Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka oo Badda Cas ku quusiyay doomo ay wateen Xuutiyiinta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7131.jpeg?fit=408%2C230&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta ah lagu dilay, kuwa kalana waa lagu dhaawacay, kadib markii ciidamada badda Mareykanka ay doomoha kooxda duqeyn kula beegsadeen Badda Cas.

Ciidamada Mareykanka ayaa goor sii horreysay sheegay in ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanku burburiyeen dhowr doomaha yaryar ah oo ay ku howlgalayeen kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha dowladda Iiraan.

Diyaarado Helicoptero ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa quusiyay saddex doomood oo ay wateen fallaagada Xuutiyiinta, kuwaas oo weeraray markab xamuul ah oo marayay Badda Cas, sida ay maanta shegeen milatariga Mareykanka.

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kadib markii ay Xuutiyiintu rasaas ku fureen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Maraykanka, ay ciidamada Mareykanku “ka jawaabeen iyagoo is difaacaya.”

Waxaa la quusiyey saddex ka mid ah afar doomood oo yar yar oo markabkooda u soo jirsaday ilaa 20 mitir, waxayna dileen dadkii doomaha saarnaa.

Taliska ayaa intaas ku daray in doonta afaraad ay aagga ka baxsatay.

Taliska CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada baddu ay ka jawaabayeen codsi kaga yimid markabka Maersk Hangzhou, oo sitay calanka Singapore, lagana leeyahay Denmark, kaasi oo soo wariyay in muddo 24 saac gudahood ah uu laba weerar kula kulmay Badda Cas.

Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganeysa laba ila-wareed oo ku sugan magaalada dekedda leh ee Xuddeyda ee dalka Yemen ayaa baahisay xogta weerarkaas.

The post Ciidamada Mareykanka oo Badda Cas ku quusiyay doomo ay wateen Xuutiyiinta Yemen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this