Sign in to follow this  
General Duke

Dhuusa-Mareeb: Heavy fighting many dead Al Shabaab out of city

Recommended Posts

Dhuusa-Mareeb: Wararkii ugu dambeeyey ee caawa ku aadan dagaaladii maanta ee Magaalada Dhuusa-Mareeb.

29. januar 2009

 

Dhuusa-Mareeb(AllPuntland)- Kooxaha Al- Shabaab iyo Ehlu Suna Waljameeca ayaa dagaalo qaraari ay ku dhexmareen Saakadii hore degmada Dhuusa-Mareeb, waxa ayna dagaaladan geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay ku waramayaan wararka laga helayo Magaaladaasi.

 

Dagaaladan ayaa geystay inta laga warqabo dhimashada 11 qof oo rayid ah, halka dhinacyada kalena ay jiraan Dagaalyahano badan oo kaga geeriyooday dagaaladan.

 

Al- Shabaab ayaa lugu waramay in laga saaray gudaha Magaalada Dhuusa-Mareeb, isla markaasna ay Kooxdaasi ay isku uruuriyeen Saldhigyadooda Milateri ee kuyaala gobalka Galguduud meelo ka mid ah.

 

Hogaamiye ka tirsan Al- Shabaab ayaa usheegay Saxaafada Soomaalida in ay sababta ay uga baxeen Dhuusa-Mareeb ay tahay, ayagoo uxanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada, isagoo intaasi ku daray in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan xaalada Magaaladaasi.

 

Afhayeen uhadlay dhinaca kale ee Ehlu Suna Waljameeca ayaa siweyn uga soo horjeestay in ay Al- Shabaab isaga baxeen Magaalada, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warkaasi ee dagaal adag looga saaray Magaaladaasi, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay Al- Shabaab kula dagaalamaan meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenkan wuxuu sidoo kale beeniyey in ay ayagu weerar ku qaadeen Magaaladaasi, balse wuxuu sheegay in lugu soo qaaday dagaal xoog leh ayna iska difaaceen weeraro la doonayay in lugu soo wajaho Magaalada Guriceel oo ay Ehlu Suna Waljameeca la wareegtay todobaadyo ka hor.

 

Qabsashada cusub ee xarunta gobalka Galguduud ayaa ka dhigan mid muujineysa in ay Ehlu Suna Waljameeca isku balaarinayaan gobalada dhexe ee Soomaaliya, ayagoo la dagaalamaya Kooxda ka soo horjeeda ee Al- Shabaab, waxa ayna labadan kooxood yihiin kuwa maalmihii ugu dambeeyey dagaal adag ka dhaxeeyey.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer I think you are replaying to the wrong thread. Our exchange was in another one.

 

As for this is it news my dear lad, I am sad that the warlords strategy is working.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xoog leh oo ka dhacay Degmada Dhuusa-Mareeb.

 

(Mogadishu, Khamiis, January ,29, 2009,(Hornafrik Media)

 

Dagaalo culus ayaa saaka ku dhexmaray degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-gaduud,xoogag kala taabacsan ururada Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab, iyadoo wararku ay sheegayaan in Magaalada ay gacanta u gashay Ururka Ahlu Sunna waljameeca.

 

Dagaalkan oo ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Ururka Ahlu sunna, ayaa waxaa Magaalada ay kaga soo qaadeen afarta Jaho ee Magaalada sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaanka, labada dhinac ayaa isu adeegsaday hub waaweyn iyo gaadiidka dagaalka.

 

Sida wararku nagu soo gaarayaan Magaalada ayaa laga qabsaday xarakada Al shabab oo baryihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay Degmada Dhuusa-Mareeb,waxaana la ogayn inta khasaaraha dagaalkani la egyahay wallow ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaasi.

 

goobjooge kusugan degmada Dhuusa Mareeb ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik in uu arkay meyd ka badan 10 ruux iyo dhaawaca in ka badan 25 ruux kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalku dhexmaray.

 

qoysas fara ku tiris ah oo ka mid ah kuwii ku haray Magaalada ayaa Billaabey inay isaga barakacaan Magaalada.

 

Dagaalkan ayaa daba jooga dagaalo horey ugu dhexmaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud labadan kooxo diimeed, kuwaas oo dad badan isaga dilay colaadan waxaana hada degmada Guriceel gacanta ku haya Ururka Ahlu Sunna.

 

Colaadan ayaa u muuqata mid qatar ah, iyadoo dhinacyadu ay si ba’an isku hubeynayaan, waxaana abaabulka Ururka Ahlu sunna laga soo shegayaa inuu ka socdo degmooyinka Xeraalle,caabudwaaq,balanbal iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi,halka xarakada Al shabab ay abaabulo ka wadeen Maalmihii ugu dambeeyay deegaanada CeelBuur iyo deegaano kale.

 

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, adeer you seem to be pandering to invisible people lad. You must think I have your deep hate that makes you pretend to be something you are not. This is news adeer, my comments are simple it is unfortunate and needs to stop.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unfortunate kulahaa, you are actually enjoying. Let the south implode if scumbag like Yeey couldn't run the place.

 

Che you still blame YEY for your woes. thats what I call obsession .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, adeer you seem to be real confused, and I know where all this anger is coming from, Puntland is getting stronger so go get help. :D

 

As for the news, the Al Shabaab are fighting the reorganised clan of Indacade led by Abdi-Waal and Cirfo under the name of Ahlu Clan Wal Jamaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^You relish the death and destruction of SubxaAllah.

The funny thing is he accuses others of this.

 

" The secessionists just want Xamar to be unstable blah blah"

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The secessionist leader is Faisal Ali Warrabe nooh? Did he not say that the child born in Addis is closer to him and secess than the child born in Mogadishu. :D

 

We view Mogadishu as our city and I have more relatives there than any city on earth, thus your claims are as ludicrous as your phantom nation. Shankaroon Republic. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, all dukey did was post an article, ee waa maxay mushkilata aad wado? (am I missing something?)

 

 

BTW, the two of you need to find a way to put your differences aside and move on. This long standing feud between the two of you has gone on long enough gentlemen.

 

Che, dukey is not your enemy.

 

Dukey, you do not know wuxuu che yahey, lol, ee stop.

 

Remember, enemy of somalia waxa eh waa Abuu and his maroodis. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this