf Maxamed oo Radio Garowe uga waramey diiwaan galinta maamulka Isbitaalka u sameeyey ayaa sheegey in ay diiwaan galiyeen tiro dad gaaraya 1000 qofood oo u baahan in laga daaweeyo cuduro kala duwan.

 

 

Dadweynaha Garowe oo sita calanka turkiga

Soo dhoweynta dhakhatiirtan ayaa waxaa ka qayb qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka tirsan golaha xukuumada Puntland & Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Garowe, aradada Iskuulada lagu barto culuunta caafimaadka iyo ururada dhalinyarada.

 

Kooxdaan dhakhaaatiirta ah ayaa intii ay joogeen magaalada Galkacayo caafimaad baaris ku sameysay dad gaaraya 1300 dad kor u dhaafaya iyagoo qaliin ku sameeyey 150 qof oo 80 kmaid ah ahaayeen kuwo culus.

 

Waa Markii ugu horeysay oo wafti dhakhaatiir intaa leeg yimaadaan Puntland kuwaas oo sameynaya adeegyo Caafimaad oo wax badan ka tari u dadka reer Puntland.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this