Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir kuxigeenka Waxbarashada oo Tababar u soo Xidhay Hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir kuxigeenka Waxbarashada oo Tababar u soo Xidhay Hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradooda
IMG-20231229-WA0001.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska ayaa tababar socday muddo 3 cisho ah u soo xidhay hawl wadeenada xafiisyada wasaaradda waxbarashada gaar ahaana xoghaymaha, tababarkan ayaa ku saabsanaa habka qoraalka tolmoon iyo maamulista shaqooyinka xafiisyada.

Ugu horayn Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Agaasimaha waaxda Waxbarashada Hablaha oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada tababarkan waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonan tababarada noocana.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada oo soo xidhay tababarka ayaa sheegay in loo baahanyahay tababarada noocana islamarkaana ay muhiim tahay in shaqaalaha xafiisyada lagu tababaro shaqooyinka ay hayaan si bulshada loo adeegayaa ay u helaan adeeg hufan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this