Sign in to follow this  
General Duke

Government to start moving home...

Recommended Posts

Nairobi: Ra'iisul Wasaare Geeddi oo Nairobi ku Noqday Geedigii dawladiisana bilaabaya Barito

- Friday, May 27, 2005 at 22:16

 

Rooma (AllPuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigiisii ayaa caawa fiidkii saacada Nairobi markay ahayd 7:30 fiidnimo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Jomokenyata ee magaalada Nairobi.

 

 

 

Wafdiga ra'iisal wasaaraha oo kasoo laabtay booqashooyin ay ku mareen dalal Yurub ah ayaa saxaafada u sheegay in ay guul ugu soo dhamadeen safaradii ay ku tageen dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga oo ay booqdeen.

 

 

 

Ra'iisal wasaare Geedi oo la hadlay saxaafada ayaa cadeeyay in hawlihii guuritaanka dawladiisu ay u socon doonaan sidii loogu talo galay, wuxuu sheegay in barito oo ah 28-ka May uu bilaaban doono geediga dawladu dalkeedii dib ugu noqonayso.

 

 

 

Goor sii horaysay oo maanta ah wasiirka iskaashiga gobolka ee Kenya oo dawlada Federaalka Soomaaliya dalkiisa lagu soo dhisay, 8-dii bilood oo dawlada Soomaalidu dhisnaydna ay marti galinayeen ayaa wuxuu sheegay in dib u guurida dawlada Soomaaliya uu bilaabanayo Barito, isagoo ku celiyay inay garab la istaagi doonaan dowladaasi sidii ay dalkeeda uga hana qaadi lahayd.

 

 

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland, Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hello Admin (bro&sis)

 

Waa maxay Chat room enter prompt-ga naga hor imanaysa marka page-ku load-garoobo? Ma standard-kii baa hoos u dhacaya. Waxaan, aniga iyo inta ila midka ahiba, uga baranay shaqo iyo service heer xirfadle ah bogga iyo inta ka mas'uulka ahba, marka fadlan kala sooca chat facility-ga iyo dhanka bbs-ka ee bogga.

 

Waad mahadsan tihiin.

 

Concerned customer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

yeah i get the chatroom also when i enter somaliaonline. they need to fix this problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Dawladda FKGS oo bilowday Daad guraynta Ergooyinkii ka qaybgalay shirkii lagu soo dhisay DFKGS

- Saturday, May 28, 2005 at 15:26

 

Nairobi(AllPuntland)-Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waxaa kabilowday daad guraynta ergooyinkii ka qayb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee soo gabo gaboobay.

 

Kaaliyaha madaxwaynaha DFKGS Daahir Mire Jabriil oo u waramayay Idaacadda Daljir ayaa sheegay in daad gurayntu ay bilaabatay oo lagu hormarayo ergooyinkii ka qayb qaatay shirka Kenya oo tiradoodu gaarayso 200 oo xubnood.

 

Wuxuu intaasi ku daray in xubnaha dawladda Ka tirsanna ay labada todobaad ee soo socda guduhooda ay kaga dhammaan doonaan magaalada Nairobi.

 

Mar wax laga waydiiyay Daahir Mire Jabriil goobaha ay kala aadayaan ergada daad gurayntooda labilaabay ayuu sheegay in loo kala dirayo dhammaan gobollada Soomaaliya ee diyaaraduhu tagi karaan , wuxuuna ku tilmaamay gobollad Baay , Muqdisho , Puntland , Jowhar iyo meel walboo diyaaradi ku dagi karto.

 

Mar wax laga waydiiyay sida laga yeelayo dhibaatooyinka magaalada Baydhabo ka jira haddii ay sidooda ahaadaan sidee dawladdu halkaasi ku dagi kartaa ayuu sheegay , dawladdu waxay isku raacday in ladago Baydhabo iyo Jowhar wax walboo jirana dawladda ayaa ka fakaraysa arimaha noocaas ah .

 

Daahir Mire Jabriil oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qorshaha dib ugu guuridda ee dawladda uu socon doono maalmahan foodda inagu soo haya oo dhan , uuna dhammaan doono marka Laba todobaad .

 

CC.Farayaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Government to start moving home...

How many topics threads like that before I can accuse you of crying Yey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this